Sawir lagu soo qaatay shirkii la-dagaallan argagixisada ee Sucuudiga ayaa ka xanaajiyey Falastiiniyiinta iyo Dunida Muslimka

Falastiiniyiinta iyo guud ahaan dunida Islaamka ayaa baraha bulshada lagu xidhiidho ku muujiyey cadhada ay ka qaadaan sawir lagu dhex daray fiidyow lagu furay shirkii Isbahaisyga Ka-dhanka ah Argagixisada ee shalay qabsoomay kaas oo uu gadh-wadeen ka ahaa Dhaxal-Sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sawirka laga cadhooday ayaa ah nin falastiini ah oo la dagaalamaya askar Yuhuudi ah wakhtigii loo bixiyey Intifaadada labaad ee sannadkii 2000.

 

Shirka waxa ka soo qayb-galay 41 dal oo muslim ah. Wali ma kala cadda in sawirkan si ku-talo-gal ah loogu soo daray fiidyowga iyo in kale.

Haseyeeshee waxa jira dareen isa soo taraya oo ah in Dhaxal-Sugaha Sucuudigu uu baryahan dambe u janjeedho dhinaca Israa’iil isaga oo dhabarka u jeedinaya Falastiiniyiinta u halgamaysa dhulkooda.

Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah Wararka

Bandhige@gmail.com