Maxaa lagu qoonsaday adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB? (WQ: Maxamuud Siciid Cadaad)

 

Xili aynu kuu jirno xiligii loogu baahi badnaa labadan adeeg oo ay dadka danyarta ah ee abaartu saamaysay aad ugu baahan yihiin in walaalahooda waxa yar ku dhaamaa ee ka fogi ay ugu diraan hadba inta yar ee ay heli karaan si ay ugu iibsadaan biyaha iyo cuntada, maxaa loo cuskaday joojinta isugu dirista wixii ka yar $100 oo ah inta ugu badan ee labadan adeeg la isugu diro?

Waxaad moodaa in la caayayo maskaxaha dadka wax bartay ee ku nool dalkan. Anigu ma ihi dhaqaale yahan laakiin waxaan fahmayaa in aan loo cuskan sababo cilmiyeysan oo ay ka taliyeen dad aqoon fiican u leh dhaqaalaha iyo isbarbardhiga shayga faa’iidadiisa iyo dhibaatadiisa.

Waxaa jirey beri hore nin qoraa ah oo qorey buug uu ugu magacdarey “Soomaalilaand waa Qabriga Aqoonyahanka”. Ujeedaddiisana waxaa ka mid ahayd in hab-muumulkeena aan loo cuskan cilmi iyo sinnaan balse aragti iyo caadifaad uu ku dhisan yahay, hasayeeshe ninkii 2 sanno oo xadhig ah ayuu ku mutaystay buugaa uu runta kaga hadlay.

Waxaan TVga ka daawanayey markii loo codaynayey arrinta ZAAD/E-DAHAB, wasiirro aan eegayn xaga madaxweynaha oo shirka gudoominayey laakiin eegayey camerada! Kuwo kalena mid kale ayeyba eegayeen oo markuu taago raacinayeen! Waa in bulshada loo sharaxaa sida looga bixi karo sixirbararka iyo sababaha loo cuskaday xakameynta adeegyada E-DAHAB/ZAAD.

Hoos ka akhri maqaal hore oo uu qoray Maxamuud Siciid Cadaad

Dilemma decision for Somaliland National Electoral Commission: Survive or satisfy