Guddoomiyaha Waddani ayaa ugu baaqay taageereyaasha xisbiga ee Maraykanka in ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta ugu baaqay taageereyaasha xisbiga Waddani in ay si wadajir ah ugu soo dhaweeyaan Madaxweynaha Somaliland carriga Maraykanka. Waxaanu ka digay in aanay jirin cid xisbiga ku meteli karta mudaharaad lagala hor yimaad Madaxweynaha isagoo carrabka ku adkeeyey in qaranimadu ka muhiimsan tahay aragtiyaha kala duwan ee axsaabta. Hoos ka akhriso qoraal kooban oo uu soo dhigay barta Facebook.

“Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.
Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.” Xirsi Cali Xaaji