Mudane Labaale ama Saddexle (Wq: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

 

Nin waayeel ah weeyi. Habdhaqan aan la tacajabay ayaan ku arkay. Habnololeed u gaar ah weeyi. Qaab labiskiisu xitaa baadisooc u gaar ah buu lahaa, laakiin halkaasi imika uma socdo. Hadalkiisu, marka uu hadlo, tawtaw uun ma ahayne, mid wax tar leh ayuu guud ahaan ahaa, inkasta oo dad badani, hadal badni kaga cawdeen.

Ta ugu xiisaha badani waa wax walba labo ama ka badan ayuu ka sitay. Laba laptop wuu watay, telefoonada gacantu iyagu malaha afar bay ahaayeen. Laba iPad waan ku arkay. Laba boorso oo kuwa gacanta lagu qaato ah wuu is ag waday. Muraayadaha indhuhu iyagu saddex bay ahaayeen. Maxaad ku kala falaysaa waxan oo agab ah gaar ahaan indhagashiga, haddii aan idhina, jawaabtiisu way iga sii yaabisay. Laye midi waa tii akhriska, midna waa aragtida dhaw, midna waa ta fog. Intaas oo adeeg sow hal muraayad la iskuguma gayn karo, baan su’aal jawaabtiisa aan kala soo dhex baxay ugu celiyey. Taas wali iskuma dayin ayuu ku gaabsaday. Marka uu hadlayo, qoraalna tixraacayo, saddexdaas muraayadood oo qoorta u wada sudhan ayuu kolba mid gashanayaa.

Foolsaabku isagu saddex buu ahaa. Laba yaryar iyo mid nuuca xirfadlayaasha caafimaad ay isticmaalaan ah. Sow ma tallaalnid, mase u baahan tahay intan oo dhan baan waydiiyey?  Saddex jeer ayaan tallaalanahay oo xitaa kii xoojinta ahaa, ‘booster’kii baan qaatay buu ii sheegay. Wuxuu iigu sii daray, in dhawaan, mar saddex wiig oo isku xigta safar uu ahaa, sagaal jeer laga baadhay COVID19; intuba bedqab ayay xaqiijiyeen. Dawladuhu haddeer inay baadhitaankan lacag ka sameeyaan ayuu ii sii raaciyey. “Inta baadhitaan caafimaad uu yahay, waxan ka yarayn inta il dhaqaale uu noqon karo, ama ba laga dhigay” ayuu ku sii daray isaga oo saddexdii lakab ee afsaabka ahaa iska dul xidhan. Codkiisa, caadi ahaan debecsan, waxa sii dabray waxan uu iska dul xidhay. Inaan dhegta raariciyo mar kasta oo uu hadlayo, sida kaliya ee aan hadalkiisa uga bogan karo ayay ahayd.

Laba buug oo uu wax ku qoranayay ayaa isku mar horyaalay. Waxa u dheeraa aalad yar oo uu wax ku qoranayay. IPad ma ahayn, se sida  buug iyo qalin ayuu u adeegsanayay. Tana maxay ahayd baan waydiiyey? “Buug ahaan baan u isticmaalaa, ‘reMarkable 2’ baa la yidhaa” ayuu yidhi isaga oo muraayadihii mid ahaan xidhan, aaladiina ii soo dhiibiya.

Waa tane isku day inaad wax ku qorto, qoraalkaagana hadhow, aaladahaaga kale, kii aad doonto ayaad si sahal ah uga heli kartaa.

Ninkaasi oo aan mar dhexdii ahayd la kulmay, isku soo duuboo, habdhaqan u gaar ah baan ku arkay, wax kastaana lama lama ayay ahaayeen, mararna waa ba ka badnaayeen!

abdirahman.adan@gmail.com