ISBADALADA GEESKU SAMAYN TABAN MISE MID TOGAN AYEY LEEYIHIIN?

 

Xiisadaha siyaasadeed, nabadgelyo darrada iyo xasilooni la’aanta dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee uu gobalka Geeska Afrika lahaystaha u yahay, waxa ay buro ku noqdeen sawirkiisa siyaasadeed iyo muuqaalkiisa guud, waxa aanay abuureen isbedello iyo isdiiddooyin sida fooraha jihooyin kala duwan ka imanaya. Taas oo mararka qaarkood ay adagtahayba in aynu si run ah u odorosi karno suurtagalnimada in gobalku uu ka bogsado boogaha mililka yeeshay ee abid hagardaamada ku ahaa horusocodkiisa, midnimadiisa siyaasadeed iyo xitaa is raacsanaantii dhuleed.

Tusaale ahaan, soddon sano ka hor cidina ma’ay filayn go’itaankii Ereteriya, madaxbannaanidii Koonfurta suudaan iyo in Soomaaliya ay noqon doonto dawlad Federaal ah oo ay maamul-gobaleedyadu baarqab yihiin, goballadii woqooyina ay ka dhismi doonto Somaliland oo dawladnimo iyo nidaam maamul oo ay u madaxbannaantahay oo aan wali helin ictiraaf caalamiya. laakiin waxa ay weli saadaal aan fiicnayn u tahay sida ay u adagtahay in dalalkani ay yeeshaan wada noolaanshiye dhaqaale iyo iskaashi horumar, xitaa haddii ay noqonayso iyaga oo kala madaxbannaan.

Iyada oo ay waxaas oo dhami jireen, haddana marnaba quus lagama joogo suurtagalnimada in xidhiidh dhaqaale iyo iskaashi horumar keenaa uu dhexmaro dalalka Geeska Afrika, iyo in uu dhaco isbeddel dalalkan ologga ah u fududeeya in ay irmaansadaan khayraadkooda ceegaaga, lana jaanqaadaan horumarka dunidu u hayaantay. Taas oo Ifafaalaheedu aad u soo muuqdo intii uu talada dalka Itoobiya qabtay raysalwasaare Abiy Axmed, oo isbedello saamaynta iyo xawliga duufaanta leh ku soo biiriyey saaxadda siyaasadda iyo diblumaasiyadda gobalka ee fadhiidka ahayd.

Abiy Axmed oo la aaminsan yahay in uu dhabartaabasho ka haysto dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka, ayaa isbedello illaa gunta ah ah ku samaynaya dabeecaddii siyaasadeed iyo nidaamkii talo ee dalkiisa iyo diblumaasiyadda gobalka Geeska Afrika. Waxaa xiise gaar ah leh, in colaaddii guunka ahayd ee Itoobiya iyo Eriteriya uu maalmo yar gudahood u beddelay saaxiibtinimo ku sii siqaysa iskaashi Istaraatijiyadeed. Isaga oo durbadiiba bilaabay dadaallo uu doonayo in dalkan ay deriska yihiin laga qaado cunaqabatayntii ay qaramada Midoobey saartay mudo yar gudahoodna uu ku guulaystay. Taas oo u muuqata in ay daarantahay laba sababood oo isbarkan:

  • In Itoobiya ay hesho marin biyood u soo labeeya Jabbuuti, oo aan sida dekedaha Mombasa, Soomaaliya iyo Somaliland uga baahanayn dhaqaale buuran oo ku baxa dhismaha dekedda, jidadka, nabadgelyada, diyaarinta shaqaalaha iyo dhammaystirka kaabayaasha loo baahan yahay.
  • In Maraykanka uu helo jid uu u maro dalka Eriteriya oo uu danaynayo istaraatijiyaddiisa dhinaca badda.
  • Imaaraadka Carabta ayaa isna si weyn u danaynaya dekeda Ereteriya oo dhinac ahaan ay isku dan ka yihiin Maraykanka, dhinaca kalana kaalin weyn ka qaadanaysa ammaanka qaranka ee Imaaraadka Carabta, xoojinta dagaalka ay isaga iyo xulafadiisu kaga jiraan Yemen iyo dano ganacsi.

Itoobiya waxaa ka socda korriin dhaqaale oo ah kan ugu xawaaraha badan Afrika iyo inta badan ee dunida, sida ay hay’adda lacagta adduunka ee IMF saadaalinaysana, sannadkan oo keliya waxa uu kordhayaa qiyaas ah boqolkiiba 8 iyo badh. Sidaa awgeed si ay uga feejignaato in nasiibdarrada bad la’aanta ee haysataa ay dabarto horumarkeeda, waa in ay heshaa dekedo ka badan laba iyo saddexba.

Talisyadii kala dambeeyey ee Itoobiya, weligoodba waa ay dareensanaayeen muhiimadda ay dekeduhu u leeyihin. Laakiin Abiy Axmed, waxa uu dekedahaas raadintooda u marayaa xeelad ka duwan tii uu dalkiisu hore ugu mari jiray; waxa uu markan rabaa in uu iskaashi iyo danwadaag la yeesho dalalka gobalka ee dekedaha leh. Waxa uu hore heshiisyo ula galay Jabbuuti, Suudaan, Kenya iyo Soomaaliya, ka horna waxa jiray heshiis Itoobiya kula jirto Somaliland iyada oo dhowaanna ku soo biiray heshiiska Ereteriya oo dekeddeedu noqonayso tan labaad ee isticmaalkeedu ugu soo dhaqsan karo marka Jabbuuti laga yimaaddo.

Ereteriya in lagu soo celiyay xayndaabka Bariga Afrika iyo beesha caalamku cidda ugu badan ee ay walaaca ku haysaa waa dalka Jabbuuti oo colaad dhinaca xuduudka ahi u dhexeysay sannadihii u dambeeyey, dhul ay leedahay iyo maxaabiis ciidanna ku jiraaan gacanta Ereteriya.  Waxase bilaabmay dadaalo lagu xalinayo khilaafkaas walaw aan wali lagu guulaysan.

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey meel aad u xun gaadhay xidhiidhka Jabbuuti ay la leedahay dalka Imaaraadka Carabta oo kaalin weyn ku leh isbeddellada socda. Sida oo kale Maraykanka oo isagu saldhig ciidan oo muhiim ah ku leh Jabbuuti ayaa aan muddooyinkii u dambaysay ku qanacsanayn in madaxweyne Geelle uu saldhig milateri siiyo dalka Shiinaha oo loollan weyni u dhexeeyo. In laba ka mid ah saddexda saaxiib ee cusub ee Ereteriya aanay aad uga raalli ahayn Jabbuuti waxa ay meesha ka saari kartaa fursaddii ay Jabbuuti kaga hortegi kari lahayd in isbeddelka socdaa uu danaheeda dhinac maro. Dad badan ayaana qaba in siyaasadda labagardaaqa ah ee ay Jabbuuti dalkeeda isugu keentay quwadadha is diiddani oo ay marka hore dano siyaasadeed iyo faa’iido dhaqaale ku heshay, ay imika keeni karto in ay isku rogto.

Si kastaba ha ahaato ee, halka imika la joogo, muhiimadda dalka Jabbuuti weli waa ay ka xoog badan tahay in sidaa kediska ah looga baalmaro, waa suurtagal in waxa socdaa uu yahay keliya in baraqnugleeyo, ugu dambayntana ay dhacdo in Jabbuuti la siiyo dammaanado ugu yaraan cabsida ay qabto dejiya. Lagana shaqeeyo sidii uu madaxweyne Geelle u raaci lahaa geeddiga socda. Inkasta oo ay arrintani u baahan tahay in dano badan laga wadahadlo, oo ay ugu horreyso in wax la iska yidhaahdo xidhiidhka Jabbuuti iyo Ereteriya, iyo in la qaboojiyo cadhada Imaaraadku u qabo Jabbuuti, haddana in walaaca Jabbuuti la bogsiiyo waxaa muhiim ka sii dhigaya Jabbuuti oo ah xarunta urur gobaleedka IGAD.

 

Maraykanka

Maraykanku raalli kama uu ahayn saldhigga ciidan ee uu Shiinuhu ka samaystay Jabbuuti oo uu isagu hore ugu lahaa. Mana sii eegan karo in ay sii socoto saamaynta Shiinaha ee gobalkan muhiimka ah ku soo badanaysa. Sidaa awgeed xidhiidh uu Maraykanku la samaysto Ereteriya waxa uu Shiinaha kaga caabbin karaa in uu gaadho xeebaha Ereteriya iyo in uu badda cas si buuxda u hantiyo.

Xildhibaan Dana Rohrabacher oo 30 kii sano ee u dambeeyeyna ka tirsanaa golaha wakiillada, waxa uu wasiirka arrimaha dibadda Michael Pompeo kula taliyey in Maraykanku uu xidhiidh adag la samaysto dalka Ereteriya, oo istaraatiyad muhiim ah leh. Lagana shaqeeyo sidii uu ula yeelan lahaa iskaashi milateri. Waxa uu si badheedh ah ugu dooday in ay taasi tahay tab fiican oo lagaga hortegi karo saamaynta soo kordhaysa ee uu Shiinuhu ku leeyahay gobalka, oo ay ka mid tahay saldhigga mialteri ee ay Jabbuuti siisay.

In Ereteriya ku soo noqoto saaxaddu waxa ay Maraykanka u leedahay dano kale oo ay ugu muhiimsan tahay in Iiraan uu ka ilaaliyo badda cas si uu u sugo danihiisa marin biyoodka baabu-mandab, isla markaana u adkeeyo nabadgelyada Israa’iil iyo xulafadiisa khaliijka

Shiinaha

Shiinuhu waxa uu muddo ku hawlanyahay qorshe uu ku samaynay jid ganacsiyeed lagu magacaabo Jidka xariirta ah ee Shiinaha, kaas oo la doonayo in uu noqdo jid isku xidha Shiinaha, iyo dalal muhiimka ah ee Aasiya, qaarad la mooddo Hindiya, Iiraan, Yurub, dalalka Carabta iyo Geeska Afrika. Jidkaas oo bad iyo berriba marayaa waxa uu qorshuhu yahay in uu soo maro badda cas oo uu ka soo gelayo jihada woqooyi ee Masar, soona marayo marinbiyoodka Baabu-mandab, isaga oo ku dhowaanaya Ereteriya, Jabbuuti iyo Somaliland oo ugu durugsan, illaa uu u soo gudbo badweynta Hindiya oo la filayo in uu magaalada Muqdisho ku baydho ama ku dhowaado, kaddibna Nairobi tago. Sidoo kale shiinuhu wuxuu samayn wayn ku yeeshay dalalka geeska afrika isagoo maal galin ku sameeyay:

  • Waxsoo saarka beeraha iitoobiya,
  • warshadaha iyo wadooyinka iitoobiya
  • Waxa udhisay tareenka udhaxeeyay jabuuti iyo itoobiya
  • Waxa uumeelgaliyay quwada korantada ee jabuuti iyo erateriya
  • Waxa udhisay isbitaalo laga dhisay jabuuti iyo iitoobiya

Iyadoo ertariya ay saarnayd cunaqabatayni ayaa hadana shiinaha iyo turkigu maal galin badan ku sameeyeen eratariya.

FAAIDOIYINKA LAGA HELI KARO IDHEXGALKA WADAMADA GEESKA

Is dhaxgal iyo wax wada qabsi dhaxe mara wadamada geeska afrika wuxuu keeni karaa:

  • Hurumar dhaqaalo iyo mid bulsheed
  • Wuxu fudaydin donaa isku socodka dadka iyo alaabada
  • Wuxuu geeska kusoo dabaali karaa xasilooni iyo nabad galyo
  • Wuxuu fudaydin donaa ladagalanka burcad badeeda

DHIBAATOOYINKA KA DHALANKARA ISDHEXGALKA WADAMADA GEESKA

Geeska afirka waxaa dagan qoomiyada kala duwan dad ahaan iyo diin ahaan taas oo isdhex galkoogu ay ka dhalan karto dhibaatooyin badani oo ay ka mid yihiin:

  • Bilawka dagaal diimeed iyo mid qawmiyadeed
  • Isku dhac cusub oo dhex mara wadama geeska
  • Isku dheelitirnaan ganacsi taas oo keeni karto isku dhac daleed

Somalida ayaa noqon karta qawmiyada kaliyee ku khasaraysa is dhex galkan ka socda geeska waayo ma muuqato diyaar galaw farsameed oo ka muuqda qawmiya somalida xataa kuwa jabuuti ku nool. Dhan kale somalidu wax soo saarkoogu waa mid aad uhooseeya marka loo eego qawmiyadaha kale taas oo keeni karto in somalidu dib udhac kala kulanto is dhex galkaa.

GUNAANAD

Fooraha dabaysha is badal ee kasocota geesku waa mid faidadeeda iyo halisteeda leh waxase ay ku xidhantahay sida ay uwajahaan hogaamiyayaasha geesku. Isbadaladan ama waxay noqon doonaa ku lagu faaido ama waxay horseedi donaan khaasare iyo dhibaato hor leh.

 Cabdicasiis Maxamed Axmed- Cilmi Baadhe