Dawlad xul ah amase xal ah Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

Marka hore Mahad oo dhami Eebe ayay u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka xiga waxaan Salaan Diiran hawada u marinayaa bahda Saxaafadda iyo qof kasta oo qoraalkaygani soo gaadho.

Qaybtii koowaad waxaynu kaga hadlanay, intiinii ila socotay, filashada bulshada Somaliland ay ka filanayaan dawladda Xisbiga Kulmiye soo dhisi doono. Waxaynu taabanay is-waafajinta tiro Kooban oo Tayo leh iyo Awdoodqaybsiga Goboloda. Waxaa kale aynu milicsanay xukuumaddii hore ee Axmed Siilaanyo iyo Wassaaradha ama hayadha hore  jiray ee aan la jaanqaadi Karin nidaambka cusub, isla markaana ku habboon in la tir-tiro. Qaybtan 2aad waxaynu ku eegi doonaa Wasaaradaha amaba hay’adaha ay tahay in wax ka-bedel lagu sameeyo amaba lasoo biiriyo.

  1. WASSAARADAHA AMA HAY’ADAHA AY TAHAY IN WAX-KA-BEDEL LAGU SAMEEYO:
  2. Wasaaradda Deegaanka iyo Hay’adda NERAD oo lays raacsho loona baxsho “Wassaaradda Ilaalinta Deegaanka iyo Maaraynta Masisbooyinka Dabiiciga ah”. Guddiga Abaaraha ee dhowaan la sameeyay oo runtii wax weyn qabtayna waa in iyana, laga fekero sidii tamartooda halkan loogu soo xidhi lahaa ee ay Wassaradani u maamuli lahayd. Sababta aan labadan Hay’adood isu raaciyay waxa weeye:- 
  • Hay’addan NERAD ee madaxa bannaan waxay ku taagantahay Xeer Baarlamaanku ansixiyay. Shaqadeeduna aad bay u qayaxantahay. Hase yeeshee sidii la rabay uma shaqayn tan iyo intii la aasaasay oo imika gaadhaysa kudhowaad 13 sano. Shaqadeeda oo ah “diyaargaraw, Maarayn iyo Gurmad” ku jihaysan masiibooyinka, ma gudan karto, sababo dhowr ah darteed: Kow tamar uma laha (dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba), midda Labaadna waxa weeye shaqadeedii oo ku filiqsan (overlapping) xafiisyo kale sida Wassaaradda Qorshaynta, Wassaaradda Deegaanka iyo Guddiyada Gurmadka Abaarha. Sidaas darted haya’ddan lafteedu sidan kuma sii shaqyn karto, waa in wax weyn laga bedelaa, waana sabata ay tahay inay deegaanka isu raacaan.
  • Tusaale kale Wasaaradda Deegaanku magac ahaan waxay u taagantahay oo huwantahay magac weyn oo la xidhiidha halbawlaha nolosha, waa deegaanka e. laakiin haddaad u fiirsato shaqada ay qabtaan waa: wacyi gelin, maalinta dhirta oo ay kayn qaybiyaan, iyo dhuxusha la shidayo oo ay mar mar olole ku qaadaan. Waxay ka shaqeeyaan oo kale inay shaqooyin ka qabtaan dhulka biyo qabadkiisa si daaqu usoo baxo, hawlahaas inta badan hay’ado caalami ah ayaa ka caawiya. Shaqadan (deegaan soo celinta), farsamo ahaan waxa kaga habboon oo aqoonteedina leh waa Wassaaradda Beeraha. Xeerarka Dhul daaqeenka iyo dhulbeereedka ayay marar badan ku kala aragti duwanyihiin labbadan wasaaradood (beeraha iyo deegaanka), iyo Wassaaradda xooluhuba. Taas oo ah in xaddhigga qoloba dhinaceeda u jiidayso. Sidaas darteed in Deegaanka, Diyaargarowga & Maaraynta Massiibooyinka iyo weliba Guddiyada Abaaraha iyo Gargaarka dhuuca laysu dhigo, waa halkay u dhimatay. Muuse na ha loo sheego. 
  1. Waaxda Socdaalka (Immigration): baahida jirta darted, ee muwaadiniita iyo soogelootigaba, waxa ay mudantahay in loo bedelo Wasaarad gaara. Waxaa loo bixin karaa: “Wasaaradda Arimaha Socdaalka, Jinsiyadaha iyo Dibudejinta”. Sababaha wasaaraddan cusub loo samaynayo wax ka mid ah: Kow maadaama Somaliland aan la aqoonsan dhibaatooyin badan baa ka haysta dadka xagga socdaalka. Midda abaad waxa weeye dadyow badan oo ama qaxooti ah ama barakacayaal ah oo wadankii hadba meel u socda cid si fiican ula socotana aanay jirin. Waa ta saddexaade waxa jira tahriibka oo sii badanaya iyo isugudbinta ama ka baayacmushtaraynta banii’aadamka oo dunida aad uga socota, lagana yaabo in Somalilandna ay marinada ka mid noqoto. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in Wasaaraddan la sameeyo oo weliba si heer sare ah loo qalabeeyo oo loo dhiso. Madaxweyne bal taana haw daymo la’aan.
  1. Wassaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada: Wassaaraddan shaqadeeda haddaynu eegno, qaybta koowaad ee shaqada waa door muuqda taas oo qaranku u baahanyahay. Qaybta labaad ee Arimaha Bulshada, khalkhal (confusion) badan baa had iyo goor ka yimaada. Waxaad arkaysa iyagoo madaxa iskula jira wassaaradaha adeega bulshada, siiba markay noqoto dhaqaale abuurka, shaqo abuurka, hawl gelinta dhalinyarada, arimaha dumarka iwm. Arimaha shaqada oo ay ugu muhiimsanathay ilaalinta xuquuqda shaqaalha iyo ruqsad siinta shaqaalaha ajaanibta ah ayaa aad loogu baahnayahay. Wassaaradani dib u eegis bay iyana u baahanthay. Sidaas darteed magaceeda ha lagu koobo “Wasaaradda Shaqada” oo keliya. Waa wasaarad muhiim ah e yaan loo daymo la’aan.
  1. Wassarardda Diinta iyo Awqaafta. Wasaaraddani waay u baahnatahay dib u habayn. Tusaale ahaan, Waxa muhim ah in la qeexo doorka Wassaaradda ee dhinaca Waxbarashada. Waxa ila fiican inay Wassaaraddan hoosyimaadaan: Madaarista iyo macaahidda diiniga ah. Sidoo kale Hayadda/ama Golaha culimada xidhiidhka ka dhaxayn doona iyana waa in la qeexo. Sidoo kale hayadaha kale ee dawcadda diinta ku mashquulsan iyana waa in wadashaqayntooda iyo Wassaaradda la qeexaa. Waxa jira xafiisyo kale oo iyana shaqadoodu isasoo gelayso oo u baahan in la bayaamiyo siday u wada shaqaynayaan Wassaaraddan, sida xafiiska Diiwaanka Sakada oo kale….
  1. Waxsoosarka (Xoolha, Beeraha, Daaqa, kalluunka iyo khayraadka badda): Wasaaradaha wax soo saarka ku shaqada leh, sida: (a) Beeraha, (b) Xoolaha iyo (c) Kalluumaysiga iyo weliba (d) Wasaaradda Deegaanka, ayaa ah kuwo looga baahanyahay in waxqabadkoodu uu is dhamaystiro, halka ay imika ka yihiin kuwo iska hor iyo daba dhacaya, marar badana waxyaabo isku mid ah qabanaya (overlapping).
  • Tusale ahaan, Wassaaradda Xannaanadda Xooluhu, magac ahaan waa wassaarad u muuqata muhiim, waayo magacii Xoolaha oo lagu tilmaamo laf dhabarta dhaqaalha dalka ayay ku magacaabantahay, xaqiiqadu se waxay tahay waxay qabataa laba shaqo oo aad u kooban: ta koowaad waxa weeye waxay sameeyaan talaal/ama daaweyn xilliyo gaar ah, oo inta badan hay’ado ka taageeraan iyadoo la adeegsanayo kooxo ilaa tobaneeyo ah oo wareega. Shaqada labaad ee ay qabtaan waxa weeye, waxay eegaan caafimaadka xoolaha ka dhoofaya Dekadda Berbera, oo dhakhaatiir koobani u joogaan. Wassaaraddani suuq uma raadiso xoolaha, calafka xoolahana kama shaqayso oo ma keento mana soo saarto. Kolkaa Su’aashu waxa weeye, ma mudan tahay in loo magacaabo Wasiir, W/xigeen, W/dawle iyo saraakiil kaloo badan. Jawaabtu Madaxweynaha ayay u taalaa.
  • Tusaale kale, Wassaaradda Kalluumaysiga, ayaa iyana ah Wassaarad doorka ay u taagantahay aan u dhowayn in ay gudato, waana magac u yaal uun marka hawsha sugaysa loo eego. Waxa la tilmaamaa in kallumaysiga haddii si dhab ah xooga loo saaro in wixii 2030 ka dambeeya Somaliland aanay miisaaniyad kaleba u baahateen, taasi waxay u baahnatahay in tubtii lagu gaadhi lahaa cagta la saaro. Wassaaradani waxay la’dahay dadkii aqoonta kalluumaysiga lahaa. Wassaaraddan maanta ma joogo xataa hal qof oo shahaado sare ku sita cilmiga kallumaysiga, waana wax laga naxo runtii. Waa suura gal inay keligeed Wassaarad u taagnaan karto, waanan qabaa ra’yigaa, laakiin sidan ay imika tahay uma dhowa. Waa Wassaarad ku taala Magaalo madaxda oo aan xataa badba lahayn, waxay ka fogtahay dadkii ay ku magacownayd (kalluumaysatadii iyo baddiiba). Waxa Hargeisa Xarunteeda looga dhigay baa su’aali ka taagantahay.. Jawaabtuse waxay u taalaa Madaweynaha.

Maanta nolosheenu waxay u baahantahay in xoolihii, daaqii iyo cuntadii lays dhexgeliyo. Sidaas darteed labada wasaaradood ee Xoolaha iyo Beeraha waa in lasyku daraa. Dhinaca waxsoosaarku (production sector) waa hawlaha u waaweyn ee horyaala xukummadda cusub. Sidaas darted labadaa isladoontoo yaan loo dayma la’aan.

  1. Gaadiidka (Cirka, iyo Dhulka): Gaadiidku waa mid ka mid halbowlayaasha dhaqaalaha dal uu leeyhay. Gaadiidka markaynu leenahay waxaynu ka hadlaynaa: Gaadiidka Cirka, midka dhulka mara iyo ka badda. Somaliland markaad eegto hawlahaasi saddex wasaaradood bay ku filiqsan yihiin, oo kala ah: (i) Wasaaradda hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyenta, (ii) Wasaaradda Duulista iyo hawada (iii) Wassaaradda Madaxtooyada oo dekadduhu hoostagaan (iv) iyo Wassaaradda Kalluumaysiga oo badduhu hoos tagaan. Halkan mulaaqa aad u weyn baa ka muuqda, waxaana loo baahanyahay in M/weynaha Cusubi si fiican u eego isagoo ku xidhaya wixii uu dadkiisa u balan qaaday xilligii Ololaha doorashooda
  1. Wassaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshga: Wassaaraddani waxay qabataa oo ugu muhiimsani waa ruqsad siinta ganacsiga heerarkiisa kala duwan. Maalgeshiga oo macageedu sheegayo ayaa isna la sheegay in dhowaan laga hoos saaray oo hay’ad madax bannaan oo gaara loo magacaabay. Wassaaraddan haddii ay ilaalinta suuqa, korinta ganacsiga (siiba kiisa yaryar), kalaxadaynta ganacsga, oo ay sharciga ku ilaaliso oo ay intaa ka adkaato buro ayay sidaa, waana inta ay Somaliland maanta ugu baahi badantahay. Kolkaa Wasaarad gaar in ay ahaato waa u qalantaa
  1. Guddoomiye Gobol (Badhasaab/Governor): Maadaama ay jiraan goleyaal deegaan oo lasoo doortay, badhasaabada shaqadoodu way iska xadidantahay. Inta badan waxay dulsaar ku yihiin shaqada Guddoomiyayaasha Degmooyinka. Waagii Ina Cigaal, Duq Magaalo madaxweynaha ayaa magacaabi jiray, inta badan Duqa caasimadda Gobolka ayuun baa xilka gobolna loogu dari jiray. In sidii hore lagu celiyo wax diidayaa ma jiro. Shaqada u badan ee Badhasaab u bannaani waa inuu isku xidho degmooyinka gobolka. Si kastaba ha ahaatee waxynu dareemi karnaa in waqtigan xaadirka ah aan laga diga rogan Karin Badhasaabada sababo jira darteed. Waxaa ka mid ah: Waa xil weyn (waa sida loo arko e), markaa dadka golaha wasiiradu ka buuxsamo ayaa badiyaa layskaga khaarajiyaa. Waxaa kale oo jirta gobolo aan weli baarlamaanku ansixin, oo Iyana inay governatore helaan u baahan, kuwass oo Duq Magaalo Madaxyadii hore (waa Lix e) aanay hoos tegi Karin, ilayn imika waa gobolo la simane. Iskusoo duuboo, badhasaab in mustaqbalka lasoo doorto ayuu ku wanaagsanyahay intii la magacaabi lahaa. In golaha deegaanka caasimadaha gobolada laga dhex doorto waa suuragal. Tan waxba ku dheeraan mayno, hayska sii ahaato sidaa aynu awawyaasheen ka dhaxalnay, waayo imika aadyar lama bedeli karayo

(La soco Qaybta 3aad oo isla mawduucan ku sabsan……………………….)

Qaybta 3aad, waxaynu ku eegi doonaa Qaab-dhismeedka Xukuumadda Xul iyo Xal. Waxaa kale oo aynu taaban doonaa qaabka ugu habboon ee awood qaybsiga gobolada loo dhigi karo.)

Lasocod wacan

W/Q: Cabdiraxmaan Caydiid

abdiaideed11@gmail.com

November 27, 2017

Hoos ka akhriso qaybtii koowaad.

http://bandhige.com/dawlad-xul-ah-amase-xal-ah-q-1aad-wq-cabdiraxmaan-caydiid/