Dalka horumarkiisa Waddani ha loogu dhaarto (WQ: Maxamed Yaasiin Maxamed)

Miisaaniyadda oo cirkaaa marta iyo baahida qarankan oo noqota mid inteeda badani ay daboolanto, waxa ay ka mid tahay arrimaha horumarin kara qarankeenan taasoo aynu kaga badbaadi karno masiibooyin badan oo ay ka mid tahay Soomaaliyada weli ku hadaaqsan in aynu ka mid nahay, kuwa uu buuxiyey xasadka iyo xiqdiga ay Somaliland u hayaan ee uu Eebbe inaga hor joogo isagaa ummaddaha oo dhan uuntay irsaaqana, ta kale bal tirada xad-dhaafka ah ee shaqo la’aanta dhallinyaradeena oo boqolkiiba todobaatan lagu qiyaaso waxaynu u helayna suuq shaqo oo guddo iyo dibedba leh, haddii si sharaf badan loo ansixiyo maalgashiga dekedda Berbera ee shirkada D.B.WORLD.

Waxaa kale oo hubaal ah in ay ku soo dhiiran doonaan iyana kenbeniyo badan oo iyana sideedo oo kale maalgashiyo aad u balaadhan mustaqbalka ka fulin doona, waxa intaaba ka sii qiimo badan in shirkadaasi iyo heshiiskeedu uu inoo horseedi doono ictiraaf caalami kaas oo ay Imaaraadku kow ka noqon doonaan maadaama sagaal meelood oo heshiiska ka mid ah ay ku qeexeen Jamhuuriyada Somaliland iyagoo aan wax cabasho ah ka muujin, sidoo kalena ay ogolaadeen in baasaboorka Somalilnd lagu tegi karo dalkooda.

Waxaynu heshiiskan oo inoo fulaa uu waran ku yahay dawladda Muqdisho oo iyadu aan nogolayn wax Somaliland u kordha, siduuu sheegay wasiirkooda dekedduhu kaasoo yidhi:

“Waanu ka soo horjeednaa in dekedda Berberi ay gasho gacan aan ahayn ta Soomaalida.”

Iyadoo uu og yahay in dekedda Muqdisho ay gacanta ku hayaan Turki aan wax hantiya gashan iyo iyadoo ay ta hobyo ay Ciraaqiyiin u saxeexeen halka Gaaska puntland uu Sucuudiyiin la heshiiyey, intaasoo dhami uma muuqatee nacaybku ayaa ku tusaya, ta kale Jabuuti oo iyana aan ogolayn in Berberi la sinaato dekeddaha geyiga maadaama ay jecel yihiin in aanay Somaliland helin adduunyo ay gaar isugu maamusho taa dhigeedana ay inala jecel yihiin baaahi inagu qasabta midnimo danbe oo lagu hungoobo.

Kuwan waxa la mida saaxiibada mucaaradka sheegta oo iyaga aanay u kala soocnayn asbaabaha mucaarad nimo iyo kuwa qaran dumisnimo oo ay talo kaga hadhay ku jiqsiida, xukuumaddan maanta talada haysaa way tegaysaa laakiin haloogu dhaarto reer Waddani in aanay dawladnimadu aanay tegayn ee ay iyagana ay sugayso, jaaniskan oo ay lumiyaana aanay ka helayn wax sharaf ah oo ay hadhowto noo sheegaan mana sugayso shirkadan iyo mid kale toona wayna is waydiin doonaan shirkaduhu in aynaan qaran ahayn ee aynu nahay reero aan dhexdooda waxba lagu aamini karin.

Aflagaadada Siciid Cilmi Rooble, isboox-booxa Xoog iyo Ina Buubaa waa boog ku taala Waddani waana mid dadka inta rajada eeganaysaa rajo xumo u horkacaysa, ka yaaba Alle oo Eebe dadkan uga yaaba aad mudada hor taagnaydeen ee aydaan waxba u soo kordhin, ka daaya dadka kala qolo qolaynta oo ka jooga meelkasta oo lagu jabaad jaqala buurantiine.

Qalinkii Maxamed Yaasiin Maxamed