Dagaalka Ceel-afwayn maxaa lagga baran karaa? (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Qaaciiddo ka tirsan Cilmigga Qaanuunka ayaa tidhaahda.

” hadii dhaqanka bulshaddu is badalo , sharciguna wuu isla badalaa ” taasoo macnaheeddu yahay in is badalka bulshadda ay isla badalaan qaanuunka iyo xeerarka dadku samaysto si ay isugu maamuulaan.

Sidaa markay tahay , waxaynu la soconaa in dhaqanka iyo caadooyinka umaduhu si dabiiciya ugu jiraan isbadalo , dhaqankuna aanu sidiisaba ahayn wax meel taagan oo aan is doorinin.

Sidaa darteed dagaalka ka dhacay Deegaanka Ceel-afwayn , marka loo eego si cilmiya waxaa inoo soo baxaysa in Hab-dhaqankii Umaddu is badalay , weliba ay si wax isaga badaleen gaar ahaan dhinaca is maamul dhaqameedka , kala danbaynta bulshadda , taasoo  si wayn uga muuqata guud ahaan deegaaandda umada ku hadasha af-soomaaligga.

Hanaankii kala danbaynta ee bulshadda qabaliga ah ee ku dhisnaa madax dhaqameedka , waxaa fasaqay korodhka magaalooyinka , saamaynta siyaasadda, danaha dhaqaale iyo   saxaafadda oo door wayn ku leh is badalka jirra.

Sidaa daraadeed waxaa muuqata in aan mar danbe la isku halayn karay doorkii xalinta khilaafka ee dhaqanka  , sidaa awgeedna waxaa loo bahan yahay.

  • In sameeyo siyaasadda guud ee amnigga Qaranka iyo golaha amniga qaranka
  •  In dib loo habeeyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo qaab-dhismeedkeeda si loo dardar geliyo xil gudashadeeda.
  • In Booliska Somaliland laggu soo darro qaybtii ilaaladda ee ka shaqayn jirtay Nabadd gelyadda beelaha.
  •  In maamuladda degmooyinka iyo goboladda la tayeeyo , lanna gaadhsiiyo heer ay hanan karaan amnigooda , wixii ku adkaadana lagga caawiyo.
  • In Dawladdu qaadato qorshe  dib u curasho , guud  ahaan xoghaye-yaasha dawladaha hoose , saraakiisha booliska , sirdoonka iyo cadaalada ,loo magacaabo deagan walba saraakiil aan u dhalanin si dadka loo tuso dawladnimo .