Boorama iyo buugga Jidka Farxadda

Waxa dhawaan Boorama lagu soo bandhigay Buugga Jidka Farxadda oo uu qoray aqoonyahan Maxamed Sheekh Faarax Cilm oo ka tirsan qurbejoogga Somaliland. Xaflad gardaadineed oo la isku arkay ayaa la qabtay habeenkii December ahayd 16 ka sanadka 2021, waxaana lagu qabtay Huteel Haldoor ee magaalada Borama.

Xaflada oo si heer sare ah loo soo agaasimey isla markaana ay isku soo daba-rideen hawlwadeenada barnaamija Borama one Dollar ayaa sidii la filayay si ka fiican uga qabsoontey magaalada Borama.

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen dhamaanba bulshada gobalka qaybaheeda kala duduwan ayaa waxa ka Hadley dad haldoor ah oo ay ka mid yihiin aqoon yahan, xildhaabo, siyaasiyiin, bahda waxbarsahda, qorba joogta, ururada haweenka, haldoorka dhalinyarta, jaamacadaha gobalka, bareyaal sare iyo ardey, hadalada oo dhamaan daarnaa dhiirigalin, hambalyo iyo waliba mahadnaq ku saabsan aqoonta farshaxanimadu ku jirto ee uu qoraagu kusoo gudbiyay buugiisan han-dhiska ah, iyo waliba in la xasuusiyo lana dhiiri galiyo bahda qalinlayda.

Buuga oo uu qoraagu ku faro yarestey isla markaana uu qoraalkiisu socday mudo shan sano isaga oo u cuskadey daliilo diini ah iyo tixraacyo cilmi ku salaysan,  ayuu si kooban qoraagu uga warbixyay nuxurka uu xanbaarsan yahay iyo waxa uu ka rajeynayo in ay ka faa’idi doonaan da’yarta reer Somaliland.

Dhiganahan oo ka waramaya sidii uu qofku ugu noolaan lahaa nolol farxad leh, tayo leh oo waarta ayaa waxa ku jira xirfado uu qof kaste oo reer aadan ahi u baahan yahay si uu u horumariyo naftiisa.  Xirfadahaas oo ay ka mid yihiin sida loo dhiso kalsoonida, maareynta wakhtiga, la noolaanshaha fikradaha togan ama tolmoon, yageelida yoolalka iyo fahamka hibooyinka mawle inagu arsaaqey iyo ka faa’ideysigooda. Buuga waxa uu ka mid yahay laanta sayniska guud gaar ahaan qaybta la oo yaqaan is-caawin (hegida nafta) ama waxa afka qalaad loo yaqaan self-help.

Bandhiga qaybtiisa koowaad waxa ay kusoo dhamatey guul, waxa uu qoraagu qorsheynayaa sidii uu ugu soo bandhigi lahaa dhamaan gobalada dalka oo ay ugu horeyso caasamida dalka ee Hargeisa sanadka cusub haddii allaha awoode leh inagu simo.

Maxamed Sh. Faarax Cilmi

Qoraa, la taliye, tabobare iyo cilmi baare sare.