Kelyuhu waa Xubno aad u muhiim ah oo shaqooyin tiro badan u qabta jidhka qofka. Waxay ka mas’uul yihiin qashin-saarka dhiiga, iyagoo Jidhka ka saara Maadada Urea oo ah hadhaaga barootiinka, ahna maadad sun ku ah hab-sami u shaqaynta jidhka qofka.
Kelyuhu waxay ka qayb qaadataan samaynta Unugyada dhiiga. Waxay sameeyaan oo soo daayaan hormoono caawiya dejinta dhiiga, caafimaadka lafaha (Vitamin D) iyo nidaaminta milixda, bootaasiyamka iyo asidha.
Sidoo kale waa Xubinta labaad ee marka Beerka lagu daro, jidhka ka sifeeya sunta iyo dawooyinka aynu qaadano.
Sidaa darteed waxaa muhiim ah in la barto caadooyinka wanaagsan ee ilaalin kara caafimaad qabta kelyaha iyo in la iska ilaaliyo caadooyinka dhaawaci kara kelyaha.
Dawooyinka ugu badan ee sida hubsiimo la’aanta ah loo cuno waxa ugu horeeya kuwa Kaar-Jebinta. Dawooyinkaas waxa ka midd ah Paracetamol (Acetaminophen), Ibuprofen, Phenacetin, Naproxin iyo koox dawooyin ah oo la isku yidhaa NSAIDs ( Non-steriodal anti-inflamatory drugs).
Dawooyinkaas waxa loo qaataa xannuno badan oo ay ka midd tahay madax-xannuunka, kaarka lafaha, muruqyada, xannuunka caadada dumarka lasocda, dhabar-xannuunka, iyo xaalado badan oo kale.
Haddaba waxa muhiim ah in lagu baraarug sanaado in dawooyinkani ay waxyeelo gaadhsiin karaan Kelyaha qofka.
Dadka in waxyeelo dawooyinkan kaso gaadho waxa ka midd ah:
Qofka muddo ka badan saddex sanno si joogto ah u qaata midd ka midd ah dawooyinkan.
Qofka wada qaata laba dawo iyo in ka badan toban maalmood muddo ka badan.
Qof kelyo xannuun hore leh, oo kelyihiisu hore u dhaawacmeen.
Caruurta yaryar oo si khalad ah u hela dawada kadib cuna xadi aad u badan aya khatar waynu ugeli kara dhaawaca kelyaha. Amaba qof isku deyay in uu isku dilo dawada kaar-jebinta (Drug overdose suicidal attempt)
Qof si joogto ah u qaata dawooyinka kale ee iyaguna kelyaha sameeya, sida kuwa xannuunada maskaxda, Suuxdinta, qaar ka midd ah kuwa dhiig-karka iyo qaar kale.
Dawooyinkan Kaar-Jebintu (Analgesics) waxay sababi karaan laba midkood.
1.In kelyaha shaqadoodu si degdeg ah u joogsato oo dhaawac dhakhso ah ay keenaan (Paracetamol iyo Aspirin dhibkan degdeg ah ma keenaan), wax yeeladan degdega ah waxay inta badan qayb ka tahay allergy culus oo ilaa maqaarka saameeya oo dawada kaar jebintu keento. Xaaladan oo kale waa mid aad u tiro yar laakin aad u halis ah.
2. In ay mudo dheer si aan la dareemin u dhawacaan kelyaha oo saamayntoodu mudo badan kadib soo baxdo (insidious damage).
Dawooyinka Kaar-Jebinta ee ugu badan ee dhibkan keena waxa ugu horaysa Phenacetin; oo ah dawo loo isticmaali jiray kaar jebinta, laakiin laga joogiyay inta badan wadamada horumaray laakiin nasiib darro wali laga isticmaalo meelo badan oo wadankeena ka midd ah.
Tallaabooyinka la iskaga dhowri karo dhib kaasoo gaadha dawooyinkan waxaa ka mid ah:
1. In aanad cunin dawada Kaar-Jebinta adigoo aan ka maarmi karin mooyee.
2. In aanad dhowr nooc oo Kaar-Jebin ah mar wada qaadan.
3. Hadii xannuunka ku hayaa ku tegi waayo saddex cisho wax ka badan waxa kula gudboon in aad dhakhtar la xidhiidho si loo ogaado sababta keentay kaarka oo loo daweeyo.
4. Hadii aad isku ogtahay xannuunka kelyaha, marnaba ha iska cunin dawo aanad dhakhtar kala tashan; mid kaar-jebin ah ama mid kale.
5. Waa in aad caadaysato in aad Cabto biyo badan (ugu yaraan laba litir maalintii) hadii aad qaadanayso dawooyinka kelyaha saameeya.
Waxa inaga gudboon in aan ogaano khatarta caafimaad ee ka iman karta dawooyin badan oo si dhaado la’aan ah la isaga qaato. Waana in aynu yarayno tirada kimikooyinka jidhkeena gelaaya in aynu ka maarmi wayno mooyee..
Allah mahad leh.