Fursaddaha siyaasaddeed ee uu Cabdiraxmaan-Cirro ka faa’iidaystay (WQ: Maxamed Xasan Daacad)

Musharax Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta aan wakhti dheer  fagaarayaasha Siyaasadda soo joogin,waxaana la sheegaa in al-baabkii Kowaad ee uu kasoo galo Siyaasadda Somaliland ay ahayd Xildhibaan Xisbigga UCID uga soo baxay Gobolka SAAXIL iyo Ku-Xigeenka Xog-hayaha guud ee Xisbiggaasi,iyadda oo markii danbe khilaaf qadhaadh oo soo kala dhex-gallay isaga iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ay sababtay inuu ka baxo Xisbigga,isla-markaasna isaga iyo rag badan oo ay isku xisbi-ahaayeen iyo Xildhibaanno Gollaha Wakiiladda ka tirsanni dhiddibadda u taagaan ururkii WADDANNI oo markii danbe kasoo dhex-baxay Ururo badan oo ay hor-joogayaal ka ahaayeen rag siyasadda lagu yaqaanay oo aynu ka xusi karno Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Gudoomiyaha Ururkii XAQSOOR Iyo Dr. Maxamed Cabdi  Gaboose oo isna ahaa Gudoomiyihii Ururkii UMADDA iyo Rag kale  oo badnaa.

Gud.Cabdiraxmaan-Cirro waa siyaasi af-gaaban oo ay dad badan ku adagtay inay akhristaan waxa uurkiisa ku jira iyo ugu yaraan waxa uu maagan-yahayba.Waa Siyaasi dadka dhaliila ay ku sheegaan inuu yahay Siyaasi qabaw oo aan hogaamin Karin Dal curdin ah oo aan walli aqoonsi caalami ah ka helin Beesha caalamka,isla-markaasna ah waddan walli ay awood badan leeyihiin Beelluhu,kuwaas oo haddii ay Laammaha Dawladda iska dhex-arki waayaan keenaysa khilaafaad iyo is-qab-qabsi dhaaci karta korniinka dhaqan-dhaqaale ee Waddanka, taas oo u baahan ka-go’aan qaadasho adag iyo furdaamin la-mahadiyo.

Dhinaca kalena,Taageerayaashiisa ayaa ku dooda inuu yahay Masuul degan oo oo diblumaasi ah,awoodna u leh in Shaqsi kasta oo ay is-qabtaan qancin kara,isaga oo inta badan laga mahad-sheegto oo aan taageeriikh madaw ku lahayn Dagaaladdii Sokeeye ee dalka hadheeyay Sagaashamaadkii,taas oo keentay in Siyaasiiyiin badan oo hadda saaxadda ku jira lagu xidhiidhiyo inay lug ku lahaayeen hurinta colaaddahaas oo dad badan oo Ood iyo Ab-ba wadaaga kala irdheysiisay.

Haddaba,markii Xisbigga WADDANI si rasmi ah uga mid noqday Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland,waxa isna kaalintiisii sii adkaystay Xisbiggii ay kasoo yaaceen ee UCID, waxaana uu Cabdiraxmaan-Cirro hal-xidhaale adag ku noqotay Siyaasaddii uu ku waajihi lahaa Beesha uu kasoo jeedo Gud.Faysal Cali Waraabe, iyadda oo ay jirto dareenka odhanaya in Cabdiraxmaan Beeshiisu aanay Labaddii jeer ee uu Faysal Cali Waraabe sharaxnaa aanay wax cod ah siinin,taas oo si weyn-na ugu ol-olaynayeen Gud. Faysal Cali Waraabe iyo Taageerayaashiisu,waxaana uu Cabdiraxmaan-cirro u arkayay doodda noocaas ah mid jirta oo aan la-dafiri Karin, balse Miisaanka Siyaasaddeed ee uu  markaas Beeshiisa ku lahaa aanay saamaxahayn inuu horsed beeshiisa ugu noqdo inay si buuxda u taageeraan Musharaxii Xisbigga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay muddo tobban sanno ku dhaw ay rafiiq siyaasaddeed ahaayeen,maadama Xisbiggii taladda Wakhtigaas hayay ee UDUB ay beeshiisu ahayd tan ugu awoodda badnayd ee Xilalka waa-weyn ka haysay, Xukuumaddaasina ay u sheegi jirtay inay xisbigga kalliya ee ay tahay inay Taageerro buuxda siiyaan uu yahay Xisbigga UDUB iyo Xukuumadda uu hogaamiyaha ka hayay Muddane Daahir Rayaale Kaahin.Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan-cirro u arkayay in ka-maqnaansha Taageeradda Beesha Koonfurta Hargaysa iyo Magaaladda Sallaxley ay saamayn taban ku yeellanayso inuu hir-galo hankiisa Madaxweyne-nimmo,intaas ka dib waxa sameeyay dedaallo aad badnaa,kuwaas oo ugu horayn lagu abuurayay jawi saamixi kara in la-wada-hadlo,laysna qanciyo,cidkastaana waxay tabanayso miiska keensato,loogana garaabo ciddii cabasho qabta,waxii horena la ilaawo,haataana geeddi cusub loo xadhko-xidho.

Dedaaladda Noocaas ah, waxa uu in muddo ah ka-wada-shaqaynayeen Siyaasigga qunyar-socodka ah ee Cali-Sanyare,iyada oo ay jireen shirar dhawr ah oo Magaaladda Hargaysa ka dhacay horaantii, badhtammihii iyo dabayaaqaddii Sannadkii tagay ee 2015-kii.

Waxa isna si lama-filaan ah Somaliland ugu soo laabtay toosna siyaasadda usoo galay Siyaasigga Ruug-cadaaga ah ee Prof.Ismaaciil Hurre Buubaa oo in ka badan Labaatan sanno ku maqnaa Dalka Somaliya oo uu Xilal Wasiirnimmo-na kasoo qabtay.

Muddo kooban markii uu joogayba waxay kala siyaasad noqdeen Gud.Faysal Cali Waraabe oo markii dalka yimidna si diirran usoo dhaweeyay.Intaas ka dib waxay is-heleen Siyaasi Cali-Sanyare,iyaga oo markii danbe dhiggay Khidad Siyaasaddeed oo wax weyn ka bedashay Hanaankii Siyaasaddeed ee Dalka,iyadda oo markaliya la-dareemay saamaynta ay yeesheen qorshayaasha Labadda Siyaasi oo uu weheliyo Siyaasiga Axmed Mirre oo isna muddo-dheer dalka ka maqnaa oo isla-sannadkan Dalka yimid.

Aragtidda Siyaasiyiintan,ayaa waxa uu nuxurkeeddu ahaa in Beesha Gud.Cirro iyo ta Faysal-ba aanay Kursigga Madaxweyne-nimmo ku guulaysan Karin inta ay kala socdeen, balse kalliya ay ku guulaysan karaan iyagga oo midaysan,isla-markaasna Isbahaysi Siyaasaddeedna la yeesha Beellaha kale ee Somaliland ay isku-aragti Siyaasaddeed noqdaan, waxaana loo arkaa in Qorshaha noocaas ahi uu meesha ka saaray dooddii Gud.Faysal Cali Waraabe,waxaana markaliya la arkay Gud. Faysal oo jihayntii Siyaasaddeed ee Deegaankiisa ay kala wareegeen Siyaasiyiin ay hormuud u yihiin Cali-Sanyare Iyo Prof. Buubaa, taas oo meesha ka saartay werwerkii Cabdiraxmaan-cirro ka hayay hanashada taageeradda Beesha Gud. Faysal Cali Waraabe.

Fursadda kale ee aynu odhan-karno Gud.Cabdiraxmaan-cirro si ku dhac leh oo uu juhdi badan galiyay ayuu uga faa’iidaystay,waa hanashadda Kalsoonidda Is-bahaysiggii ka-biyo diiday habkii uu dhacay Shir-weynihii Xisbigga KULMIYE ee November 10-11-kii ka qabsoomay Magaaladda Hargaysa,kuwaas oo hogaanka Xisbigga KULMIYE ku eedeeyay inay afduubeen qaban-qaabaddii Shir-weynaha.

Musharax Muuse, ayaa la-sheegayaa inay seegtay inuu si uun u qanciyo Siyaasiyiintan ay ku jiraan Wasiiradda Awoodda badanni,kuwaas oo saamayn xoogan ku leh deegaamadda ay kasoo jeedaan,iyagga oo intii ay Taladda gacanta ku hayeen Kalsooni buuxda ka samaystay deegaamadda ay ku abtirsaddaan,waxaana dirtabadda dibadda usoo baxday dhabarka jabka ay ku sameeyeen Hoggaanka Xisbigga KULMIYE iyo Xukuumaddaba,iyadda oo maalmihii ugu danbeeyay suuqa siyaasadda ay si weyn u hadheeyeen isku-dayadda ay Xukuumaddu ku maagan-tahay inay ugu yaraan kalsoonni kaga helaan deegaamadda ay Siyaasiyiintanni kasoo jeedaan oo ay ugu horaysay Deegaamaddii sababta u ahaa inuu KULMIYE taladda dalka ku guulaysto 26 JUNE, 2010-kii.

Waxa kale oo iyana Fursad Dahabi ah oo uu ka faa’iidaystay u noqotay u noqotay Cabdiraxmaan-cirro inuu si buuxda gacanta ugu dhiggo Cudada Beesha Gobolka HAWD oo lagu tilmaamayo Deegaamadda Xiligga Doorashadda hal meel u wada jeesta ee aan ku kala milmin Xisbiyadda kale, waxaanay taasi u hirgashay markii uu si cad u sheegay in Beeshaas uu ku wareejin doono Gudoomiye-nimadda Xisbigga WADDANI,marka uu Xisbigga taladda dalka ku guulaysto,waxaanay taalabaddaasi noqotay Xal-xidhilaae fur-furistiisu ku adkaay Xukuumadda iyo hogaanka Xisbigga KULMIYE,waxaana uu Musharax Cabdiraxmaan-cirro hadda u muuqda mid arrimo badan ka dheegtay Siyaasaddii Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ahayd in aanad qofna ka maarmi karrin,sidaas awgeed aad cil walba oo aad hal cod ku tuhmayso aad al-baabka ku garaacdo, addiga oo ballan-qaad aad kalsooniddiisa iyo ta deegaankiisaba ku hanato u samaynaya,waxaana uu Cabdiraxmaan-cirro u muuqda siyaasi wax badan weeleeya, Tallooyinka musdanbeedkiisa u dhego-nugul.