Kalyahaaga, waxay jirka u yihiin xubno aad iyo aad muhiim u ah waxay jirka u qabtaan in ay dhiiga ka sifeeyaan wasaqda, waxyaalaha sunta ah ee naga soo raaca cunnadda aan cunno, cusbada, waxay sidoo kale isku dheeli tiraan dheecaanadda jirka uu ku shaqeeyo iyo ka saaridda biyaha dheeriga jirka ku ah.
Haddaba waxay naga mudan yihiin inaan taxadar u lahaano, waxyaalaha khatarta ama u keeni kara hawl gab inay noqdaan.
Hawl gabidda kalyaha( kidney failure) waa in shaqadii ay hayeen oo idil joojiyaan aan kor kusoo xusay deetana waxaa dhacaysa kolkaas in jirkii wasaqdii suntii cusbadii inay jirkaaga baaqi ku ahaadaan sababaysa hadaan lagugu samayn (dialysis) inaad laba asbuuc aad sii nolaan kartid qiyaastii.
Kalyahaaga waxay maraan Shan heer (5 satges) intaysan hawlagabin marxadda u danbeeysana waxaa loo yaqaan “End-stage renal disease (ESRD)” waa marxalad ay kilyihu gabi ahaanba joojiyaan shaqadii ay hayeen.
Sidaan kuugu sheegay inay maraan maraxaladdo kala duwan intaysan hawl gabin, sidaas tahay waxaad jaanis u haysataa inaad ku fakartid sidaa u ilaalin lahayd, waxaanu ogsoonahay dad badan soomaliyeed inay xaaladdan la il daranyihiin uusan wadankeena ka jirin in meelkasta laga heli karin ama dhif iyo naadir ku yihiin, mashiinadda kalyaha dhaqa ama dhaqaatiir ku takhasustay.
Haddaba kalyahaaga maxaa Howl gab ka dhigi kara?
1. dhiig karla (Hypertention): waa mid ka mida xanuunada ugu badan sababa in kalyuhu noqdaan howl gab noqdaan.
2. xanuunka sonkorta (diabetes): sidoo kale meelaha ay saamaynta ba’an ku yeelato jidhkeena waxaa ka mida kilyaha oo ay ka dhigto Howl gab.
3. Dhibaato la soo gudboonaata kaadi mareenka (Urinary tract problem) waxay sababi kartaa in kalyuhu shaqdooda joojiyaan tusaaale dhagax haduu ku samaysmo kaadi haysta (bladder) ama tuubada ay kaadidu marto.
4. Daawooyinka qaybtood waxay dhaawacaan ama ka qayb qaatan Howl gabnimada Kalyaha (Nephrotoxicity).
5. kalyaha oo dhagax ku samaysma (renal stone) Tani waa xaaalada ugu badan ee dadkeena soomaaliyeed ku sababa howl gabnimada kalyaha waxayna inta badan ka timaadaa xaalad biya yari oo jirka soo wajahda (dehaydration).
Sideen kaliyaheeyga ugu taxadaraa?
1. Hadii aad qabtid diabetes(Macaan) ka fagow sokorta, haddii aadan lahayna hadaa jaanis haysataa ka hor tag waxyaalaha Macaanka sababa sida cayilka (obesity).
2. Cusbada iyo waxyaalaha cusbadda ku badan yihiin aad iska yareeysid.
3. Cunnadda Dufanka leh iyadanna iska yaraysid.
4. Miisaankaaga aad ka taxadartid.
5. Sagaarka oo aad iska joojisid.
6. Jimicsi inaad samaysid maalinle ah (minimum 30 minutes of walking)
7. In la socotid Shaqada kalyahaaga yacni aad baaritaan ku samaysid sanadkii ama lixdii biloodba mar.
8. inaad joogtaysid cabida biyo badan ugu yaraan 2.5 litir maalin kasta waxay ka qayb qaadata badqabka caafimaadka kalyaha.
Fadlan qoraalkaan asxaabtaada la wadaag (SHARE) si ay Dad badan oo walaaleheen ah uga faa’iidaystaan.
X/Q: Dr Abdimajid B. Galac.