Manhajka siyaasadda (WQ: Axmednuur Guruje)

Siyaasaddu waa cilmigga ugu adag ee aduunyadda ka jirra , sababtoo ah waxaa jirra duruufo badan oo is barkan oo macnaha ereyga siyaasad ku wada kulma .

Waa marka koowaade siyaasadda iyo barashadeedu waxay raacdaa qaybta Cilmiga ah ee loo yaqaano Arts,sidaa darteed waxa la yidhaahdaa Arts barashadiisu way fududahay lkn dabaqaadiisa ayaa adag , halka Sayniska barashadiisu ka adag tahay hasa yeeshee dabaqaadiisu ka fududahay marka danbe .

Marka xigga siyaasaddu waxay koobsataa aqoonta aduunka oo dhan , siyaasiguna waa xisaabyahan , saynis yahan , juqraafi yahan , suugaan yahan iyo sharci yaqaan intaba iyo waliba qaar kale oo badan .

Tusaale kooban hadaan ku siiyo . Siyaasigga aan si fiican u aqoonin , qaybaha xisaabaha ee Probability ,Matrix iyo Logic kama dabaalan karro duruufaha siyaasadeed ee ka hor yimaada .

Mawduuca aan kusoo dhawaadee .

Siyaasadda imika dunidda ka shaqaysa , waxaa u aabo ah , Caalimkii Talyaanigga ahaa ee la odhan jirey Machiavelli , nuxurkeeda iyo isirkeeduna isaga ayay ku noqotaa .

Manhajka ninkaasi u dhigay siyaasadda ee Aduunyaddu imika ku dhaqanto hadii aynu wax yar ka taabano , waxaa u sal-dhiga labba mabda oo waawayn .

1- Guul & Guul-darro.

Siyaasaddu cadaalad , Akhlaaq iyo mooral midna ma taqaano hassa yeeshee waxay taqaanaa guul iyo guul darro , cid kasta oo siyaasad ku jirtaana waxay u halgantaa sidee baad u guulaysan kartaa ,sidaa darteed wadada guusha loo marayo la isma waydiiyo wanaageeda iyo xumaanteeda .

2- Gunaanad & Gaba-gabo ( The end justify means ).

Mabda aas nuxurkiisu wuxuu yahay , arrimuhu siday u dhamaadaan ayuun baa u asal ah , taas oo macnaheedu yahay ,faaladda ciyaartu waxay ku xidhan tahay natiijadda , hadii ciyaarta laggu guulaysto shaqo fiican baa la qabtay , hadii la guul daraysto shaqadii la qabtay oo dhami waa khasaare .

Mabda’anina waa bayska labaad ee siyaasiyaantu maanka ku haystaan , nuxurkiisuna wuxuu yahay , gaadhista yoolka ayaa wax walba ka mudan .

Si kastaba ahaatee , siyaasaddu waa waxa ugu badan ee dadka Soomaaliddu ugu hadal haynta badan yihiin hassa yeeshee ay ugu aqoonta yaryihiin , maxaa yeelay siyaasaddu waa akhris iyo cilmi baadhis , Soomaaliduna waxba ma akhrisato waxna ma baadh baadho .