Dawladda Suuriya waxay duqaysay bariga magaalada Xalab

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya waxa ay duqeynayaan xaafadaha mucaaridka ay Jimcihii qabsadeen ee Xalab.

Dawladda ayaa dooneysa in ay markale qabsato xaafadaas oo ah meelaha ay bariga Xalab ka go’doomiso.

Dadka u ololeeya arrimaha mucaaridka ee Suuriya waxay sheegayaan in madaafiic culus lagu garaacay xafadahaasi.

Dawladda Suuriya ayaa adeegsaneysa diyaarado iyo madaafiicda dhulka laga tuuro si mucaaridka ay dib ugu riixdo.

Warbaahinta dawladda Suuriya waxa ay baahinayaan in madaafiic ay mucaaridka ku rideen qeybta dawladda ay maamusho ee Galbeedka Xalab.

bandhige@gmail.om