Sida caadada noqotay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waxay ka simanyihiin in marka Shirweynahoodu gaadho ee khasatan la dooranayo madaxda hoogaaminta iyo Musharaxa ay yara wareeraan, taas oo aakhirka horseeda in Xisbigu falfaliidhmo amaba mararka qaar saaxaddaba ka baxo. Sidii UDUB, iyo UCID oo Kawaanka saran. Dad badan baa is weydiiya sababtu maxay tahay. Runtii sababo badan ayaa jira, mar kalaynu ka hadli, laakiin hadda taa uma amababixin inaan fa faaloodo, waxaan ku ekaanayaa ciwaanka Maqaalka oo keliya.
Intaynaan u daadegin inta Waddani Dhaawaca gaadhay qotadiisu leegtahay, waxaynu kuyara noqon Shirweynahoodii dhowaan (Oct 19 – 22, 2016) ku qabsoomay Hargeysa.
Qaabkii uu u dhacay shirweynaha xisbiga Waddani
Dhowaan Xisbiga Waddani waxa uu qabsaday Shiweynihiisii oo si fiican loogu xafladeeyay. Waxa la doortay Hoggaanka Xisbiga iyo Musharixinta Madaxweyne iyo Ku-xigeen ee doorasha 2017. Go’aamadu waxay u muuqdeen kuwo debedda lagu soo jilciyay, haye yeeshee markii golaha la keenay ayaa qaraxu bilaabmay. Waxa jirta haddii aad dheri qalqaaladiisa u dhaqaaqdo, kasoo qaad metelan inaad shah/qaxwe diyaariso, dabcan waxaad soo diyaarsanaysaa oo isku daraysaa biyihii, sonkortii, shaahii iyo mararka qaar caanaihii si aad baraad wanagasan oo dhako jebiya ah u hesho. Haye yeeshee haddii biyihii iyo sonkortii oo islaba-rogaya aad caleenta shaaha ku darto wuu karaa, markaasuu banaanka usoo tuuraa waxbadan, haddaad caanaha u raacinasan kaba sii daran. Sidaa wax u eeg ayaa ka dhacay goobtii shirka.
Maxaa ka dhacay shirweynihii?
Shirweynihii wax kale ma dhicin ee markii layku darayay walxihii kala duwanaa ayuun baa kildhigii furka tuuray. Metalan baaldigii koowaad oo ay ku jiraan Waddanigii hore ayaa gunta loo dhigay Foosto Gobolo Shirweyne la yidhaa oo dadbka saran, baaldigii labaad oo ay ku jiraan Siyaasiga miisanka culs wata ee C/qadir Jirde iyo taageerayaashiisa ayaa lagu xigsiiyay. Labaadaas qolo si fiican ayay isula falgaleen ismana diidin. Hadhuubkii sadexaad oo ay heelka sare ku jiraan siyaasiyiin miisaan leh oo xagga federalka kasoo quustay ayaa iyana lagu sii kor shubay. Way isla xoorisay, xiinkii dheriguna waa sii batay. Qaybtii kale oo iyana Isbahaysi kulmiye kasoo duday ah ayaa lagu hamsiiyay, daboolkiina waa lagu hig siiyay. Cabbaar hadday isla kartay, oo lays leeyahay si fiican bay walxuhu isu dhexgelayaan..oo dherigu u bislaanayaa meeshaana saxan wanaagsan baa manta laga malabsanayaa, ayuunbaa waxaa lagu warhelay Foosto-Goboladii oo furka tuurtay, saa waa kuwii u hooseeyay oo dibabada u booday….Alla waa Mr, Seed, waa Xil. Faarax dheere …. iyo qar kaloo badan.
Su’aashu waxa weeye miyaa la filayay in Mr. Seed iyo raga kale ay dibadda u boodi doonaan, marka dherigu kar-karo. Siday aniga ila tahay Jawaabtu waa “Haa” waa la filayay, Waddanina xisaabta si fiican buu isugu soo geystay oo khashiin ma ahayn, laakiin waxa ka khaldamay sida uu u maareeyay hab-u-socodka shirka. Haddii uu Foosta Goboladaii dabka saarnayd kolba dhulka yara dhigi lahaa, kadibna marba baaldi ku hubsan lahaa, oo eegi lahaa siday u shaqayso way yara dhaami lahayd, laakiin dabaakhiin khashiiniin ah ayaa madbakha ku jiray, oo ku miisay walxo kala ordya mar keliya kuwada guray dheriga.
Waddani gudihiisa, isbedel yaa uu sameeyey
Isbedelku waxa uu saameeyay dhawr qolo:
Mr. Seed iyo taageerayaashiisa oo uu si taban u saameeyay ayaynu soo qaadan karnaa. Runtiina fursdaha dib loogu kabi karaa way adagtahay amaba ma sahlana, sabatu waxa weeye arintu ma aha keliya inuu Mr. Seed Musharax waayay ee midda hiirtaanyada reebtay baa ah, sida loo maamulay arinta oo muujisayay inuu ahaa hab-u-socod doorashao oo aanu isagu (waa Seed e) qayb ka ahayn. Waxa si cad u muuqatay inaanu warba ka hayn roobka deyrta dhow di’i doona ee daadkiisuna six un a qaadi doono. Taasi waxay ka dhiganathay, afka lagula hadlayo Mr Seed ilaa codaynta la gaadhayay waay u muuqananaysay in si fiican looga shaqeeyay. Laakiin taa waxa u dhaami lahayd iyagoo u badheedha sidii Kulmiye oo yidhaahda adeer laba musharax (M/Weyne iyo K/Xigeen) ayuun baa jiraya waana hebel iyo helbel ee candhuuftaada iska liq. Runtii wuu cartami lahaa, laakiin waxa jiri lahayd oo aan lunteen fursadda soo ladqabaynta, oo imika geed sare ku laalan. Guud ahaan fursadda Seed iyo taageerayaashii lagu keeni karaa ma sahlana ayaynu odhan karnaa. Mr seed lasftiise wuxuu noqday ninka dheriga loo karkarinayo ogaan waayay waxa ku jira, runtiina dhagax baa si fiican logu kar-kariyay, manuu ogayn, siduu u yaabay baad ka garanaysaa.
Qoloda labbad ee dherigu soo tufay, markii milixda iyo basbaaska lagu yara badiyay, waa taageerayaasha bariga ee gobolada Togdheer, sannag iyo Saxil, ama si kale haddaynu u dhigno Beesha Madaxweynaha oo taageerayaaashii Xisbiga qaarkood ka dudeen. Iyaga laftigooda madaxdii u hadashay waxaa ka muuqday inaanay nabarka kusoo maqan si fiican loogu sharixin laakiin ay jugta uun ku warheleen. Qoladan waa suuragal in qaybo ka mid ah ladqabo lagusoo furdaamiyo, waanay ka dhowyihiin baan u arkaa Mr. Seed iyo taageerayaashiisa.
Qaybta saddexaad waa guruubyo qubana ah ha, oo ay ka mid yihiin siyaasiyiin gobolaka saaxil laga taageero. Qolodan waxaad moodaa ama ay u muudeen, ilaa xataa shirka ka hor, in aan wax miisaan ah iyo ku xisaabtan toona aanu Xisbigu siinin, Xisbiguna ma ilduufin sida ka muuqata gaardigiisa oo dantiisa siduu u arkay ayuu Waddani guuray. Syaasiyiintaas laftoodu way is ogaayeen oo Sida Mr. Seed hanbabar lagama dareemin, kolkaa iyaga xaalkoodu waa “qudhaanjana far qaniintay” oo rajo soo noqosho iyo ladqabayn loogu noqonayaa kama soo jeedo xaaladda imika taagan markaynu ka shidaal qaadano.
Ugu dambayn waxaynu dhinaca kale arkaynaa in xisbiga Waddani, inkastoo uu aad u ordayo sidii u kasban lahaa taageerayaal kale oo kusoo biira, haddana waxa muuqata in Waddani weelkiisu iska buuxsamay intaa ku jirta wax ka badna aadu qadi Karin, xaalkiisuna asidaa ku dhanyahay, waxay u goysaba. Haddii uu Weel kale soo tosho waa suuragal inuu taagerayaal kale kasban karo, haddase inooma muuqato. Waddani waxaad moodaa inuu waqti badan ku luminayo daba oroddka Mr. Seed iyo taageerayaashiisa, laakiin dhinaca kale ha ogaado Habar la daba ordaa Habar kale oo laga tago oo cadhootay leedahay e.
Fursadaha Waddani u furan?
Waddani wuxuu u baahanyahay inuu Haantiisa dib ugu noqdo oo soo tosho meel uu wax ku riddo, Qandigii hore buuxsanye…Taana waxaan u malaynayaa nimankii dheriga kardhaafiyay inaanay weli famamsanayn waxa ka khaldamay.
Waddani waxa kale oo uu ka faaiidyasan karaa, KULMIYE oo hurdo dheer ku jira imka, oo malaha is macaash siiyay, wax Olole ah oo uu wado ama muuqdaana anu jirin
Waddani waa Inuu fahmao, markaad taageerayaal soo dhawayso inay qaar kale didi karaan. Marka ha la yimaado Qorshe Cad oo dadna ku helo kuwii horena ku haysto, taas oo uu ilaa imika haabkeeda faramadhan ka taaganyahay. Kulmiyaa taa kaga xariifsan meelo badan baynu odhan karnaa.
Waddani inuu sugo dildillaaca u dambeeya ee UCID oo u muuqda inuu dhowaan bilaabmayo, inkastoo Kulmiyana kuurka ugu jiro dhinaciisa, haddana nasiibkiisa ayuu ka qaadi karaa.
Waxa iyana Jira Madasha, oo siyaasiyiin aan sahlanayni dhex fadhiyaan. Waddani taana inaanu wax badan ka keenayn bay u muuqataa, waayo Dambiilkiisa (sellada) waxa hadda ugu jira iyo qaar badan oo ka mid aha Siyaasiyiinta Madasha laysku karkarin kari maayo, sidaan filayo. Kulmiyaa laga yaabaa inuu uga dhowyahay inuu Madasha ama badhkeed qanciyo oo taageero ka helo.
Si kastaba ha ahaate, inkastoo kuwaasi fursado fiican yihiin haddana, awoodaha uu Waddani taageerayaal kaga heli karaa ma sahlana.
Golaha Toosinta ee imika Waddani ka dhex istaadhmay xisbigey ku biirayaan?
Illaahy baa qaybka ka qar haya, laakiin aniga waxay ila tahay, dooda ayuun bay adkaysanayaane, KULMIYE inay ku biiraan ayay manta ka jecelyihiin Waddani, hadduu Kulmiye akhriyi kari waayo Jibkooda waa suuragal inay kala jabaan oo badh did Waddani ugu noqdaan.
Aynu eegno giraanta siyaasada siday isu rogmato maalmaha soo socda.
Wabillaahi Tawfiiq
Cabdiraxman Caydiid