FBI-da waxay baadhitaan labaad ku haysaa E-mailada Hillary Clinton

Agaasimaha hay’adda dambi baadhista Maraykanka ee FBI-da, James Comey, ayaa sheegay in hay’addu dib u furayso baadhitaankii ay ku haysay E-maillada Hillary Clinton, waxaana uu sheegay in baadhayaashu heleen E-maillo cusub.

Warqadda agaasimaha FBI-du u diray xubnaha Congress-ku may ahayn mid faahfaasan. Waxa keliya ee uu ku sheegay ayaa ahaa in E-maillo cusub la helay kuwaas oo xidhiidh la yeelan kara baadhitaanka.

Waxa la sheegayaa in E-mailladan si lama filaan ah ay uga soo baxeen baadhitaan kale oo lagu wadey Anthony Weiner oo ah ninka ay u dhaxday Huma Abedin oo ah haweenay kaaliye u ahayd Hillary Clinton.

Agab leeyihiin Ms Abedin iyo ninkeeda Weiner oo aha xubin eedo dul hoganayaan oo hore uga tirsanaan jiray Congress-ka lagana soo dooran jiray New Yok, ayaa ay FBI-du la wareegtay si ay u baadhaan bal in uu uga diray E-mailo shukaansi ah gabadh yar oo shan iyo toban jir ah oo ku nool gobolka North Carolina.

Iyadoo haddaba ay xaaladdu sidaa tahay oo qoraalladan la helay aanay si toosa uga soo bixin emailada Hillary Clinton, ayaa Donald Trump wuxu hadan ammaanay baadhitaankan cusub ee ay FBI-du wadaan waxaanu u sheegay taageerayaal xamaasadaysan oo uu la hadlayey in hab dhaqanka haweenayda ay loollamayaan halis geliyey nabadgelyada Maraykanka.

Haddaba waxa muuqata in iyadoo kow iyo toban maalmood oo keli ahi ka hadheen maalintii doorashada, in uu isku dayey in uu ka faa’iidayso fadeexaddan ugu dambaysey ee soo baxday si uu bal u yareeyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo Clinton ee ah tirada taageerayaasha.

bandhige@gmail.com