Shiinaha ayaa dalal badan oo qaarada Afrika ah ku leh deyn dhan 130 Bilyan oo Doollar, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jaamacadda reer Maraykan ee Johns Hopkins. https://edition.cnn.com/interactive/2018/08/world/china-africa-ethiopia-manufacturing-jobs-intl/. Jabuuti: Loollanka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinuhuu wuxuu ka curtay dalka Jabuuti sannadkii 2017. Shiinaha ayaa Jabuuti ka furtay saldhigii milatari ee ugu horreeyey meel ka baxsan dalkiisa, waxaanu saldhigan u gol-lahaa inuu ka ilaashado danihiisa gacacsi iyo maraakiibtiisa yimaada qaarada Afrika. Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna kaga jawaabtay inay saldhig milatari ka samaysato dalka Jabuuti, waxaana u jooga afar kun oo askari. Walaaca uu Maraykanku ka qabo inuu Shiinuhu kala wareego dalka Jabuuti, waxa hore uga hadlay la taliyihii ammaanka qaranka ee madaxweynihii hore ee Trump oo John Bolton la odha jiray. Wuxuu sheegay in la wareegida dekeda Dooraale ee Shiinuhu ay halis ku tahay alaabooyinka loo wado saldhiga keliya ee Maraykanku ku leeyahay qaarada Afrika. Wargayska iibsiga badan ee Washingtonpost ayuu uga warramay. https://www.washingtonpost.com/national-security/2018/12/14/could-china-squeeze-us-out-its-only-permanent-military-base-africa/.
Itoobiy: Maraykanka oo walaacaasi qaba ayaa haddana uu Shiinuhu sii xoojiyey saameyntiisii deynta dhaqaalaha, waxaanu gebi ahaanba la wareegay dalka Itoobiya, gaar ahaan wakhtigii uu xukunka hayey Raysal wasaarihii dhintay ee Males Sanaawi. Maraykanka oo qanniinsan Males Sanaawi ayaa haddana ay ka soo rayn weyday markii uu xilka la wareegay Abiya. Abiya wuxuu xoojiyey siyaasaddii Males ee Shiinaha hoosta la soo gashanayey. Maraykanka oo quustaasi taagan ayuu dhacay dagaalkii gobolka Tigree. Waxaanu u soo diray ergay gaar ah si uu colaadda dawladda iyo Tigree u dhexgalo. Ergaygu markiiba wuxuu shuruudihiisa ku daray inuu Abiya meesha ka saaro Shiinaha, isna wuu diiday. Sidaasi ayey Maraykanka iyo Itoobiya bannaanka u kala mareen.
Soomaalilaan: markii Maraykankii uu Shiinihii ka soo saaray Itoobiya, Jabuutina uu faro baas ku hayo, ayuu Maraykanka ka fikiray meesha ugu habboon ee uu Shiinaha kula dagaalami karo marka laga eego bariga Afrika. Halkaasi ayaa noqotay Soomaalilaan, gaar ahaan saldhigyo uu ka samayso Saylac ama Berbera. Weftigan dhawaan dalka yimid ayaa tusaale cad u ah is-beddelka siyaasadeed ee dhinaca geeska Afrika ee ku dhacay Maraykanka. Sidii uu hore Maraykanku u sameyn jiray wefti kasta oo uu soo diraa waxa ay soo mari jireen Soomaaliya, oo caalami ahaan la aqoosan yahay. Hasayeeshee weftigan Maraykanka ee dhawaan yimid Soomaalilaan may soo marin Soomaaliya. Waxa kale oo is-beddelka ku yimid siyaasaddii Maraykanka ee geeska Afrika kuu caddeynaya warbixintii ay 4/11/2021 ay soo saareen golaha odayaasha Maraykanka ee Kongeriisku. Nuxurkiisu uu ahaa inay Soomaalilaan la geli doonaan heshiis dhinaca ammniga ah oo ka gaar ah kay ay Soomaaliya kula jiraan. Dawladda Taywaan ayaa kaalin weyn ka ciyaartay is-fahanka Maraykanka iyo Soomaalilaan. Warbixinta Kongreeska waxa aad loogu ammaanay xidhiidhka u dhexeeya Taywaan iyo Soomaalilaan. Haddaba waxa ay suโaali ka taagan tahay sidee ayey Soomaalilaan uga faaโidaysan doontaa fursadaha ay keeneen is-beddelada ka socda dagaalka ganacsi ee u dhexeeya labada quwadood ee Shiinaha iyo Maraykanka?.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan