“Dawladda Maraykanku way aqbashay baasaboorka Somaliland” Maxamed Cali Bile

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamed Cali Bile ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay aqbashay baasaboorka Somaliland. Wuxu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku shaaciyey bartiisa Facebook. Qoraalka waxa la socday sawirka baasaboorka diblomaasiga ah ee Somaliland.

Sida uu sheegay agaasimuhu safar ay maanta Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hoggaaminayey ku tageen Maraykanka, qaar badan oo ka mid ah waxay siteen baasaboorka diblomaasiga ee Somaliland.

“Dawladda Maraykanku way aqbashay Baasaaboorka diblomaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. In badan oo ka mid ah waftiga Madaxwayne Muuse Biixi baasaaboorkan ayay ku dhoofeen.” Maxamed Cali Bile