Ma I garanaysaa?
Bari Boqor caadil ah ayaa waxaa uu dhalay inan keliya, boqorkaas oo jeclaa in inankiisuu dhaxlo sumcadiisa si marka uu dhaxlo aan loo odhan aabbihii ayaa dhaamay keliya, balsela yidhaa waddadii aabbihii buu qaaday, si taasi u dhacdo boqorkii wuxuu u diray inankiisi nin indheer garard ah si uu waxbara.
Indheer garadkii inankii si fiican ayuu u soo dhaweeyey, isaga oo aad uga dhisay dhanaca aqoonta.
Dabadeed indheer garadkii maalintii ugu dambaysay ee ay wada kulmaan inankii boqorku dhalay ee uu ugu keenay inuu waxbaro, ayaa waxa dhacday maalintaasi inuu si sabab la’aan uu aad u garaco oo waliba si ba’an u garaaco.
Inankii oo aad uga xumaaday sabab la’aanta loo garaacay iyo orodoo ka hor dhaqaaq wajigayga oo loogu daray ayaa ku laabtay qasriigii aabahii inaniiwaxba uu ma sheeginaabahii oo wuxuu ka baqay aabahii inuu rumaysan waayo.
Dabadeed, muddo dheer kadib, waxa dhintay boqorkii oo waxaa dhaxlay inankiisi, kadib inankii wuxuu uyeedhay oo uu ku yidhi ciidammadiisi gaarka ah waxaad tagtaan tuulo hebla, waxaad waydiisaan ninka layidhaa hebel,hebel, oo haddaad la kulantaan ii keena sidaasi ayey ku dhaqaaqeen askartii kuna tageen tuuladii loo diray, kuna soo kaxeeyeen odaygii, odaygii markii la horkeenay boqorkiiyaraa, ee aabahii dhaxlay wuxuu odaygii ku yidhi, ma igaranaysaa oday yahaw kumaan ahay? Odaygii wuxuu ku jawaabay, ‘Haa sidaanan kuu garanayn miyaanad ardaygii ahayn.’
Inankii boqorka noqday ee aabahii dhaxlay aad ayuu uga cadhooday arrintaasi.
Mar kale, wuxuu ku yidhi odaygii; ‘Waliba waad i xasuusan tahay,’ waxaan ku waydiiyey maxaad maalintii iigukaa dambaysay aad sabab la’aan si ba’an inagoo waxba galabsan iigugaraacday?’ Odaygii boqorka yaraa ee ardaygiisa ahaa waxa uu ku yidhi; ‘Waa runtaa si ba’an ayaan kugu xadgudbay.’
Odaygii isaga oo hadalkiisi siiwata waxa uu ku yidhi, madaama ay ahayd ujeeddadaduaabahaa, oo nin wanaagsan ahaa ii kaa keenay ay ahayd inaan aad ugu dadaalo tarbiyadaayda waxaan aad ugu dadaalay inan wax kasta wax ka baro.
Odaygii waxaa hakiyey hadalkiisi oo ku yidhi indadka layska garaaco oo walib karbaash laladhaco ma wax la bartabaa ama dadka lagula dhaqmo?.
Odaygii indheer garadkaa ahaa, inta uu dhoola cadeeyey ayuu ku yidhi, waad ku hagaagsan tahay sida aad tidhi ka dib markii aan u arkay casharo badan oo aad nolosha iyo waaya aragnimadeeda aad uga bahnayd, in aan ku siiyey iyo anigoo kuu arkaayey inaad maalin aabahaa oo shakhsi wanaagsan ah dhaxlidoontid.
Maalintii iigukaa danbaysay casharka aan kugu yaboohay wuxuu ahaa kii ugu mihiimsanaa ee aan ku siiyey, waa kii aabahaa ku hayey muddadii dheerayd ee uu xukunka hayey dadkuna ku jeclaadeen,adigana waa ka xukunkaaga soo dadajin kara siina dheerayn kara, waxaan sabab la’aan karbaashka kuula dhacay, waxaan doonayey inaan ku dareensiiyo foolxumada dulmigu leeyahay iyo inaanad dulmin cidna. Boqorkii yaraa, wuxuu madaxa ka dhunkaday odaygii wuxuuna ka dhigtay la taliye. Wuxuuna mar walba u hanqaltaagi jirey inuu ka helo waayo aragnimo dheeraada.
Odeygii boqorkii yaraa wuxuu ku gargaaray inuu noqdo waayo arag iyo nin boqora oo caadil ah.
Sheekadani waxaynu ka qaadannaynaa in aan laga maarmin waayo aragnimada iyo dhago u raaricinta dadka waayeelka ah.
Qalinkii Cabdi Caawiye
shaywaal12@gmail.com
+ 252634115877