Dhacdada askariga iyo gabadha (WQ: Cabdiraxmaan Kare)

Dhacdada askariga iyo gabadha.
Anigu waxaan qabaa sida dad badani qabaan si ka duwan, dad badan baa taliyaha ku amaanay in uu askarigii shaqada ka fadhiisiyo isagoon taliyuhu sheegin qodob sharciya oo uu arinkaa u cuskaday haddii la ga tagi waayo wuxuu sheegay in shacabku yahay saaxiibka ciidanka booliska bes. Taasina maaha qodob sharci oo qof la gu qaadi karo si kale shacabka laftiisu waa saaxiibka booliska.

Ma is waydiisay gabadhu maxay ahayd? sidee falkani u dhacay? maxaa keenay in askarigu gacan qaad la yimaad? askarigu ma uu joogin bar kaantarool oo dadka la gu baadhayo, wuxuu taagan yahay waa suuq sida ka muuqata hawl gal ciiddan markan kuma uu jirin sidee u dhacdaa in mar qudha arinka intaa leegi yimaad? askarigu maaha nin ajaaniba oo aan garanay xeer-dhaqanka iyo hab fekerka soomaalida u ga yaal u gacan qaadka inan waliba goob golle banaana, marka la ga yimaad waxa ay ka qabaan shuruucda dalka, xeer hoosaadka iyo sharciyada booliskuba. Anigu qof ahaan labada qof ee wax dhex mareen midna gar siin maayo ilaa aan ogaado wixii isu keenay deedna aan sharciga labadooddaba horgeeyo intaa ka dib aan kii gar le gartiisa siiyo kii kalana aan wixii uu mudnaa ee dembi ah aan mariyo. Umaan bogin ku degdegaa taliyaha.!!

Malaha arinkani wuxuu daba socdaa prankii/ “dhuumaalaysigii” maalmihii u dambeeyey ka socday geeska mooji.