Dhadhankii Qadhaadhaa ee Caleenta Rumaanka (WQ: Jaamac Muuse Jaamac)

 

Mahdi waxa u soo dhacday xabbad rumaan ah oo inta ay xoog u bislaatay, dusha sare ka dillaacday, iskeedna uga soo go’day geedkii Midha-Malable ee ceelka dushiisa ku yaalay. Waxa ay ahayd casar gaaban, Mahdi iyo aniguna waxaannu fadhinay labada Saytuun dhexdooda, sidii laba daaxuur oo coofaadh iyaga ka cadhaysan dartii, uga irdhoobay xayntii daayeerrada ahayd ee ay ka tirsanaayeen. Waannu sheekaysannaynay, intii sanqadha xabbadda rumaanka ah ee soo dhacday, aanay naga dhabqin sheekada. Si feejignaan badani ku jirto ayuu Mahdi u soo qaaday, oo ka masaxay cammuuddii yarayd ee ka gashay halka qoloftu ka dillaacsan tahay.

Xabbaddan Rumaanka ah diirkeeda sare wali doog buu sii ahaa, inkasta oo uu meelaha qaar isu rogay casaan khafiif ah. Ceelka waxa dul taallay wadaan dhabas ah oo harag ka samaysan. Intuu Mahdi wadaantii ku shalwiyey ceelka guntiisii, oo uu dawligii suulkiisa iyo fartiisa dhexdooda si sulux ah u mariyey, ayuu igu yidhi: “waar kaalay ila soo jiid.” Sidii aannu geel waraabinayno ayaannu karkaarrada labada dhinac iska taagnay, oo laba-gacmoodinnay dawliskii. Ma aannu se ku heesayn soo jiididda wadaanta sida loogu heeso marka geela la soo horayo.

Labada sacab ayuu ku maydhay xabbaddii rumaanka ahayd, aniguna wadaantii ayaan sare u qaaday, oo inta aan yeelaasha gaboobay midkood aan ka buuxsaday, ayaan kolba in yar ugu shubayay biyaha. Si fiican ayuu Mahdi u nadiifiyey xabbaddii rumaanka ahayd oo wali qoloftii ku taallo.

Si degganaan leh ayuu Mahdi uga kala dhambalay xabbadii rumaanka ahayd halkii ay ka dillaacsanayd. Quruxda midhaha rumaanka ee midabkoodu casaanka diggoon yahay, bilicdooda waxa soo saara caleenta khafiifka cagaaran ah, ee u kala dhaxaysa midhahan isugu yaalyaalla sida rucub rucubta ah. Ma aha uun qurux e, waa caleenta haddana u ah dahaadhka dhowrsoon ee ilaalisa, ee u kala dhexaysa iyaga iyo qolofta sare ee rumaanka.

Midhaha rumaanku waxaad mooddaa in ay u safan yihiin sida dheemanta, marka ay dheegga si siman isugu wada hayso, waxayna isu sawiraan sidii qaab joometeri oo lix geesleyaal ah lagu jiqsiiyey dululaatigay dhexyaallaan. Midabka casaan dhalaalka leh, haddaad rucub kor ka eegtana, wajiga sare ee xabbad kastaa inay tahay rubbi saddex geesle ah. Waa widhwidh iyo dhalaal u gaar ah rumaanka midhihiisa iyo dhagaxa rubbiga ah.

Midhaha rumaanka waxa aad mooddaa inay bururayaan, biyaha dhexdooda ku jiraana waxay xab dahaadh ah u yihiin lafo yaryar oo cad cad, oo midiba midh midhaha ka mid ah dhex qotonto. Sidii ilmo wali uurka hooyadii dhex jiifa. Naftu way u muhataa marka ay aragto quruxda midhahaas cas cas, afka iyo ilkuhuna waxay door bidaan in mar qudha la wada cantuugo rucub isku xidhan, oon la kala firdhinin.

Way dhacdaa markaa in caleentii yarayd oo cagaarka khafiifka ah ahayd, ee u kala dhaxaysay laba rucubood oo mar afka lawada galiyey, in ay cantuugada kuu raacdo dhuumasho.

Midhaha rumaanku way macaan yihiin, dhash dhasta calaaliskooduna waxay kicisaa dareenka dhadhansanaya biyaha kasoo tuukhaya middii iliggu mar qabtoba. Naxariis iyo dhadhan wanaagsan ayuu mar wada dareemaa ruuxa rumaanka cunayaa, waanuu macaansadaa, ilaa uu iluggu qabto caleentii yarayd ee ku soo dhex duumatay cantuugada, markaasaa carrabka qaybtiisa danbe ee hunguriga ku taallaa, qadhaadh dareentaa. Qanjidhada hoosena si cadho ku jirto ayay dheecaan u soo dayaan, iyaga oo ka biyadiidsan dhadhanka qadhaadh ee caleenta rumaanka.
Mahdi wuxuu igu yidhi “kartida lagu hantiyo nolosha wanaaggeedu waxa ay ku jirtaa kolba sida aad qadhaadhka yare ee caleenta rumaanka aad isu dhaafin karto, ee aad u dhadhansan karto midhaha rumaanka, macaankooda iyo naxariistooda.”

Waxa qoray Jaamac Muuse Jaamac

Bandhige@gmail.com