HEERKA NACAYBKA YUHUUDDA OO KOR U KACAYA (Antisemitism) (Waxaa Turjumay: Cabdirashiid Odowaa).

Haddii aad u haysatay in dadka muslimka ah oo keli ahi nacayb u hayo dadka yuhuudda ah taas maskaxdaad ka saar waxad ogaattaa in dadyow ga adduunku nacaybka ay u hayaan yuhuuddu uu kor u kacayo sanad kasta.

Daraasad dhowaan ay qaadeen hayadda warbahinta ee CNN waxa lagu ogaaday in 20 kii qof ee reer yurub ah mid ka mid ahi aanu maqlin in yuhuudda Xasuuq loo gaystay xilligii Hitler 1930 -1940s dad lagu qiyaasay 6 milion oo yuhuud ah arrintan oo ay ku raadiyaan in naxariis iyo garawshiyo ay ku helaan ayaa imika waddamada yurub fikirkaasi ka sii dabar goayaa oo uu isu bedelayaa sheeko baralay iyada oo waliba xilliga laga joogo xasuuqaasi uu yahay 75 sano keliya dad badan oo barigaas bad baadayna ay wali noolyihiin.

Dad badan ayaa rumaysan inay xasuuqan loo yaqaannay (holocaust) uu yahay sheeko ay ku gaadhaan danahooda ama ay awrkooda ku kacsadaan.

Sidoo kale in ka badan afar meelood meel ahaan ayaa rumaysan in dadka yuhuudda ahi ay xuurto ku qabsadaan ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale shantii qof mid ahaan ayaa rumaysan in nacaybka yuhuudda loo qabaa uu yahay jawaabta ficillada ka soo fula nolol maalmeed kooda caadiga ah.

Sidoo kale afartii qof mid ka mid ah ayaa rumaysan in khilaafka iyo dagaallada adduunka ka dhaca ay iyagu wadaan.

Sidoo kale shantii qof mid ka mid ah ayaa rumaysan inay Warbaahinta iyo Siyaasadda ay daaha dabadiisa ay ka hagaan.

Cilmi baadhistan oo waraysi laga qaaday 7000 oo qof oo reer yurub ah waxa laga qaaday waddamada Ingriiska,fransiiska,jarmalka,Ustaariya Hangari Poland iyo Iswidhan waxana la qaaday cilmi baadhistan wax yar ka hor markii xasuuqa loogu qaystay dad yuhuud ah macbad ay ku jireen wadanka Maraykanka magaalada Pittsburgh halkaas oo lagu dilay dad gaadhaya 11 qof  halkan oo aad dareemayso inuu wadanka Maraykankuna kala Simanyahay in nacaybka yuhuuddu ku jiro nacaybkan oo loo yaqaan (Antisemetism)

Arday iyo macalimiin ayaa lagu xusay daraasadan waraysi lala yeeshay waxay sheegeen in nacaybka yuhuudda loo qabo uu ku fidayo wadamadan ay ku noolyihiin ha ugu badnaado jarmalka iyo faransiisku waxay sheegeen in ay ku kallifto marar badan inay qariyaan magacooda (Jewish) ama yuhuud waayo markaba nacayb hor leh  ayaa naloo qaadayaa xaaladuhuna way nagu adkanayaan ayay yidhahdeen.

Cilmi baadhistani waxay daaha ka faydaysaa oo ay is waafaqayaan Sida ay diinta Islaamku iyo Quraanka kariimka ahi ay si faah faahsan uga hadleen Yuhuudda iyo dhaqankooda jir jirroolaha ah ee ballan furka,khiyaamada.Nolol jacaylka iyo beenta ku dhisan.

Waxa kaloo quraanku shegay inay yuhuuddu aanay kaligood meel istaagaynin waligood illaa inay umad kale ku hoos nooladaan ama ay qalcado adag hoostooda galaan mooyee.

Waxa qoray Michael Kaplan

Waxa tarjumay

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213