Dhacdooyinka Ku Cusbaa Safarka Madaxweyne Biixi Ee Gobolada Barriga. (WQ: Axmed Max’ed Cisman Caalin).

Badhtamihii bishan December 2018 ayuu madaxweyne muuse biixi cabdi ku galaabixiyey safarkiisii u horeeyey ee uu ku tago gobolada barriga somaliland ;tan iyo wakhtigii guushiisa oo ay ka soo wareegtay muddo ku siman hal sanno,isagoo madaxweynuhu lugtiisuu koowaaad ku marey gobolka saaxil , sidoo kalena uga sii gudbey gobolada, Togdheer, Oodweyne, Saraar, Sool Iyo Sanaag oo uu ugu danbeyntii soo marey , dhacdooyinka ku cusbaa safarka madaxweynaha waxa ka mid ahaa :-

  1. in madaxweynuhu markii u horeysay gaadhey tuulada tukoraq oo qiyaastii 50 km dhanka bariga kaga beegan magaalada laascaanood , taasoo noqoneysa markii u horeysay ee madaxweyne reer somaliland ahi deegaankaasi ku tago hawlo shaqo oo u kuurgal ciidan iyo moral dhisid ah ; iyadoo degmada ganbadha hore u aheyd fadhiisinka ciidamada somaliland oo aaney madaxdii hore ee somaliland halkaasi dhaafi jirin
  2. madaxweye muuse biixi cabdi waxa uu noqdey noqdey madaxweynihii labaad ee seexda magaalada laascanood; isaga oo uu hore taariikhdaasi uu udhigey madaxweynihii hore ee somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
  3. in madaxweynuhu ka dib markii uu arkey baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira gobolada qaar , gaar ahaan caasimada gobolka sanaag in uu ka adkeysan waayey baahiyaha ka jira jaamacada isaga oo fuliyey balanqaadyo miiska saaran oo uu markiiba ka dareen celiyey , ka dib markii uu warbixin k dhageystay maamulka jaamacada kuwaas oo ay ka mid yihiin1. Lacago kab ah oo jaamacadda la siin doono. 2. Xafiis qalabaysan oo uu guddoomiyaha jaamacaddu yeelan doono
  4. Qalabaynta xafiiska macallimiinta Jaamacadda, 4. Saddex fasal oo Jaamacadda loo dhisi doono. 5. Baabuur Land-cruiser ah oo guddoomiyaha Jaamacaddu yeelan doono. Iyo mashaariic kale oo u badan dhagax dhigyo iyo xadhig ka jaris uu ka fuliyey dhamaan gobolada bariga ee uu soo marey
  5. safarka madaxweynaha waxyaabaha ku cusbaa waxa kamid ahaa in aad loo adkeeyey protocolka amniga waftiga ; taasi oo ay adkeyd in xataa masuul ka mida waftiga madaxweynuhu aanu kuu sheegi kareyn , talaabada tan xigta iyo jihada kale ama gobolka kale ee looga gudbayo goobta ay joogaan , taasi wax weyn ka tartey habqankii ama xogihii badnaa ee laga heli jirey xukuumadihii hore kuwaas oo mararka qaar sababi jirey amni daro

Waxyaabaha inta badan mucaaradku ku dhaliili jireen xukuumadda madaxweyne biixi ayaa waxa kow ka ahaa in aanu madaxweynuhu booqan goboladda bariga si uu ula dareen noqdo dadkii soo doortey iyo kuwii ka codeeyey ee maanta uu labada madaxweynaha u yahay , waxaanu safarkani soo afjareyaa dhaliilahaasi inta badan mucaaradaku ku afgobaadsan jireen , waxaana toos u bilaabmeysa wada shaqeyn u dhaxeysa madaxweynaha iyo shicibkiisa oo awal aad moodeysay in hore loogu kala sheekeeyey , waxaanu safarkani fariinta laga dheehan karayey ay ahayd in shacabka reer somaliland yihiin shicib isku duuban oo ul iyo diirkeed ah , waxaanu safarka madaxweynuhu ka nixiyey cadawga somaliland.

Caalin178@gmail.com

Hargeisa somaliland.