Aduunka oo dhan, xannuunkan Covid-19 waxa uu dibadda usoo saaray geesiyaasha dhabta ah ee bulshadu leedahay: waa Xirfad la’yaasha caafimaadka e. waxa muuqanaysa in xataa wadamada aduunka ugu horumarka fiican uguna dhaqaalaha buuran, shaqaalaha caafimaadku ay ku shaqeeyaan duruufo adag.
Mushaharooyin aan u dhigmin howsha ay hayaan, saacado shaqo oo aad u dheer -si tabanna u saameeya noloshooda iyo ta qoyskooda- mas’uuliyad culus oo la xidhiidha badbaadinta nafta bani’aadamka; tuhun iyo hafar ay kala kulmaan inta badan bulshooyinkooda, intaas oo dhan ayay u dhabar adaygaan una dulqaataan.
Maanta shaqaalaha caafimaadku waxay safka hore kaga jiraan la tacaalida aafadii qarniga (Covid-19) oo tiro aan lasoo koobi karini u dhinteen, qaar kalena u jiifaan. wadamada shiinaha, talyaaniga, iiraan, iyo isbayn ayaa ilaa hada noqday wadamada ay ku dhinteen shaqaalahii caafimaad ee ugu badnaa. Ha ugu sii khatar badnaadeen dhakhaatiirtuye.
Somaliland inkasta oo aan ilaa hada la xaqiijin dad si rasmi ah looga helay Coronavirus, hadana marka la eego wadamada inagu xeeran iyo sida maalinba maalinta ka danbaysa uu xannuunku usoo kordhaayo, kama aamin noqon karto in xannuunkaasi soo gaadho.
Inagoo og itaalka hay’adaha caafimaadka dalka ayaa dhakhaatiir badan waxay dadkooda ugu shaqeeyaan si hagar la’aan ah. Waxay u dhabar adaygaan mushahar yaraan, tababar la’aan, il-qaloocan oo inta badan bulshadu ku eegto, iyo hubaal la’aan mustaqbalka ku saabsan.
Iyadoo dhakhaatiirtu haystaan dhamaan qalabtii ay isku ilaalin lahaayee(protective gear) ayay hadana khatar wayn ugu jiraan in xannuunku soo gaadho. Maxaad u malayn hadii aanay helin agabka aasaasiga u ah ilaalinta naftooda iyo bad-baadinta bukaanka.
Hadii xannuunku soo gaadho degelkeena- ilaahay ma qadaree- miyaa laga fili karaa dhakhtaradu in ay ku shaqeeyaan duruufo khatar toos ah gelin kara noloshooda. Xaq ma u leeyihiin in ay shaqada joojiyaan oo guryahooda ku ekaadaan hadii aanay helin agabkii ay isku ilaalin lahaayeen iyo kuwii ay ku howl geli lahaayeen si ay bulshada ugu adeegaan.
Haddiiba ay taasi dhacdo yaa qaadaya mas’uuliyada wixii qasaare dhaca? miyaanay u dhigmin askari furin dagaal la joojiyay isagoo bilaa rasaas ah oo bilaa gasiin ah, lana faray inuu dalka difaaco. Hadii cadowgu soo jiidho yaa iska leh mas’uuliyada jabka qaranka gaadhay.
Waxaynu u baahannay in aynu si xikmadaysan oo miyir qabta u eegno duruufaha adag ee inagu soo fool leh. Halyayga dhabta ah ee furinta caafimaadka inoogu jira haloo hagar baxo inta goori goor tahay; qofna yaan la saarin wax awoodiisa ka baxsan, hadii kale hadhowba yaan la eersan bulshada xirfadlayda caafimaadka hadii ay dib uga gurtaan goobaha Coronavirus lagu waajihi doono!