Damac iyo uur ku taallo (WQ: Rashiid Odowaa)

 

(Greed and Greevance)

Waddamada dhaqaalohoodu hooseeyo waxa halaakeeyay ama caqabad ku ah dagaalladaย  kooxaha gooni u goosadka ย 27 dagaal sokeeye ayaa ay diiwaan geliyay machadka International peace research Institute (SIPRI 1999) sandkii 2002 kii,waxa kaloo la diiwaan geliyay 79 Civil war ama qalalaase oo Adduunka ka dhacay intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1999ย  waxa sababay ayay leeyihiin labada arrimood ee sare ku xusan waa koox doonaysa inay wax qaadato iyo koox rabta inay ka ridato.

Labadan arrimood waa laba arrimood oo inta badan Sababa wax kasta oo khilaaf,iska horimaad, rabshad,qalalaase,iska hor imaad iyo xataa Dagaal toos ah sababa oo abuura kooxo gooni u goosad ah (Insurgency),Labada arrimood ta hore waa Damaca waa dhaqaalaha oo loo beretamo oo midba mid is yidhaa uga horree waxay isu dhigtaa qaab xariiq toosan oo sare u kacda (Vertical) xamaasadiisa ayaa sare u kacda,waxa ka dhasha Musuqa,eexda, qarabakiilka,boobka IWM

Arrinta labaad waa Uurxumo,tani waxay ku sallaysantahay Qabiil,Jinsiyad,Midab IWM arrintaniย  iyadu xagga hoose ayay u ย baahdaa waxayna isu dhigtaa qaab (Horizontal ) ah,Qoomiyadaha ama qabaailka ayaa kala shakiya oo waxa yimaadda phobia,in fikir xun uun la kala aamino,in qolo kastaaba iska dhaadhiciso in qoladan kale ay cadow isu yihiin.

Waxay labadan arrimood haddii ay sii socdaan isu sawiraan qaabkan Sawirkani muujinayo,Tusaale ahaan haddii dabku hoosta ka baaho isla markaan kor u kaco wuxuu gaadhi karaa meel fog.

 

Vertical line

Horrizontal line

Inta badan waddamada soo koraya waxay u qaybsamaan,Qaar is yidhaa inta aad xilka haysaan ka buuxsada,iyo koox ama cid gaar ah oo iyaguna ku fikira side ayaad uga ridataan,waa tan ta dhibta keenaysaa markaas

Waxa jira research ay qoreen labada nine e aragtidan (Hoefflier and Collier) Horumariyay,markaad buuggan akhrido waxad fahmaysaa inay wax badan ka jiraan baadhista ay sameeyeen labaas nin,waana bug aad muhiim u ah runtii oo wax badan ka taraya wada noolanshaha dadyow kala ab iyo Isir duwan inay waddan ku wada noolaan karaan.waxa kaluu faaiido badan u leeyahay dhinaca hoggaaminta.

Aragtidani ay labadan nin aaminsanyihiinย  waxay tilmaamaysaa in mucaarid ama jabhad gooni u goosad ahi aanay ahaynba danbiilayaal,ee uu yahay is fahmi waa ka dhashay labadan arrimood ee sare ku xusan,waa damac iyo Uurxumo,waxa isaguna aragtidan oo kale qaba ย Abwaan (Muuse Cali faruur) xilliyadii ay jabhadaha hubaysani ka bilaabmeen Somalia wuxuu yidhi;-ย 

โ€œKacaan diid waddani buu ahaa maamul kaarahaye

Siyaadow karbaashkii idlaa aad kab kabaysayeโ€ย 

Abwaan muuse Cali faruur wuxu ahaa abwaanka keliya ee isagoo Xukuumaddii Siyaad barre u shaqeeya haddana gabay mucaarid ah tiriyay,ee aan baxsanin,sababtoo ah abwaanadu waxay ka baqi jireen in la dilo ama la xidho oo inta badan iyagoo baxsaday ayay soo tirin jireen gabayga mucaaridka ah.

Muuse halkan wuxuu caddeeyay in ninka baxsaday ee ka soo hor jeestay xukuumadda uu yahay nin waddanka wax ku leh oo Saluug tirsanaya,macneheedu waa hoos ha loo eego,dabcan wuxuu taagerayaaย  oo ay ka midaysanyihiin labadan nin ee Faylasuufka ah ee aaminsan in Mucarid ama gooni u goosad inaanu sidiisa danbiile u ahayn ee waxbaa jira ee ha la baadho kama fogaanayso labadan (Factor) waa damac iyo uurxumo.

MAXAA XAL U AH LABADAN ARRIMOOD

1-waa in la xoojiyaa ama la dhisaa Waddaniyadda oo la abuuraa waddan jacayl laguna beddelaa halka qabyaaladda.

2-Waa in la ilaaliyaa Sinaanshaha Fursadaha shaqo iyo qandaraasyadaba

3-Waa in lala dagaalamaa Musuqa oo si cilmiyaysan oo talaabo tallaabo ah loo bilaabaa,waxana fiican inanay ku soo booddo noqon ee loo dejiyaa Siyaasad iyo Qorsheย  cad

4-Waa inuu mar kasta jiraa isla xisaabtan iyo daah furnaan

5-Waa in la xoojiyaa is dhexgalka bulshada iyo is aaminsanaanta

Wa billaahi towfiiq

ย 

Rashiid Odwaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213