Xog-hayihii dhallinyarada iyo Ciyaaraha Waddani ayaa iska casishay xilkii, Cirro-na ku eedaysay in uu xisbigii gacanta u galiyey koox dillaaliin ah

Xog-hayihii dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xisbiga Waddani  Rooda Cabdi Muuse, ayaa gebi ahaanba xilkii ay ka haysay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iska casishay, waxaanay Guddoomiyaha xisbigaas ku eedaysay in uu soo in uu gacan galiyey xisbigii koox dillaaliin ah oo mid waliba ujeeddo isaga gaar u ah wato.

Rooda oo warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedaysay Guddoomiye Cirro in uu si aan ka-fiirsasho lahayn u urursaday koox qawlaysato ah oo aan danta qaranka wadin, taasina keentay in ay xisbigaas iskaga hulleesho, waxana iyada oo arrimahaas ka hadlaysa ay tidhi:

“Waxaan idiin sheegayaa in aan iska casilay xilki aan ka hayey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, is-casilaaddayda waxaan bun-dhig uga dhigayaa laba arrimood oo kala ah, in ay xisbigii Waddani maanta ku bahoobeen dillaaliin, kuwaas oo mid waliba gacanta u dhiibayo Guddoomiye Cirro, mid odhanaya Guddoomiye waxaan doonayaa in aan qaranimada Somaliland ka iibiyo e gacanta ii dhiib, mid  odhanaya waxan doonayaa in aan xamar ka iibiyo qaranimada Somaliland ee gacanta ii dhiib, mid leh waxan jecelahay in aan xisbiga Waddani ku aarsadee gacanta ii dhiib iyo mid leh reerkaygaa badane gacanta ii dhiib, Guddoomiyahayguna intaba wuxuu noqday ninkii gacanta u dhiibay.”

Sidoo kale Roodi waxay su’aal gelisay caddaaladda laga fili karo xisbiga Waddani, maadaama uu hoggaanka xisbigu ku fashilmay in uu caddaalad ka dhex abuuro shacabka reer Awdal, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Hadii xisbigii Waddani uu maanta Awdal u caddaalad-fali kari waayey waxan aaminsanahay inaanu Saaxil iyo Sool midna u caddaalad fali doonin.”

Tan iyo intii uu dhammaaday shirkii Golaha Dhexe ee Waddani ayaa waxa xisbiga soo food-saartay qulqulato ka dareeray xisbiga, iyadoo uu abuurmay Garabka Toosinta Waddani kaasi oo uu Guddoomiye ka yahay musharaxii u tartamayey jagadda Madaxweyne-ku-xigeen Axmed Muumin ahaana Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee Waddani.

bandhige@gmail.com