Muddo imika ,laga joogo soddan sanno, hadda waa marka laga yimaado bililiqadii iyo gumaadkii loo gaystey markabkii (Marry Ann) iyo shaqaalihii saarna siddeed iyo labaatankeedii bishii labaad kun iyo sideed boqol iyo shan iyo labaatankii (Feb-28-1825), muddadaa soddanka sanna ah ee dhibtii loo gaaysey markabkaa (Marry Ann) shaqaalihiisii iyo shixnadii sarnaaydba ka soo wareegtey maay jirin Shaqsi dambe oo Ingiriisa oo Berbera wax lagu yeelo, weerarkan imika naqabsadey baa ah kii labada ee soo raaca soddonkaa sanno ka dib ee cid boqortooyada Ingiriiska ka socota si badheedha loo weerara oo la laaiyo.
Weerarkii markabkii โMarry Ann, February-28-1825:
Dawladii Boqortooyada Ingiriis ee ka dhisnayd magaalada Bumbay dhulweynihii Hindiya ee aay gumaaysan jirtey waxa aay ka war heshay Feb/28/1825 in guutadeedii ciidamada ee fadhidey Jasiirada (Mureeshiya) markab aay wateen oo sahay uugu soo weecday Dekada Berbera, markabkaasi oo la odhan jirey (Marry Ann) in markabkaasi dhamaan shaqaalihiisii la laayey, qaarna la qafaashay oo dhamaana xamuulkii uu siday ee saarnaa markabkaasi la bililiqaaystey, falkaasi oo aay fuliyeen dablay ama falaago ka soo jeedaqy Beesha Habar Awal ee Berbera gadhwadeenka ka ahaa. Arintiisi dhiilada leh waay ku xanaaqday Boqortooyadii Ingiriisku, waxaaney amar ku siisay ciidamadeedii fadhiisinka ku lahaa magaalada Mukha ee waqooyiga Yementa in aay laba markab oo kuwa dagaalka ah loo diro Berbera si dhulka loola simo magaalada iyo marsadeeda iyadoo loogu aarayo warkaa dhiilada leh ee ka yimid markabkii (Marry-Ann) iyo dhamaan shaqaalihiisii Saarnaa oo uu ku jiro guud ahaan agabkii uu sidey.
Markabku wuu haawanayaa oo dhamaan shaqaalihiisii iyo dadkii la socdayba waa lalaayey qaarna waa la qafaashay; wixii agab uu sidayna waxaa gurtay dagaalyahanadii Habara Awal ee soo weeraray markabka. Marsada Berbera waxa aay la ciirciiraaysaa waran-laay iyo kuwo fardo fuushan oo u dabaal dagaaya weerakii aay ku qaadeen markabkan iyo cidii saarnaqayd. Waxaanay soo tumeen dakeda hareeraheeda cududii ciidan ee aay haaysteen iyagoo goobtan ku soo uruursaday ciidan beeleedyo gurmad uugu yimid , waxaaney u diyaar garoobeen in aay iska difaacaan haddii aay dawlada Ingiriis ku soo qaado weerar rogaal celina.
Boqortooyadii Cismaaniyiinta waxa aay Boqortooyada Ingiriiska ee Fadhigiisu ahaa Bumbay ka kiraysey saldhig ciidan oo ku yaala Marsada Magaalada Mukkha ee Yementii waqooyi. Boqortooyadii Ingiriis fadhiisimihii ciidan ee aay ku lahaayd magaalada Mukha waxa aay ka soo dirtey laba markab oo kuwa dagaalka ah oo ciidamo saaran yihiin, waxaaney u soo jihaaysteen bartilmaameedkooda weerar oo ku liishaaman in aay dhulka la simaan magaalada Berbera iyo marsadeedaba dhamaana cidii aay halkaa uugu taagan in aay cudud ciidan ku soo qafaashaan, waxaaney fulinta haawshaa u xilsaareen abaandluulihii khibrada dagaal ku xeel-dheeraa ee loo yiqiin (Captain. Greer), kaas oo uu kalkaalinaayo Xaaji Sharmaarki Cali Saalax oo muuse caro ahaa kana mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee Mukha fadhiyey.
Waxa aay labadii markab ee dagaalku, kaas oo uu abaanduule ka ahaa (Captain. Greer) aay madaafiic kaga soo ganeen goor barqa ah xagga bada magaaladdii Berbera waxaanay madaafiicdaasi dumis ba,an u gaaysteen dhismayaal magaalada ka dhisnaa, waxaanay ku laayeen magaalada madaafiicdaasi dad shacaba oo aad u badnaa. Marka aad eegtid oo aad si fiican aad u dhugatid duuwaanada taariikhiga ah ee laga qoray weerarkaa iyo duulimaadkaasi loo gaaystey Magaalada Berbera sannadkaa 1825 kii, sida aay diiwaanadaasi tibaaxayaan in maleeshiyada Beesha Habar awal oo difaac kaga jira Dekada in madfac laga soo tuuray mid ka mida maraakiibtaasi uu ku haabsadey Abaanduulihii watey ciidan maleeshiyaadkii Beesha Habara Awal oo isaga iyo faraskii uu fuushanaaba hawada sare qabteen oo aan dib loo rag ruux iyo raq meeshuu dhigay isaga iyo faraskiisiiba!.
Weerarkaa uu Ingiriis ku soo qaadey beesha Habara Awal ee uu kalkaalinaayey ciidamadii dhulka ka dagaalamaayey ee Ingiriiska Xaaji Sharmaarke Ali Saalax oo ka tirsanaa ciidamada Ingiriis ee uu fadhiiisinkoodu ahaa magaalada Mukha ee Yementa Waqooyi ayaa noqotey arin aay aad uugu cadhoodeen Odayaashii Beesha Habar Awal, taas oo aay ku tilmaameen in aan Ingiriis Habara Awal aanu duulimaad ku ahaayne ninka ka dambeeya fajada iyo wanjalaada uu yahay Xaaji Sharmaarke Cali Saalax oo markii dambe noqdey (Xaaji Sharmaarke Bey) ama maddixii Saylac ee Boqortooyadii Cismaaniyiinta markii uu inqilaabay oo uu ku qabsadey Saylac ciidan ka kooban 43 maliishiyo beeshiisa Garxajisa oo watey doon weyn oo uu u saaraanaa qoriga weyn ee loo yaqaanay (Canon).
Halkaas oo aay Xaaji Sharmaarke iyo ciidankii uu watey magaalada Saylac daayrkeedii ku meersanaa ku garaaceen madfac dayaan-badan ku burburiyeen saddexdii iridood ee magaalada laga soo gali jirey; Markii uu dayaanka madfacaasi xamili waayey Suldaankii markaa Saylac haaystey oo la odhan jirey Maxamed Al Bar in uu isagoo ilaalo yar wata uu doon kaga baxdsadey Saldanaddii Saylac ee uu muddada dheer ka soo dhaxlay, halkaasina uu Xaaji Sharmaarke Saldanadii Saylac ku mulkiyey sannadkii 1843, inankiisii weynaa oo la odhan jirey Maxamed Xaaji Sharmaarke isna waxa uu maddax uuga dhigey Berbera.
Prepared by:
La Soco Qormooyinka Dambe