Siciid M Gahayr Waxa uu ka Tirsanyahay Tolweynaha Bahda Suugaanta…Qofna Xaqdarro Kuma Xidhnaan Karo! (WQ: Sayid-Axmed M Yuusuf “Dhegey”)

 

Maalmahan waxa isa soo taraya wax ka ogaanshaha xadhiga rumaanka ah ee ku dhacay qoraa, maansayahan Siciid Maxamuud Gahayr. Muddo dheer ayaan aqoon u lahaa Siciid. Waxa aan ku bartay hal-abuurnimada uu hibada u leeyahay, qoraanimada uu qoray buugaag diiwaanka iyo qandiga soomaalida gashay oo uu ka mid yahay buugga uu ka qoray Xaaji Cabdikariin oo ku magacdheer Cabdi Waraabe, ahna odayga maanta ugu da’da weyn  Somaliland. Isla markaana ka tirsanaa ilaa bilawgii Golaha Guurtida Somaliland.

Taariikhdaa dheer ee cid la wadaagtaa aanay jirin maanta Xaaji Cabdikariin ayuu qalinka u qaatay Siciid M Gahayr oo uu horteenna soo dhigay.  Waxa kaloon xasuustaa buuggii ku saabsanaa Maansada Soomaalida iyo qaybaheeda oo runtii ahaa buug dhaxal gal ah. Labadaa buug kuma ekayn qoraalada uu qoray Siciid, balse waxa u sii dheeraa dhanka qoraalada, maansada qaybaheeda kala jaadjaadka ah oo uu in badan innala wadaagay. Gaar ahaan Siciid, waxa uu ka mid ahaa inta Badda Gabayga ku xarragoota.

samo-talis-1

Soomaalidaa tidhaahda “Nin habari dhashay hal ma seegi waayo” qoraalkayga kagama hadlayo maxaa loo xidhay? Mana odhan karo waa qalad xadhiga Siciid, oo waxa aan ka afeefanayaa inaanan xogogaal ahayn. Waxaase jira waxyaabo inta badan la innagu socodsiiyo oo u baahan in gidaarkaas la dumiyo si wada jir ahna loo jebiyo. Waa maxay gidaarkaasi, waa in qofka xadhig aan sharci ahayn lagu hayo muddo dheer. In xuquuqdiisa muwaadin ahaan uu qof kale oo masuul ahi ku muquuniyo isagoo adeegsanaya hay’adaha dawliga ah.

Arrintaasi waa ta bilawga u ah xaqdarrada ee dalalka kelitalisnimadu ka hirgeshaa ay ka soo bilaabmaan. Waxaana dadweynaha loo tusaa in wax la saxayo. Dib u milicso habkii loo taageeray Maxamed Siyaad Barre, Migistu Xayle,Iidi Amiin iyo qaar kaloo badan. Dadweynaha ayaa ku taageeray, oo  filayey in wax la saxayo. Maanta waa hebel qofka xidhani, berrina waa hebel kale, saadanbena waa adiga ee intaan lagu xidhin xaqa u hiili.

Intaa ka dib, qoraalkaygu waxa uu gar iyo gardarroba u hiilinayaa Siciid M Gahayr. Waa Xadiis laga soo weriyey Nebigeennii Suubbanaa NNKH. Markii la weydiiyey ee la yidhi: Nebi Allow garanay in aanu gar ugu hiilinno, balse gardarro sideen ugu hiilin karnaa? Waxa uu yidhi: Gardarrada u sheega in uu gardaranyahay oo ha kala gabbanina, hana u qarinina. Sidaa awgeed waxa iga guubaabo ah, oo aan qoraalkan u dirayaa dhammaan inta suugaanta meeluun ka soo gasha, inta xiisaysa iyo

Xadhigga in qof uu amro xadhigga qof ama dhawr qof, waa qalad haddaanay gacanta kula jirin denbi dhagareed. Waase in muddo cayiman la hayaa, lana geeyaa maxkamadda horteeda. Qofku denbiile maaha ilaa xukun ku dhaco. Sidaa awgeed ilaa inta aan ogahay Siciid denbiile maaha, ee maxkamadda ha la geeyo oo xukunkiisa si caddaalada ha loo galo. Haddii Maxkamaddu xukunto, oo denbi ku caddaado Siciid dee halloo hiiliyo oo qaladka ha loo sheego. Laakiin yaanuu horteenna ku xidhnaan isaga oo aan wax denbiya lagu caddayn.

Aniga oo ku hadlaya magaca ururka Qorayaasha Soomaaliland laantiisa Iswidhan waxa aan ka codsanayaa dhammaan bahda qorayaasha, bahda hal-abuurka iyo guud ahaanba bahda suugaanta in ay hoos u dhugtaan oo eegaan sababta uu ku xidhanyahay Siciid M Gahayr. Sida aan kor ku sheegayna gar iyo gardarroba u hiiliyaan.

Nabad iyo Caano
04/10/2016 Salaasa
Stockholm/Iswidhan

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Sayid-Axmed Dhegey:

sayid-dhegay-1

Faallo: Buugga Go’aan iyo Gobanimo ee uu qoray Cali Cabdi Coomay

Faallo: Buugga la magacbaxay “Raadraaca Taariikh Soomaaliyeed”

Naadiyada akhriska ee Somaliland xaggee ka yimaaddeen halkeese u socdaan?

“Cidhif Gees ka Gees Cawkeyare Waa Laga Yiqiin, Carriga Soomaale” 

Maalmihii Dhaqanka Soomaalida oo la soo gabogabeeyey

Haamaha Shidaalka ee Berbera wax baa nooga iftiimay!

Sooyaalkii Cabdillaahi Suldaan Timacadde