Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Shacbiga Iyo Ciidanka Dab-demiska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka dab-demiska Somaliland, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah Maxamed Cilmi Cali oo ahaa hoggaan ku xigeenkii Isgaadhsiinta ee ciidanka dab-demiska iyo Dr. Naasir Cumar Cabdi oo ahaa hoggaan ku xigeenkii caafimaadka ee ciidanka dab-deniska Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/10/2019, duleedka magaalada Hargeysa oo uu gaadhi kula dhacay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka dab-demiska, ciidamada qaranka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, intii ku dhaawacatay shilkaana uu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay.