Axmed Ibraahim Al Gasi ama loo yaqaano (Axmed Guray) waxa uu ku dhashay deegaanka Siiha oo ka tirsanaayd Gobolkii loo yaqaaney Haadiya ee magaalo madaxdeeduna u ahaayd Harar. Axmed Ibraahim inta aanu noqon Imaamka ama hogaamiyihii jihaadka waxa uu ahaa wiil yar oo ilaa kow iyo toban jirkiisii ka tirsanaa ciidamada sida gaarka ah u tobobarnaa ee uu Abdanduulaha u ahaa Garaad Abuun oo ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee Saldanadii Adel ee aay Saylac saldhiga u ahaayd. Tixraac buuga Futuh Al Xabasha oo uu qoray Suhaybadiin Axmed Bin Abdulqadir oo ahaa qoraa Carbeed oo reer Mukha ah wax badana ka qoray qaswadihii jihaad ee Imaam Axmed Guray, kuwaasi oo uu dhamaantood goob joog ka ahaa kana diyaariyey Futuh Al-Xabash waxa uu qoraagu Imaam Axmed Guray ku tilmaamey in uu ahaa ilaa yaraantiisii mid leh hibada hogaamineed iyo khabiir aqoon dheeriya u lahaa farsamooyinka dagaalka waxaanu gaadhey meel talada dagaal ee uu go,aamiyo Axmed Guray aanu Garaad Abuun wax diidmo ah ambase wax ka badala aanu ku samaayn oo uun la raaco jirey shaxda dagaal sida uu u qorsheeyay.
Garaad Abuun waxa uu gaadhay heer ilaa talada guud ee ciidankaa birmadka ah uu u daayio hogaamintooda Axmed Guray. Ciidankaas birmadku waxa uu ahaa ciidamo si xeeldheeriya loogu carbiyey in aay galaan goobaha qalcadaha adag ee aan la mari karin. Ciidankaasi dhamaantii waxa uu ku duuli jirey fardo u carbisan dagaalka waxaana Axmed Guray looga dhigay Abaanduulaha guud ee ciidankaasi sida gaarka ah u tobobaran markii uu Garaad Abuun noqday wasiirka Gaashaandhiga ee Saldanadii Adel.
Suldanada Adel waxaa xilligaa uu Abdaanluulaha Axmed Guray ka ahaa madaxweyne ama Suldaan ka ahaa Abu-Bakar bin mohamed oo ahaa tafiirtii ka soo jeeday Suldaan Sacaadadiin. Caasumada Saldanada Adal markii hore waxa aay ahaan jirtey magaalada Dakar, balse Suldaan Abu-Bakar caasimadii wuu ka soo qaaday magaalada Dakar oo waxa uu u soo raray Casimadii magaalada Harar sannadkii 1520 kii.
Garaad Abuun bin Cadas oo sida la sheego imika in uu ka soo jeeday beesha karanle hawiye waxa aay aad isku hayeen Suldaan Abu-Bakar Bin Maxamed oo uu aabihii xukunka ka marooriyey Garaad Abuun bin Cadas kaas oo aabihii ku diley iska hor imaad dagaal foolka foola. Garaad Abuun bin Cadas xukunka Saldanada Adel isna waxa uu hayey toddobo sanno. Saldaan Abu-Bakar bin Maxamed waxa uu soo qaadey dagaal balaadhan oo uu ku soo ceshanaayo Saldanadii Adel ee aabihii laga qaaday, laguna diley. Waxa uu soo uruursadey ciidan badan oo Soomaaliya waxaanu ku qaadey dagaal ba,an oo faraha laayskaga gubtey Garaad Abuun bin Cadas iyo ciidamadiisii. Dagaalkaasi waxaa lagaga adkaadey Garaad Abuun iyo ciidamadiisii waxaana goobtaasi lagu gawracay Garaad Abuun oo Saldanada Adel xukunkeeda hayey muddo toddobo sanno ah 1513-1520
Suldaan Abu-Bakir bin Suldaan Maxamed markii uu gacanta ku dhigey taladii Suldanada waxaa Saldanadii Adel hadheeyey fusuq oo waxaa uu u fasaxay ciidamadiisii in aay isbaarooyin dhigtaan wadooyinka oo aay dhacaan safarada iyagoo aan u aabo yeelaan ruux dumara, caruur iyo cirooleba. Waxa kale uu fasaxay makhaayadaha khamriga lagu cabo iyo meherado lagu ciyaaro khamaarka. Waxa kale oo uu xabsiga ku guray culumadii waaweynayd iyo waxgaradkii ku noolaa Saldanadii Adel iyagoo uu ku eedaaynayo in aay uadeegi jireen Garaad Abuun bin Dacas Suldaankii hore ee Adel.
Suldaan Sacadadiin waxa uu ahaa aasaasihii Saldanada Adel waxa uu dhaley afar wiil waxaana tafiirmay oo aay caruur badani ka hadhay afartiisaa wiil laba ka mida oo la kala odhan jirey Abu Bakar iyo Badel. Suldaan Sacaadadiin waxa uu ka guursadey qabiilka dirka xaaskiisana waxaa la odhan jirey (Dhawa) waxa aay deegaan ahaan Dirku degi jireen Awaas ilaa laga soo gaadhayo xeebabta Zaylac. Marka magaca Xaaskiisa oo la odhan jirey (Dhawa) iyo qabiilka aay ka soo jiido oo l(Dira) laaysku geeyo waxa halkaas ka soo baxaya magaca magaalada aay ka soo jende afada sacadiin Diridhawa oo imika ah Dirihaba taas oo micnaheegu yahay Dirkii degi rey Dhawa. Sacaadadiin waxa uu dagaal balaadhan lagley Boqortooyadii Amxaarada ee loo yiqiin Agsam (Exampire).
Boqortooyada Agsam waxa aay ka soo alkuntey Boqortooyadii la odhan jirey Nabaata ee ku tiil agagaarka ama jiinka Webiga Niil. Boqortooyada Nabaata qudhadeedu waxa aay ahaayd farax ama qaayb ka soo godey Boqortooyadii Meeru ee ka samaaysantey burburkii Axdigii Boqorkii Fircoon ee la odhan jirey Ramsigii labaad lagu qaraqay bada, waana Axdigii Nebi Suleebaan Calaayhi Salaame. Axdigaa waxaa Zaylac soo maray sida ku taala buuga la yidhaahdo (Eletereyaan Sea) nin Giriig Masaariya , sannadku waxa uu ahaa (199 BC) boqol iyo sagaal iyo sagaashan ka hor dhalashadii Nebi Ciisa. Ninkaa masriga giriiga ahaa waxa uu sheegayaa in Zaylac xilligaa loo yaqaano magac kale oo ah (Afalaaytis). Berberana waxa uu ku sheegay magaca (Maalo), odayaashii hore ee Somaaliduna waxa aay Berebera uugu yeedhi jireen (Suuryo-Malabo).
La Soco Qormooyinka Dambe.
Soo Diyaarintii iyo dib u habaayntii: