Dhacdadii Lagu weeraray Richard Burton iyo kooxdii la socotey 19th April 1855: Q.4aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Saldanadaasi waxa aay Xaaji Sharmaarke iyo inankiisii Maxamad maamulayeen 1843-1855 horaantiisii. Markii aay xaaji Sharnaarke Cali Saalax iyo inankiisii Maxamed aay maamulayeen muddo 12 sanno ah Saldanadii qadiimiga ahaayd ee Saylac oo u ahaayd magaalada Harar iyo Saldanadii Ifaat ba Dekada qudha ee aay wax kala soo dagaan ayaa isna Xaaji Sharmaarke saldanadii uu ka tuuray Abubokar Ibraahim oo loo yaqaaney (Abuubokor Pasha). Muddadaa laba iyo tobonka sanno ahaayd ee uu Xaaji Sharmaarke maamulayey Saylac waxa uu ka hellay maal faro badan. Suldaankii Xudaayda fadhiyey jirey ee Boqotooyadii Cismaaniyiintu waxa uu cashuuraadka Dekada Saylac ku lahaa in sannadkiiba macaash ahaan loo siiyo 3000 oo lacagta doolarka u dhiganta.

Magaalada Saylac xilligaa iyo qarniyaal ka horeeyayba waxa aay ahaayd magaalo camiran oo aduunyada xidhiidh ganacsi oo balaadhan la le. Dadka ku noolina waxa aay ahaayeen dadyoow isku dhafa oo kala diimo duwan. Waxaanay dadkaasi ahaayeen dad ganacsato ah oo ku haaysta magaaladan baayacmushtar kala duwan. Magaalada Saylac waxa aay salka ku haaysey xadaarad facweyn oo soo jirtey dhawr kun oo sanno, waxaana magaalada ka dhisanaa suuqyo waaweyn iyo fooqyo saro dhaadheer oo nuurad cad leh iyo kuwo midabyo sibaaqiyo ah lagu xardhay.

Xaaji Sharmaarke:

Marsada Saylac waxaa ku furan saddex safar oo ka kala yimaada Harar, Goojaan iyo Safarka Obokh ee bari danaakil ka yimaada. Xagga bada waxaa ka yimaada safarada Suuriga, Bumbay, Istanbuul, Baqdaadiga iyo safarada iyaguna ka yimaada dhulka Faaris ee imika loo yaqaano dalka Iiiran ilaa Bukhaara.. Saylac waa magaalo aad u camiran oo nool iyo moodba buuxda. Haddii aad rabtid xilligaa in aad guri ka dhisatid Saylac waxa uu kugu tagayaa lacag aad u badan oo qiimihiisu waxa uu kugu kacayaa 500 oo lacagta doolarka ah; Neefka adhiga ama shinka ah, waxaa lagu iibiyaa hal doolar, jooyada ama boohaarada sonkortana waxaa lagu iibiyaa hal doolar oo qofka Zaylac ku nool bishii waxaa ku filan sondan doolar in uu biil-ahaan u quuto.

Dekada waxaa laga dhoofiyaa badeecado aad u kala duwan oo Harar laga soo waarido, balse dhoofinta adonta oo laga soo daabulo Caruusa ilaa Goojaan iyo Afrikada Galbeedba ayaa aad u camiray dekadan oo waxaa laga dhoofiyaa adoomo aad u fara badan oo loo dhoofinaayo Jasiirada Carabta ilaa Istanbuul. Xaaji Sharmaarke waxa uu khidmad ahaan ku lahaa oo u dulsaaranaa madaxa adoonta la dhoofinaayo calaa qof madaxiiba lacag u dhiganta hal doolar iyo badh.

Xaaji Sharmaarke markuu Saylac maamulaayey muddo laba iyo toban sanno ah oo maal fara badani ka soo galay maamulida Saldanada Saylac ayaa uu khilaaf xoogani soo kala dhex galey Suldaankii Xudaayda fadhiyey ee Boqortooyada Cismaaniyiinta, kaas oo ku ee deeyay Xaaji Sharmaarki in uu lunsadey lacag dhan 3000 oo doolar oo loogu talo galey in lagu dhiso dariiq xagga dhulka ah oo isku xidhi lahaa Saylac iyo magaalo Xeebeedka Tojora. Eedaa uu Suldaankii Xudeeda fadhiyey uu ku soo oogay Xaaji Sharmaarke ayaa noqotey bilowgii horseedka xil ka xayuubintiisa iyo dabayaaqaaysigii saldanadiisii Zaylac.

La Soco Qormooyinka Dambe

Khadar Jaambiir Egeh