Dalalka Uu Maro Webiga Niilku (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Markii ugu horaysay ee webiga niilka la helo waxa ay ahayd 1600-kii, waxaana helay baadari u dhashay dalka boortuqaal, oo u socday hawlo ah fidinta diinta kiristaanka.

Webiga niilku wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah:

  1. Niilka cad (White Nile)
  2. Niilka buluuga ah( Blue Nile)

Niilka cad  (White Nile)

Niilka cadi wuxuu ka soo bilaabmaa dhawr meelood oo ay ka mid tahay buuraha silsilda ah ee dalka Ruwaanda, dhulka taaga ah ee Burundi, Harada figtooriya ee yugaandha, qaybo ka mid ah dhulka Tansaaniya iyo weliba meelo ka mid ah dalka Koongo. Webiga niilka cad waa webiga ugu biyaha badan uguna dheer. Wuxuu ku darsamaa harooyinka Albert iyo Edward markaasuu u soo dhaqaaqaa dhinacaa iyo dalka koonfurta suudaan. Markuu soo gaadho halkaasi waxa is-bedela xawaarihii uu ku socday, waxa ku yimaada hoos u dhac weyn. Wuxuu ku faafaa dhul ballaadhan oo isku siman. Qaybo ka mid ah biyaha webigu waxa ay isu-bedelaan uumi waxayna la falgalaan hawada, marka dambana uumigu wuxuu noqdaa roob. Ka dib markuu ka gudbo dalka koonfurta suudaan wuxuu u dhaqaaqaa dalka suudaan, markaasu ku darsamaa webiga buluuga ah (Blue Nile) meel u dhow caasimada khartuum, ka dib waxa ay noqdaan niilka weyn (Main Nile).

Niilka buluuga ah (Blue Nile)

Niilka buluuga ah wuxuu ka soo bilaabmaa harada Taana ee dalka itoobiya. Wuu ka biyo yar yahay niilka cad, oo sannadkii oo dhan waxa laga helaa biyo yar, mararka qaarkood waxa loogu yeedhaa webiga xagaaga. Sababta magacan loogu yeedho ayaa lagu sheegay inay tahay markuu soo galo wakhtiga xagaagu waxa soo dhaca dabaylo badan oo sababa in dhulka sare ee itoobiya ay roobab badani ka da’aan, ka dibna ay biyuhu ku shubmaan niilka buluuga ah, markaasay bataan biyaha webigu. Webigani wuxuu leeyahay magacyo badan, dhinaca itoobiya waxay u yaqanaan Abbai, halka carabtuna u taqaan Al Bahr Al-Azraq. Markuu soo dhaqaaqo ayuu soo maraa meelo dhawr ah ilaa uu ku darsamo niilka cad meel u dhow caasimada suudaan ee khartuum, intaasi ka dibna wuxuu noqdaa niilka weyn (main nile).

Webiga niilka buluuga ah iyo niilka cad dalalka ka faa’idaysta

Niilka buluuga ah waxa si laxaad leh biyihiisa uga faa’idaysta dalka Masar. 60% ayaa lagu sheegaa inay biyahaasi gaadhaan dalka masar. dalka Suudaan waxa ay si weyn uga faa’idaystaan laydhka oo 80% laydhka dalka Suudaan waxa ay ka dhaliyaan biyaha webiga iyo weliba wax soo saarka beeraha saxaraha ku yaalla. Waxa ay ka beeraan cudbi, gallay, qamadi iyo khudaarta. Webiga niilka buluuga ah waxa ka faa’idaysta dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Masar. Niilka buluuga ah biyihiisu wuxuu khilaafka ka dhex abuuray dalalka Itoobiya iyo Masar.

Niilka cad (White Nile)

Niilka cad waxa si weyn uga faa’idaysta biyihiisa dalalka Ruwaanda, Tansaaniya, yugaandha, koonfutrta Suudaan iyo Suudaan. Waxa ay uga faa’idaystaan beerista beeraha iyo ciida madow ee nafaqadu la socoto. Dalalkan qaarkood waxa ay ka beeraan cudbida oo ay adduunka u dhoofiyaan.

Dalalka uu maro webiga niilka weyni (main nile)

Markay isku darsamaan labada webi ee niilka buluuga ah iyo niilka cadi waxay gaadhaan dalka Masar ka dib waxay ku darsamaan badda midhitareeniyan.

Dalalka uu maro : Koongo, Ruwaanda, Tansaaniya, yugaandha, koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Itoobiya.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Baadhis iyo xog-ururin