Dareenka Khudbadii Maxamuud Xaashi. (WQ: Mustafe Axmed Maxmed Geedi-xaas)

Aftahinimaddu waa hibbooyin-ka Eebbe baxsho ee muujiya mudakarnimada qofeed.
Dulucda iyo nuxurka Weedhuhu ee Aftahanimadu waxay la miisaan-tahay hubka ugu culus dunida ee qof bashar ah lagu dhaawaco qalbigiisa .
Sida uu qarnigii horre inoo sheegay:- Abwaankii waynaa ee  Salaan Carabey markii uu lahaa :- Afku wuxu la xoog-yahay Mag-liga Xawda kaa jarra.
Marka aad eegto qud-baddiisa iyo dareenkiisa oo uu ku cabirraayey si degganaana iyo taabashadda hadalka ee nuxurkiisa, waxay muujinaysaa inaanu jirin Fagaarre ka hadal maxamuud xaashi oo kale ah in aannu ku jirin xisbiga kulmiye. Xataa muuse biixi oo buufta mikirifoonkiisa aan codkiisa laga maqlin si halaasi ah faham haba joogtee.
Wuxu si korka-xaadis u tilmaamay sharci ku tumashadda madaxwayne biixi ee xisbiga kulmiye dhexdiisa,wuxuuna tageerayaashiisa ku qanciyay in niddaam iyo kal-danbayni ka jirin xisbiga dhexdiisa, siddaa darteed in aannay ka qoomamayn inaanu is iska diwaangalin koofeerka ay malxiisiintu bootarka ku marsannayaan ee (Gudida Qabban-qabbada)
Wuxu yidhi:- waa inoo daggaal wa weedh muujinaysaa inuu billow yahay dagaalka xaashi ,ugu yarana wuxu ku gooddiyay inuu yahay raggii muuse meesha saarray.markalena muuse ay daaqadda ka saari-donnaan.
Inkasta oo annu qudbaddiisa warqad ka akhriyayn haddana waa maddal uu ku muujinaayey bisil iyo aftahinimo yaab-leh iyo nin garranaya cid u la hadlaayo iyo sida loola hadlaayo. May qaaddayn caadifadu ee wuu iska dhool-cadaynaayay mararka qaar oo kaftan iyo  ku tiiqtiiqsi ayuu si xarrago leh mawjado sun iyo waabey ah ugu hurgufay madaxwayne biixi isagoo sheegay inaanu karti xikmad iyo caqli midna aanu lahyn ee ay xakumadisii ay isaga meesha saartay uun oo uu yahay buudhi madhan.
Wuxu tilmaamay inaanu kaligii ahayn ee uu yahay horjoogaha xukuumaddii hore oo dhan iyo deeggaamdisii Bariga Burco oo uu aqlabiyadiisa wato.
Sidaa marka ay tahay waxa u tilmaamaya in uu qarax wayni dhici doono , oo kulmiye gawraca kadib rafan doonno waa markuu lahaa ,Daggaalku waa bilaabmay.
Wuxu u ku tilmaamay nimanka muuse hoos yaacaya qaar fullay ah oo u ku masaallay malxiisiin ,taa baddalkeeda wuxu yidhi ma ihi malxiis waxanan ahay nin guulwadaynta ka sarreeya oo hankiisa aan nin aamaahinayn.
Ugu danbayn khudbadiisu waxay ahayd mid ay ka muuqato xarrago,korka xaaddin,xanaf-tir iyo hay-bbad hoggaamineed , waayo qudbadiisa maggaalooyinka ugu waa wayn sidaa loo suggayay xataa siyaasi loo suggay oo dadka u wakhtigu cidhidhi ku noqday garran maayo oo aan ka ahayn hortiis  Maxaxmed Xaji Cigaal iyo  Axmed Siilanyo .
Marka aynu eegno sida  qudbadan Xaashi ay u Suggayeen deggaamadiisi  Bariga Burco oo cabsi ka qabay inuu tannaasulo waxa ay
 jidaynaysaa inuu deeggamaadiis ku hantay  una sheegay inuu yahay nin aan libtiisa ciyaar loogga qaaddan ee lagu sumoobo,  taas badelkeedana way ku qanacsanyihiin in nin wax iska celin karra oo kulmiye jooga uu kaligii yahay marka laga yimaado malxisiinta wajiggooda botorku qarriyay
Waxaanse suggaynaa jawaabta madaxtooyada ee ay kusoo dirayso malxiisayda wajigoodu bootarku qariyay si ay ugu jawabaan ninkan aftahnimadiis ay addagtahay cid ka fal-celisaa.
La isma xaasido ee gaalka dil kartiisana sii :-waxaan qabaa arragti ahaan in xaashi yahay nin aannay loodin karin oo ka khibrad badan kanna waayo arragsan inta joogta xiabiga kulmiye.
Sidaa darteed waxaynu suggaynaa malxiiska kowaad ee ganbadhka kusoo fadhiisan doona ee la dhaho maxamuud xaashi u jawaab.
Dagaalku waa bilow  ee heellada inoo tuma garabka bidix ee xiabiga kulmiye.
Waxa Qoray: Mustafe Axmed  Maxamed Geedi-xaas
Contact.0659555532