Waa sheeko aad u xiisa badan oo ka dhacday Deegaanka Arabsiyo, gaar ahaan isku darka dooxa Arabsiyo ee loo yaqaan Salaawaha. Aw Ibraahim Tukaale waxa uu Awoow ahaa Maxamed Daahir Aw Ibraahim. Qisadani waxa aay ku jirtaa diiwaanka buugaayga weli socda ee la yidhaahdo ama aan uugu magac darey (Sanadihii Lumay iyo sirihii ku duugnaa). Buugu insha allah dhawaan baan isleeyahay daawaha ka soo raad….
Ibrraahim Tukaale sida lagu tilmaamo waxa uu ahaa nin aad u dheer oo laf Iyo laxaad Ilaahaay ku manaaystey; sida la sheegay ama laga werinjirey axdigaa uu noolaa Ibraahim Tukaale oo aay ka werinayeen rag odayaala oo soo gaadhey Ibraahim Tukaale waagaasi uu dhalinyarada ahaa in aay arkeen Ibraahim oo hal irmaani kaga jabtey goobta loo yaqaano Caraan-Carka ee qadawga oo hashii degta ku soo qaatey ilaa dooxa Arabsiyo korkiisa oo uu reerkoodu deganaa.
Markaasi sida aay xogo kale oo looga qaateeni aay sheegeen in Aw-Ibraahim Tukaale markuu kaaynta jiqda ah uu dhex jibaaxayo aay cagtiisa oo aad u balaadhnaayd aay dayaami jirtey marka uu dhulka hig hig kaga siiyo miisaankiisa oo cuslaa awgeed oo marka uu Libaaxu maqlo dayaanka cagtiisa uu kaaynta dhinaceega kale uuga caaymadi jirey.
Aw-Ibraahim waxaa laga soo weriyey in uu maalin ka mida maalmaha oo casar dheere cadceedu joog nin aay joogto in uu u soo kicitimey jabadkii reerkoodu daganaan oo kor ka xigta dhinaca koonfureed ee isku darka dooxa Arabsiyo imikana ah deegaanka loo yaqaano (Salaawaha ) kana tirsan deegaanka Arabsiyo.
Waa goor casara, hadhcad oo cadceedu aay nin joogii tahay oo aan weli la gaadhin cadceed dhicii. Aw-Ibrahim waxa aay dadku ku xaman jireen nin geesiya oo aan cabsan xoog iyo quwad badana uu Eebe ku manaaystey. Isla galabtaasi uu ku jiro galab caraabihiisii uu uugu sii jeeday qormadii reerkoodu daganaa ayaa markuu maraayo isku-darka dooxa Arabsiyo iyo Geed-abeera kala badha ayaa waxa uu ku soo baxay shabeel iyo nin isdilaaya oo maryo dhiig leh la kala furtey. Ninka aay Shabeelka isdilayeen waxaa gacanta uugu jirey qorigii halkaliyaalaha ee loo yiqiiney Maadhiinka. Ninka qorigaasi halkaliyaalaha ama ( Maadhiinka ) haaystey waagaas waxa uu ahaa nin la holin waayey oo aan la hawaaysan karin.
Qoriga maadhiinku waa uu ku yaraa mulkigiisu reeraha xilligaasi oo waxaa beesha oo dhan laga helaayey qof qudha oo haaysta qorigaasi aaynu soo sheegney. Qorigaasina yeelashadiisa ama mulkiyadiisa waxaa lagu kala doorsan jirey geel badan. Guurka dhaqanka Somalida marka reer gabadh laga doonayo waxaa dhaqan u ahaayd ninka gabadha reerka ka doonayaa in uu yarad ahaan reerkaas gabadha uu ka doonayo u siiyo boqol halaaad oo geela iyo qorigaas maadhiinka oo uu la socdo Faras gamaan ahi.
Dadka ku dhaqnaa guud ahaan geyiga Soomaalida waagaasi waxa uu hubkoodu u badanaa waran iyo gaashaakiisa, bilaawe iyo qolxad. Waxa kale ee intaas u soo raaci jirey ayaa ahaa Leeb iyo qaanso oo aay ugaadhsiga u isticmaali jireen. Xilliyada laaysku duulayo ee dagaalo la qaadayo ayaa la isticmaali jirey warmaha iyo gaashaanka, waxaana lagu duuli jirey fardo la tobobaray oo laaylis dhamaaystey.
Aw-Ibraahi Tukaale markii uu ku soo baxay ninkii iyo shabeelkii oo uu istaagey in gaaban oo aan ka dheeraayn goobta hirdanku ka dhacaayo ayaa waxa uu arkay ninkii oo aan hal rasaasa karidin qorigiisii oo uu Shabeelkii gurada uuga baxay, qorigii uu sitayna dhulka kaga dhacay. Inkastoo uu Shabeelku cunaha iskaga duubay ninka markii fooda laays dareyba oo ninkii shabeelkii inta lagdey hoosta marsadey ayaa hadana uu ninkaasi ahaa mid aan weli isdhiibin oo iska caabigii uugu danbiiyey la sii firfirlaaynaya.
La Soco Qayaba Dambe ee Sheekada.
Diyaarintii iyo kaydintii :