Golaha Wakiillada (House of Congress) dalka Maraykanka, ayaa u coddeeyey maamuus-ka-xayuubinta (impeachment) Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, kadib markii ay ku heleen laba ย dambi oo kala ah; inuu sifo khaldan u adeegsaday awooddiisa Madaxweynenimo iyo inuu caqabad ku noqday, isla markaana hor istaagay shaqada golahooda, waxaannu noqday Madaxweynihii saddexaad ee maamuus-ka-xayuubin lagu sameeyo taariikhda dalka Maraykanka.
Codka maamuus-ka-xayuubinta ah ee ka soo baxay Golaha Wakiillada Maraykanku weli wax saamayn ah kuma yeelanayaan xilka Madaxweynenimo ee Mr. Donald Trump, kamana hor istaagayo inuu hawlihiisa shaqo si caadi ah u wato, balse waxay arrintani dhaawac ku tahay sumcadda iyo xilkiisa Madaxweynenimo, iyadoo tallaabada xigta ee la sugayo ay tahay in goโaanka ka soo baxay Golaha Wakiillada loo gudbiyo Aqalka Odayaasha (Senate), kuwaasoo dhegaysiga, doodaha iyo coddaynta dacwadda lagu soo oogay Madaxweyne Trump bilaabi doona bisha ย soo socota ee January 2020-ka, iyadoo uu Donald Trump xilkiisa Madaxweynenimo waayi doono haddii uu Golaha Odayaashu (Senate) si buuxda ugu coddeeyaan taageerada dacwaddaha lagu soo oogay Madaxweynaha, balse xilkiisa si caadi ah ayuu sii wadan karaa haddii lagu guul-daraysto in dawcaddiisa la dhaafiyo Golaha Odayaasha dalka Maraykanka.
Dalalka iyo ummadaha dimuqraadiga ah ee sharcigu sareeyo, kuna dhaqma dastuurkooda u dejisan qaabkaas oo kale ay xilalka uga qaadaan Madaxdooda, balse afgambi iyo xukun millatari midna Madaxweynaha xilka lagagama qaadi karo. Si dastuuri ah ayuu ku yimaadaa xilka, sifo dastuuri ahna xilkiisa wuu ku waayi karaa, wixii intaas dhaafsani waa sharci-darro.
Haddaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbannaanidiisa dib ula soo noqday 18 May 1991-kii, waxaana muddadaas 29-ka sanno ah Somaliland soo maray shan Madaxweyne, iyadoo labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey oo kala ahaa; Allaah ha u wada naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal ay xilalka ku yimaadeen nidaamkii axdi-qarameedka ahaa, balse saddexdii Madaxweyne ee ka dambeeyey oo ah Md. Daahir Rayaale Kaahin, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha hadda xilka haya ee Muuse Biixi Cabdi ay xilalka ku yimaadeen nidaam doorasho toos ah oo ku salaysan dastuurka Somaliland ee aftida dadweyne lagu ansixiyey taariikhdu markii ay ahayd 31 May 2001-kii, iyadoo habka loo doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland lagu caddeeyey qodobka 83-aad ee dastuurka.
Sida ku cad dastuurka, Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha Wasiirradu, waxay hawlashooda shaqo u gudanayaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka, waxayna xilalkooda ku waayi karaan si waafaqsan dastuurka Somaliland.
Qodobka 96-aad ee Dastuurku waxa uu qeexayaa habka loo soo eedayn karo, maamuus-ka-xayuubinna loogu samayn karo Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada, haddii ay ku kacaan dambiyada lagu caddeeyey dastuurka ee ay ku mutaysan karaan maamuus-ka-xayuubinta, markaa waxa muhiim ah inay dadka reer Somaliland fahmaan in aannu Madaxweynahoodu qori caaradii iyo awood millatari ku haysan dalka, sidoo kalena aanay wax fiican ahayn in Madaxweynaha iyo madaxda kale ee qaranka lagu sameeyo dayaacado been-abuur ah iyo eedaymo sumcad-dil ah (defamation), taasoo uu qofku ku mutasan karo dambi lagula xisaabtamo, si la mid ah sida Madaxweynaha loola xisaabtami karo haddii uu dambi qaran galo.
Qodobkaas dastuuriga ah oo faahfaahsan waxa uu u dhigan yahay sidan;
QODOBKA 96AAD
EEDEYNTA IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA
MADAXWEYNAHA, KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA IYO WASIIRRADA
1. Haddii Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha lagu soo oogo dambiyada kala ah:ยฌ
b. ย ย Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t. ย ย Ku xad-gudub Dastuurka.
Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka dambiyada ku xusan faqraddan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan Golaha Wakiillada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Golaha Wakiilladuna wuxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiillada badhkood iyo mid ah {Absolute Majority).
2. Golaha Wakiilladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood oo eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiilladu adeegsan karaa qareemo madaxยฌbannaan oo arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.
3. Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhegaysanaya dacwadda ay soo oogayaan Guddida ay igmadeen Golaha Wakiilladu, iyadoo Madaxweynuhu ama Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca. Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4. Haddii Xeer-ilaaliyaha Guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dambi ka mid ah dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwaddiisa.
5. Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirrada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee Caddaaladda (High Court of Justice), Maxkamaddaas oo ka kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole waliba soo doorto laba xubnood.โ
Haddaba, waxa dadka muwaadiniinta ah ee reer Somaliland looga baahan yahay inay si fiican u bartaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku leeyahay, si ay u kala ogaadaan xuquuqaha ay leeyihiin iyo waajibaadka saaran, iyadoo aanay jirin cid ka saraysa sharciga iyo dastuurka dalka, maadaama aad halkan ku arkayso in sharcigu xilka ka qaadi karo Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha Wasiirrada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa qoray Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.