Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxii diyaaradda Daallo

 

Telefishanka caanka ah ee Aljazeera ayaa baahiyey in kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta Soomaaliya ay sheegteen qaraxii loo gaystay diyaaradda Daallo Airlines.

Masuul ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la carabaabin ayaa tibaaxay in qaraxan loola dan lahaa diyaarada Turkish Airline laakiin markii ay negaatay lagu beddelay diyaaradda Daallo.

Al-Shabaab waxay sheegtay in qaraxa lala damacsanaa saraakiil sirdoon ah oo reer galbeed ah iyo kuwo Turki ah oo ka tirsan gaashaan-buurta NATO.

“In kastoo qaraxu aanu diyaaradda soo ridin, haddana argagax ugu filan kufaartii odhan jirtay si walba amniga waanu u adkaynay” ayay yidhaahdeen Al-shabaab.

Al-Shabaab waxay sheegeen in ay meel kasta ku ugaadhsan doonaan reer-galbeedka iyo gaalada ku soo duushay dalkooda waa sida ay hadalka u dhigeene.

Diyaaradda Daallo oo qaraxa lala beegsaday 2-dii February 2016 waxa sida la sheegay ku geeriyooday qofkii qaraxa maleegay oo ka soo dhacay diyaaradda oo hawada maraysa waxana ku dhaawacmay laba qof oo kale.

In kastoo cadaadista diyaaradda ay wax ka si noqdeen haddana duuliyihii diyaaradda wuxu awood u yeeshay in uu si nabadgelyo ah ku soo fadhiisiyo maddaarka Muqdisho oo ay ka maqnayd 15 daqiiqo markii uu qaraxu haleelay.

Bandhige@gmail.com