Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.6aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Xilliga uu Aw Ibraahim la kulmay shabeelka iyo ninka uu diley, waxa aay magaalada Arabsiyo ahaayd kaam lagu kulmo oo wax lagu kala iibsado safarada buloxaar ka yimaada ee bucsharadaha doonyuhu keenaan sida, halkaasi oo wax iibka safaradaasi aay u soo doonan jireen dadka ka yimaada oogada ama dhulkii loo yaqaano qadawga iyo madarka. Safaradaasi waxa aay sideen badeecado kala duwan waxaana bucsharadaha aay doonyaha Buloxaar yimadaa aay soo waaridi jireen waxaa ka mid ahaa: dharka oo loo yaqaanay arad bax, timir, sonkor, bariis iyo bucsharado kale oo badan. Kaamka magaalada Arabsiyo waxa uu ahaa xilliga gu,uga mid aad u shaqeeya oo wax lagu kala iibsado xilliigaa. Waxaanu suuqaasi ka dhisnaa agagaarka ceel-biyoolaha Arabsiyo halku uu ahaa. Suuqaasi inta badan waxa uu ahaa tukaano iyo maqaaxiyo laga sameeyay xaaramad oo shaqqeeya uun xilliga suuqu furan yahay ee loo soo dhaadhacayo wax iibka xillagaasi oo aay yimaadan safarkii sidey daabulka badeecadihii ka iman jirey magaaladii qadiimiga ahaayd ee Buloxaar.

Suuqyayadan xaaramadka laga waabay xilliga jiliilaalka waa laga hayaami jirey oo guud ahaanba magaalada waxa looga hayaami jirey xagga oogada ama gubanka hoose. Guriga qudha ee daar ah ee ka dhisnaa magaalada Arabsiyo waxa uu ahaa guriweyn oo tukaan iyo maqaaxi ahaa kaas oo laga dhisey labanka dhoobada lagu sameeyo, saqafkiisa sarena waxa uu ahaa sibidh lagu kabisey dusha sare ee gurigaa daarta ah oo lahaa saddex majaroor oo biyaha saqafka sare ka soo tabiyo kuwaas oo foostooyin ka samaaysan qori la hoos dhigi jirey oo biyahaasi lagu isticmaali jirey wax karinta.

Gurigan uugu horeeyay ee meharad ah oo laban ka samaaysan waxaa dhismahaasi lahaa Cabdilaahi Xirsi, halkaasina waxa uu ka sameeyay makhaayadii uugu horaysey iyo tukaankii uugu horeeyay ee aan xaayramad ahaayn ee laga dhiso Arabsiyo. Cabdilaahi Xirsi oo ka soo guuray Buloxaar 1888 kii, xilligaasi oo aay Buloxaar isku laayeen laba beelood oo walaalo ah oo la kala yidhaah Ba Gadabuursi iyo Baho-Shirdoon ayaa sobobay qexitaan baday in aay ganacsato badani ka soo guuraan Buloxaar oo aay soo degaan Arabsiyo. Sobobta baro-baxaa ganacsatada ayaa la yidhaahdaa waxaa u soboba markii aay Beesha reer Shirdoon gaar ahaan lafta Ba Gadabuursi oo ka soo duuley Ceel-sheekh iyo agagaarka Almis aay ku soo duuleen magaalada Buloxaar, halkaas oo aay dad badan ku laayeen guud ahaana gubeen magaaladii Buloxaar.

Isla afar sanno dabadeed ayaa aay haddana mar labaad Ba Gadabuursi ku soo duuleen Buloxaar oo aay gubeen sannadkuna waxa uu ahaa 1892 kii. Dagaaladaasi isdaba socday iyo duulaanadaasi Buloxaar ku dhacay waxa aay soo dada jiyeen cimrigii magaalada, waxaanay Buloxaar noqotey meel lagu kala qaxo oo marar badan gamaahiir noqoto. Sannadkii 1893 waxaa magaalada aafeeyay cuduro daacuuna oo dhimasho badan sobobay, markaasina Buloxaar waxaa looga qaxay oo loo guuray Hargeisa oo ahaayd Xaruntii Jameecadii Sheekh madar, halkaasi oo aay ganacsatadii ka soo qaxday aay ka bilowdey ganacsiga maanta lagu badhaadhay ee hargeysa ka shaqaaynaya.

Cabdilaahi Xirsi markii uu yimid Arabsiyo oo u badan kaam tukaano iyo makhaayado ka samaaysan xaayndaabka geedka xaayramadka ah laamihiisa iyo guri-soomali hoostiisa wax lagu iibiyo ayuu Cabdilaahi Xirsi daartii uugu horaaysey oo laban ka samaaysan. Daartaasi oo ahaayd bakhaar hangara oo ka koobnaayd Tukaayn weyn iyo Makhaayad laga cunteeyo, waxaanu ahaa injineerka u sameeyey nin farsamoyaqaana oo Caraba, kaas oo uu Bulxaar ka soo kaxaaystey. Dhismahaasina waxaa la yagleelay sannadkii 1893 kii; halkaasi oo uu ka sameeyay tukaan weyn iyo bakhaar iyo maqaaxi weyn oo shaqeeya xilli kasta gu’u iyo jiilaalba ha noqotee.

La Soco Qormooyinka. Dambe.
Diyaarintii:

Khadar Jaambiir Egeh