Dhagaysiga (Wq: Cabdiraxmaan Hayaan)

Waxa jiray wiil dhalliyar ah oo aanu wakhti xafiis ka wada shaqayn jirnay, inkasta oo aannaan saaxiib ahayn haddana waxa uu jeclaa in marka uu fursad helo aanu sheekaysanno. Maalin buu yidhi niyow waxaan doonayaa inaan arrin kuu sheego?, sax baan ku idhi ii sheeg.

Waxa ay isku dhaceen waalidkii. Hooyadii ayaa doonaysay inay u dhisto inan ay iyadu doonayso, isna waxa uu jeclaa inan kale. Inkasta oo uu isku dayay inuu hooyadii ka diido teeda, haddana toos ugamuu hor iman karayn waayo hooyadii buu aad u jeclaa mana uu doonayn inuu qalbigeeda dhaawaco. Waxa uu ii sheegay in hooyadii iyo aabbihii ay jacayl isku guursadeen balse aabbeheed aanu oggolayn, gurigoodii iyo jacaylkoodiina muu sii waarin.

Sidaa daraaddeed hooyadii waxa ay ka boodsantahay ama sas ka qabtaa waxa jacaylka la yidhaa gabi ahaantiisaba. Ma doonayso wiilkeedu inuu guursado qof uu jecelyahay maxaa yeelay waxay rumaysan tahay inaanu shaqaynayn. Inkasta oo uu hooyadii jeclaa, haddana xaaladdu immika sidii hore maaha, waayo iska daa inuu hooyadii ku qanciyo inanta uu guurkeeda doonayee xataa waa ay diidday inay la kulanto. Ka sii darane hooyadii maalin kasta waxa ay bartaa inan cusub. Waa aan dhagaystay, su’aalo xog raadis ahna waan weydiiyay kadib waxaan ku idhi “ Waxa talo ah miyaad iiga baahantahay? Waxaanu si ay farxadi ku jirto iigu jawaabay inaanu wax talo ah iiga baahnayn.

Waxa uu ii raaciyay inuu isagu ku filanyahay oo xallin karo, isla markaana uu hooyadii ku qancin doono dookhiisa marka uu ku celceliyo. Haddaba maxaa ay tahay dhibtu? Muxuu doonayay wiilkani inuu iigu sheego arrimihiisa gaarka ah? Maxay tahay sababta aanu u doonayn inaan talo siiyo?

Dhibtu waxa weeyaan waxa kaliya uu doonayay cid dhagaysata oo sheekada ka gurta!!!!

Qof kasta oo is yidhaahdo wax u sheeg waxa uu eedaynayay isaga, ama waxa uu u dhagaysanayay inuu talo siiyo aanu u baahnayn. Wiilkani waxa uu u bahanaa oo kaliya qof dhagaysta oo ujeeddadiisa koobaad tahay inuu dhagaysto oo doonaya inuu fahmo balse aan doonayn inuu u jawaabo. Way yartahay inaynu yaqiinsanno muhiimadda ay leedahay inaynu qof u baahan in la dhagaysto aynu dhagaysanno.

Haddaynu u fiirsanno dhaqankeenna, ma sugno inta qofku hadalka dhammaysanayo waxa aynu soo dhex galnaa isaga oo hadlaya, ama waa aynu hadlaynnaa ama waxa aynu u diyaar garoobaynnaa inaynu hadalka qofka soo dhex galno innaga oo iska dhigaynna inaynu dhagaysanaynno. Waxa aynu maskaxda uga shaqaysiinaynnaa inaynu fikirkeenna sheegno waliba si deg deg ah u sheegno.

Qofku halka uu wax ka maqalaa  waa dhagaha, balse dhagaysiga dhabta ahi ee dhuuxista qofka hadalkiisu waxa ay u baahan tahay inaad qofka eegto qalbigana u furto waxa uu leeyahay. Ninkii dhallinyarta ahaa waxa uu iga taga isaga oo nafisay oo aad mooddo in mushkiladdiisii uu xal u helay. Ha moogaan dhagaysiga.

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com