Danney Williams-Clinton oo 30 jir ah oo ay dhashay gabadh jidhkeeda ka ganacsan jirtay ayaa furtay bog Facebook ah, wuxuna doonayaa in madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton uu oggolaado in uu wiilkiisa yahay. Warbixintan waxa maanta baahiyey wargeyska caanka ah ee Daily Mail ee ka soo baxa carriga Ingiriiska.
Warkani wuxu ku soo beegmay wakhti xasaasi ah oo ay xaaska Bill Clinton u sharaxan tahay madaxweynenimada Maraykanka, qarkana u saaran tahay in toddobaaddo kadib iyada la doorto. Haddii sheegashada Danney ay soo jiidato indhaha warbaahinta waxay hantaaq ku noqon kartaa ololaha Hillary Clinton.
Xanta ku saabsan in Clinton yahay Danney aabihii waxay bilaabantay isla sannadkii uu uu Danney dhashay oo ahaa 1985, hooyadiina waxay sheegtay in 100% ay hubto in wiilkan uu dhalay Clinton oo wakhtigaas ahaa badhasaabka Arkansas.
“Waan hubaa in wiilkayga aabihii yahay Bill Clinton. Waayo wakhtigaas (uu wiilkaygu calool-galayey) macmiilka kaliya ee caddaan ah ee aan lahaa wuxu ahaa Badhasaab Clinton” ayay tidhi Bobbie Ann Williams oo ah haweenay madow oo hooyo u ah Danney Willaims-Clinton.
Danney Williams-Clinton wuxu bartiisa Facebook ku sheegay in Hillary Clinton ay ciqaabtay markii uu shaaciyey in uu ina-Clinton yahay.
Ilaa iyo hadda maamuleyaasha ololaha Hillary Clinton kama ay jawaabin eedaymahaas iyo fadeexaddan ku soo cusboonaatay qoyskan la filayo in ay mar kale la wareegaan Aqalka Cad.
Sheekadan Danney iyo Clinton waxay si weyn u soo caan baxday wakhtigii uu Clinton ahaa badhasaabka Arkansas 1992-kii ee uu isu sharaxay madaxweynenimada Maraykanka.
Bobbie Ann Williams, hooyada wiilkan, oo hadda hawl-gab ka ah shaqadii ay hayn jirtay ayaa sheegtay in ay iyada iyo Clinton kulmeen 1984, wakhtigaas oo ay ahayd 24 jir isla markaana ay ku gudo jirtay dhisme guri ay lahayd.
“Guriga agtiisa ayuu igu arkay. Wuu ila kaftamay. Dhawr maalmood kadibna wuu igu soo noqday. Wuxu i siiyey $200, kadibna wuxu iigu galmooday meel kayn ah oo aan naga durugsanayn” ayay tidhi Bobbie oo u 1992 warrantay jariiradda The Globe.
Bobbie waxay sheegtay in isla wakhtiyadaas uu Clinton marar kale oo door ah u galmooday kadibna ay uur yeelatay.
“Markii aan u sheegagy in aan uur u leeyahay, Badhasaab Clinton wuu igu qoslay. Wuxu igu yidhi ilmahaa aad caloosha ku siddaa ma noqon karo kaygii. Hase ahaatee anigu waan ogaa in uu wiilkiisa yahay. Sababtoo ah hooyadu waxay dareemi kartaa cidda dhashay ilmaha ay caloosha ku siddo” ayay tidhi Bobbie.
Waxay intaas raacisay:
“Markii aan umulay December 1985 waa ay caddaatay in uu wiilka aabihii Clinton yahay. Sababtoo ah ilmihii midabkiisu wuxu noqday caddaan, Clinton-na wuxu ahaa qofka kaliya ee caddaan ah ee ii galmoon jiray wakhtiyadii aan uurka qaadayey.”
Danney Williams-Clinton wuxu bartiisa Facebooka soo dhigaa sawirro badan oo ilaa yaraantii ah oo muujinaya sida ay isugu egyihiin isaga iyo Bill Clinton iyadoo ay weliba hooyo tahay haweenay madow, wuxuuna soo duubaa farriimo fiidyow ah oo uu dadweynaha kaga codsanayo in ay ka caawiyaan sidii aabihii u aqbali lahaa.
“Waxan meel ka akhriyey in aanu Bill Clinton muddo dheer sii noolaanayn. Waxan doonayaa in aan fool-ka-fool ula kulmo oo aan ku idhaa “Aabo nabad”, waxan sidoo kale doonayaa in aan xidhiidh la yeesho Chelsea Clinton, waayo waa walaashay” ayuu idhi Danney oo 2013-kii u warramay wargeyska The Globe.
Mararka ay wararkani soo baxaan waxa dib loo xasuustaa gogol-dhaafkii dhex maray isaga iyo Monica Lewinsky, fadeexaddaas oo sahayan gaadhay madaxweynenimada Clinton sannadkii 1998 kadib markii ay haweenaydan oo ka shaqayn jirtay Aqalka Cad qiratay in ay sagaal jeer iyada iyo Clinton wada macaamileen intii u dhaxaysay 1995 ilaa 1997. Sidaas ayaanu warkani lama-filaan iyo wax lala yaabo ugu ahayn dadweynaha Maraykanka.
Danney Williams iyo hooyadii Bobbie
Il-wareed: Daily Mail
Turjumaaddii iyo soo-koobiddii: Bandhige News
bandhige@gmail.com