Tan iyo Intii ay Madaxweynayaasha dalka soo maray ee uu ugu danbeeyo Madaxweynaha Hadda Talada dalka haya Axmed Maxamed Maxmauud “Siilanyo” waxa markii uuu Xisbiga Kulmiye ahaa dadweynah reer Gabiley ku maran habaabiyey haddii aan Ku guulaysto talada dalka waxaan idiin ansixin obolnimada gabiley balse taasi ayaan ahayn mid laga midho dhaliyey, markaad aragto masuuliyiinta xukuumadda mar walba waxay dadweynaha Reer Gabiley ku maran habaabiyaan waxaad helaysaan ansixinta GobolnimadaGabiley .
Wollow mararka ay soo dhowaato ololaha doorashooyinku ay masuuliyiinta xisbiyadu u soo tartamaan in ay Gabiley codkoodii helaan kuna marin habaabiyaan ansixinta Gobolnimada Gabiley.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha wakiiladu uu dawladan Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” uu sheegay in ay qaylo dhaan ka soo saareen laakiin aanay jirin mooshin lagaga doodayo oo wali la keenay Golaha, balse waxa uu sheegay in haddii la hor keeno Golaha mooshinkaas inta uu hoggaanka Golaha Wakiilada hayo ay ansixinayaan.
Sidoo kale waxa uu cadeeyey in aanay xukuumaddani dan ka lahayn ansixinta Gobolnimada Gabiley Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo sheegay in ay mooshin lagag doodayo ansixinta Gobolnimda Gabiley ay keeni doonaan si loo ansixiyo Gobolnimada.
Haddaba Reer Gabileyow yaa inoo maqan, yaase aaminaaa, mee
masuuliyiintii Gabiley codkeeda ku soo baxay ee xukuumadda inoogu Jiray, hadday ahaato Wasiiro, xildhibaano labada gole Qaranba ka mida waxa wax la is waydiiyo ah su’aasha yaa inoo maqan reer Gabileyow.
Farxaan Cabdi
Gabiley Somliland
Email:Farxaancabdi18@gmail.com