Maareynta Wakhtiga (WQ: Maxamed Sh. F. Cilmi)

Ayaan waa 37 jir haysata lix caruur ah, waxa ay diyaarinaysaa quraac ay ugu talo gashey walaalkeed, odeygeeda iyo lixdeeda caruura in ay usoo dhigto saacadu marka ay tahay 7:00 am subaxnimo. Markey saacadu ahayd 7:10 am ayaa odeygeedii usoo galey madbakha, wuxuuna arkey madbakha oo isku dhex daadsan, canjeeradii oo aan wali la dubin, ukuntii oo gooni u taal, basashii, yaanyadii iyo iidaankii oo aan wali la isku darin. Waxa ay u keentey shaah hordhac ah si ay ugu sii sugaan quraacda, walow wakhtiga shaqada iyo dugsigu cidhiidhi ku hayo. Ayaan war uma hayn ama kama warqabin in ay si qaldan isugu soo dabo riday quraac sameynta, taa badelkedna uu wakhti badan ka lumay, mana garanayn in si ka fiican qaabka ay u diyaarisay ay jirto.

Sahal wuxuu ku bilaabey shaqadiisa xisaabiye xafiiska laanta jimciyada qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan cuntada, waana la dalacsiiyay markuu da’da 35 jir ahaa. Saaxiibadii iyo qoyskiisu, intuba waxa ay u arkayeen nin masuul ah oo lagu kalsoonaan karo, da’da markuu ahaa 37 jir wuxuu wax alla wixii lacag uu keydsadey ku maal galiyey ganacsi shuraako ah, isla markiina ganacsigii wuu kacey. Sahal wuxuu bilaabay shaqo, waxay shaqoba shaqo u dhiib to, waxa laga soo eryaa shaqooyin ka madaama oo uu soo daahayo, qorsho xumo iyo isaga oo aan si fiican wakhtigiisa u maareynayn awgeed. Labo saacadood ayay ku qaadan jirtey in uu shaqada u diyaar garoobo, mararka qaarna maalinta waxa uu ku qaadan jirey inta uu qubaysanayo, gadhkana iska xiirayo, labis ku habaano uu xidhanayo. Sahal si lamo filaan ah ayuu u lumiyay awoodii uu ku qiimeyn lahaa xitaa baahida mustaqbalkiisa.

Muuse waa aqoon yahan ku xeel dher maareynta mashaariicda, in mudo ahna kasoo shaqeynayay. Hase ahaatee tijaabo yar oo xafiis dib u habayn lagu samaynay (sida qaabka xafiiska iyo wax ka badelka agab ka yaala iyo dhanka ay u yaalaan), waxa uu ku dawakhey mudo yar oo kooban. Waxa ay ku qaadatey labo saacadood in uu xafiiska iska hagaajo oo uu bilaabo soo bandhigida mashruuca uu watey, markii uu bilaabey sharaxaadii, waxa uu dhaafi waayey afeeftii, si aan macquul ahayna wuu ugu soo celceliyay. Wuxuu sameeyay sawiro, fikrado hordhac ah oo aan is heysan ama isku xidhneyn. Wuu ka warqabey isku dhex yaaca fikradihiisa “waan garanayaa waxa aan rabo in aan sawiro, laakiin ma sameyn karo” “sax ma aha, waxa ay u muuqata in tareen fikrado ah ay I dhex marayaan, iga dhex guuxayaan, marka aan bilaabana tareenkii mee, meel uu ka baxey, wuxuba way kala yaacayaan, hadana tareen kale oo fikrado ah oo jiho kale u socda, labada fikradoodna ma kulmayaan, ismana waafaqayaan, tani waa dhibaato” ayuu yiri.

Dhamaan Ayaan, Sahal iyo Muuse, mid kastaa wuxuu leeyahay tixgalin gaar ah, waxa ay leeyihiin hibooyin kale oo u gaara, balse midka ay dhamaantood ka siman yihiin waa sida loo maareeyo wakhtiga. Dhamaantood waxa ku adag maareynta wakhtiga.

“Maareynta waqtiga” waa geedi socodka abaabulka iyo qorsheynta sida aad waqtigaaga ugu qaybin lahayd hawlaha kuu gaar ka ah. Maareynta waqtiga wanaagsan waxay awood kuu siineysaa in aad si xarfad leh u shaqeyso – adigoon xoog sticmaaleyn- si aad wax badan u qabato waqti yar, xitaa marka waqtigu adag yahay oo cadaadis kaa awood badan uu jiro. Haddii aad ku guul dareysato maaraynta waqtigaaga, waxay dhaawaceysaa waxtarkaaga iyo horumarkaaga, waxa uuna sababi karaa qulub, isku buuq iyo niyad jab, waana halka inta badan ay ka timaad farxad yaridu.

Marka laga yimaad shay kaste oo kale, wakhtigu waa hantida ugu muhiimsan/qaalisan uguna weyn ee qofku leeyahay ama uu haysto inta uu nool yahay, waana halka uu ku jiro horumarka iyo dib u dhaca qofku. Sida aad uga faaideysato ayay marba ku xidhan tahay inta ay leeg tahay guusha aad soo hoynayso if iyo aakhriba, waana abaal marinta qofka uu Eebe (swt) ku abaal mariyo adoomihiisa hadba midhaha ay beertaan ama tabcadaan. Maareynta wakhtigu waa bud dhiga farxada iyo horumarka shakhsiga, haddii wakhtigaaga aad si fiican u maamusho, midhaha aad ka gurataa waa kuwo waxter leh oo ku farxad galinaya.

Wakhtigu maaha wax la taaban karo, midab gaar ahna ma laha, waa iftiin iyo mugdi u taagan maalinta iyo habeenka, dadyowgii ugu horeeyay ee isticmaala wakhtigu waxa ay u qaybin jireen lix qaybood waxaana isticmaali jirey dadkii hore ee xadaaradahii hore ee Sumerian ka ee gobalada koonfureed ee mosobataamiya (koonfurta Ciraaq).

1500 BC markey taariikhdu ahayd, ayay Masaardii hore warshadeen qalab ama aalad lagu cabiro wakhiga oo qaab ahaan u eeg T-saddex xagal ah oo cabiraya hadhka walaxda iftiinka wakhtiga marba marxaladda uu marey ama laga gudbey. Saddex xagalka T hadhkiisu wuxuu ku toos naa dhanka bari subaxdii. Waxa dadku ay ku cabiri jireen marka ba hooska sadex xagalku dhanka uu u jeedo. Akhriste, maraaxil kala duduwan ayuu soo marey wakhtiga iyo aaladaha loo isticmaali jirey wakhtiyadii aynu soo dhaafney oo qoraal halkan laguma soo koobi karo, se maanta tiknoolojiyada casriga aha ayaa fududeysay wakhtiga meel kasta iyo jiho kasta oo aad joogto ama aado iyada oo la isicmaalayo nidaamka meelaynta ee loo yaqaan (GPS, Global Positioning System) iyo nidaamka wakhtiga ee loo yaqaan (Network Time Protocol).

Waxa kasoo wareegtey malaayiin sano tan iyo markii Eebe (swt) uu abuurey kawnka aynu ku nool nahay (dhulka iyo samawaadka) ilaa Aaden iyo Xaawa. Nolosha iyo adduunyada marka la isku darona waxa macnaha u sameeyaa waa wakhtiga, wakhtiguna waa galab carow, waayo umada Nabi Muxamed (NNKHA) cimrigoodu waa gaaban yahay, isku celcelis waa 63 sano, walow ay jiraan da’ intaas ka badan sida 70 jir, 80 jir, 90 jir iyo kuwo 100 gaadha ama kor u dhaafaba, iyo kuwo 60 ka ka hoos maraba, se guud ahaan cimriga loo badan yahay waa kaas. Xogta laga hayo Soomalida intaas wayba kasii yar tahay, waxa lagu qiyaasaa in isku celcelis da’ ay gaadhaan labku ay tahay 51.8 sano, halka dhidiguna ay gaadhaan 56.2 sano inta ayna dhiman ka hor. Tirakoob sax ah waxa ugu danbeysey Soomaaliya sanadii 1975.

Waxa ay u muuqataa inaysan jirin waqti ku filan maalintii. Laakiin, maadaama aan dhammaanteen helno saacado isku mid ah (waa 24 saacadood) qoraalka Rabi waa halkiisa, maxay tahay sababta dadka qaar ay ugu guuleystaan wax badan waqtigooda marka loo eego kuwa kale? Jawaabta waxay ku jirtaa maaraynta waqtiga wanaagsan. Bal u fiirso, dad ka inta badan horumarka gaadhey, waxa ay maareeyaan waqtigooda si aan caadi aheyn.

Maalintu waxa ay ka kooban tahay 24 saacadood, todobaadkiina waxa uu ka kooban yahay 168 saacadood, bishiina waxa ay ka kooban tahay 672, 720, ama 744 saacadood sida ay u kala horeeyaan marba bisha aad ku jirto, halka sanadkii uu ka kooban yahay 6,364.8 saacadood. Haddii wakhtigaaga aad si fiican u maamusho, waxa aad ka midho dhalin kartaa nolosha jaran jarooyinkeeda kala duduwan, waxa aanad si fudud ku gaadhi kartaa himilooyinka iyo ahdaafta aad leedahay kuwa ugu waaweyn.

Bal hada aynu ku bilowno maareyna wakhtiga maalintii, tusaale ahaan, habeenkii hadaad seexato 8 saacadood, 24 kii saacadood waxa kuu soo hadhaya 16 saacadood, haddii shaqo aad haysato oo aad shaqeyso ugu yaraan 6 saacadood maalintii, waxa kuu soo hadhaya 10 saacadood, haddii aad dugsi ama jaamcad wax ka barato oo aad 4 saacadood maalintii aado, waxa kuu soo hadhay 6 saacadood, haddii wakhtiga cibaadada iyo salaadaha aad maalintii u isticmaasho 2 saacadood, waxa kuu soo hadhaya 4 saacadood, bal kawaran wakhtiga cuntada hadaad u qoondeyso 2 saacadood, 2 da soo hadheyna wakhtiga qoyska aad la joogto, caawinayso iyo asxaabta wixii wakhti kaa go’a. waxa intaas kuu sii dheer maalinta khamiista galinka danbe iyo maalinta jimcaha oo inta hadan fasax lagu jiro. Isku celcelis halkaasna waxaa kaaga soo hadhaya 10 saacadood oo dheeraad ah.

No Hawl Wakhti
1 Hurdo habenkii 8 saacadood
2 Shaqo maalmeed 6 saacadood
3 Wax barashsho 4 saacadood
4 Cibaado sida salaadaha 2 saacadood
5 Cunto 2 saacadood
6 Qoys/asxaab 2 saacadood
  Isku gayn 24 saacadood

 

Tusaalaha labaadi wuxuu ina tusaayaa maareynta wakhtiga todobaadkii, haddii uu todobaadkii ka kooban yahay 168 saacadood, marka aad seexato 8 saacadood habeenkii, todobo maalmood wuxuu noqonayaa 56 sacaadood, waxa ii soo hadhey 112 saacadood, marka aan shaqo aado 6 saacadood maalintii, waa 33 saacadood marka laga reebo 3 saacadood oo khamiista galinkeeda danbe iyo 6 saacadood oo maalinta jimcaha ah, baaqiga kuu soo hadhey waa 79. Wax barasho hadaad aado waa 23 saacadood isku celcelis todobaadkii, waxa kuusoo hadhey 56 saacadood, cibaadada, cuntada iyo wakhtiga qoyska marka la isku daro waa 6 saacadood maalintii, todobaadkiina waa 42 saacadood. Waxa kuu soo hadhey 14 saacadood oo dheeraad ah oo aad waliba wakhti haysato.

No Hawl Sabti Axad Isniin Talaada Arbaca Khamiis Jimce Isku gayn
1 Hurdo habenkii 8 8 8 8 8 8 8 56
2 Shaqo maalmeed 6 6 6 6 6 3 0 33
3 Wax barashsho 4 4 4 4 4 3 0 23
4 Cibaado sida salaadaha 2 2 2 2 2 2 4 16
5 Cunto 2 2 2 2 2 2 2 14
6 Qoys/asxaab 2 2 2 2 2 2 2 14
Isku gayn 24 24 24 24 24 20 14 156

Adeegsiga ugu waxtarka badan ee waqtiga waxay kuxirantahay go’aankaaga sida aad u maareyso wakhtigaaga, haddii kale wakhtigu isaga ayaa ku maareeyn doona. Maah maah carabiya oo aad wada taqaanaan yaa tidhaa “wakhtigu waa seef, hadaad goyn waydo, isaga ayaa ku goyn”

Akhriste, adigoo adeegsanaya xeeladaha iyo hababka kala dudwan ee maareynta wakhtiga, iswayedii kana jawaab saddexdan su’aalood ee soo socda; –

  1. Xaguu wakhtigaygu u socdaa?
  2. Xagee ayay ahayd in uu u socdo?
  • Side ayaan u isticmaali karaa wakhtigeyga si wanaagsan?

Su’aalahan jawaabtoodu waxa ay kugu hogaaminayaan dariiqa saxda ah ee qiimaynta iyo maareynta waklhtigaaga.

Shaxda soo socataa waa mid kuu fududeyneysa wakhtigaaga maalin kasta, kuuna ururinaysa wixii aad maalintaas qaban lahayd saacad kasta. Shaxdu waxa ay ka bilaabmeysaa saacadu marka ay tahay 5:00 am subaxnimo waxa ayna ku eeg tahay 22:00 pm habeenimo, waxa aan u malaynayaa in 5:00 am la wado kaco salaada subax, wixii intaas ka danbeeyana loo diyaar garoobe sidii loo shaqo tagi lahaa, nolol maalmeedkana loo soo ridan lahaa, inta ardeyda ahina ay dugsiyadooda iyo jaamacadahooda u aadi lahaayeen. Inta kasoo hadhey, hadii aaney wax camal ah hayn, ugu yaraan ha ku dadaalan in ay wakhtiga ka faaideystaan, maxaa yeelay saacad kastaa waxa ay ka kooban tahay 3600 oo ilbiriqsi, maalintiina waa 86.400 oo ilbirisqi, ilbiriqsigii ku dhaafaa waa qayb noloshaada ka mid ah oo tagtey. Waxa aan qiyaasayaa in sariirta la aado saacadu marka ay tahay 22:00 pm habeenimo, waa wakhtiga ugu wanaagsan ee qofka wax soosaarka jidhkiisu ugu wanaagsan yahay.

Saacad Sabti Axad Ismiim Talaada Arbaca Khamiis Jimce
5:00 am              
ilaa              
22:00 pm              

Qiimaha wakhtigu uu leeyahay hadaad rabto in aad ogaato akhri dhowrkan sadar ee soo socda; –

  • Hadaad rabto in aad ogaato qiimaha sanad, kaliya weydii arday ku dhacay maado.
  • Haddii aad rabto in aad ogaato qiimaha hal bil, weydii hooyo ku umushay ilmo dhicis ah.
  • Haddii aad rabto in aad ogaato qiimaha saacad, weydii kuwa isjecel oo sugaya in ay kulmaan.
  • Haddii aad rabto in aad ogaato qiimaha hal daqiiqo, weydii qofka bas hadda seegay ama ka tagey
  • Haddii aad rabto in aad ogaato qiimaha hal ilbidhiqsi, weydii qofka ka shil gaari ka badbaadey.
  • Oo haddii aad rabto in aad ogaato qiimaha boqolka ilbiriqsi, weydii orod yahan ku guuleystey biladaha ciyaaraha olonbikada.

Shaxda soo socotaa iyadna wa mid waxter u leh qofka haddii uu si fiican u isticmaalo, tani waa tusaale, laakiin waxa aad sameysan kartaa mid kale, kafiican amaba adiga kugu haboon, tani sawir guud uun bay bixinaysaa si dadka aan ku baraarugsaneyn u fahmaan.

  Shaxda isticmaalka Wakhtiga

Hawl Imisa saacadood ayaad samaysey Imisa ayay ahayd in aad samayso Imisa ayaad sameyn doontaa
Hurdo      
Xiisad      
Cunto      
Isdiyaarin      
Shaqo      
Cibaado/salaad      
Sheeko iyo shaah      
Jimicsi (orod, lug iwm)      
Safar      
Telephone ku hadal      
Internet (Email, Baraha bulshada)      
Ku dar wixii dhiman      

 

Shaxdu waxa ay ka kooban tahay hawl-maalmeedka aynu maalin kasta qabano, sida hurdada, cuntada, shaqada, iyo waxbarshada, macluumadka kale ee ku jiraa waxa ka mid ah, tusaale ahaan, imisa sacadood ayaad xaley seexatey? imisa ayaad ugu talo gashey in aad seexato? Iyo imisa saacadood baad seexan doontaa?

Isku celcelis hurdo imasa saacadood baad u baahan tahay?

# Da Baahi hurdo
1 Ilmo dhashey (0-2 bilod) 12-18 saacadood
2 Dhalaan (3-11 bilood) 14-15 saacadood
3 Socod barad (1-3 sano) 12-14 saacadood
4 Da’da xanaanada (3-5 sano) 11-13 sacadood
5 Caruur (5-10 sano) 10-11 sacadood
6 Da’ yarta (10-17 sano) 8-12 saacadood
7 Da’da dhexe (20-50 sano) 8-10 saacadood

 

Hurdada inta la seexdaa way kala duduwan tahay, dadka qaar horey ayay u gam’aan, qaar na horey uma gam’aan, qaar baa hore u seexda, qaar wakhti danbe. Sida ay dadku u kala duwan yihiin, ayay hurdadooduna u kala duduwan tahay, waxa ugu muhiimsani waa sida adiga kugu haboon ee aad u seexato ee caafimaad kaagu kujiro. fiisikis tihii caan ka ahaa ee lo odhan jirey Albert Einstein wuxuu seexan jirey 10 saacadood habeenkii, haddii wax ka yar uu seexdo, shaqada maalintaas uu qabanayo way ku adkaan jirtey, maxaa yeelay, maskaxdiisu waxa ay baahnaan jirtey nasiino badan. Dhanka kale Bil Clinton madaxweynihii hore ee mareykanka, wuxuu seexan jirey 6 saacadood habeenkii, 6 daas saacadood way ku filneyd shaqada xafiiska maalinta xigta, ka yar hadduu seexdo, waxa ku adkaan jirtey in uu si fiican u guto shaqo maalmeedkiisa. Seexo inta sixadaada ah, seexo hurdo kugu filan, si aad himilooyinkaaga uga midho dhaliso.

Dhawaan ayay saynis yahanadu ogaadeen ama fahmeen shaqada faraha badan ee maskaxdeenu ay qabato marka aynu hurudno, waxaana aynu ognahay in hurdadu ay door lixaad leh ka ciyaarto isku gaynta iyo keydinta dhacdooyin ka maalmihii tagey, arintani waxa ay muhiim u tahay ilaalinta xasuusta. Maskaxdu waxa ay u baahan tahay nasiino iyo wakhti ay ku keydiso macluumaadka faraha badan iyo dhacdooyinka nolosha ee aad la kulmayso, waxa laga yaaba in maalintii ugu yaraan aad aragto malaayiin walxo, ama fikrado kusoo dhacaan maskaxdaada. Maskaxdu in ay macluumaadkaas isku darto waxa ay u baahan tahaya wakhti, inta badana hawshaas waxa ay qabataa marka aynu seexano. Haddii aanu qofku seexan hurdo ku filan, waxa laga yaabaa in macluumaad ka maalmihii tagey aanu wax badan ka xasuusan. Tusaale ahaan, waxa laba usbuuc ka hor aad wada qadeyseen ardeydii aad dugsiga sare aad isku fasalka ahaydeen, oo mudo hore iskugu kiin danbeysay, waxa aad ka wada qadeyseen Hotel Maansoor oo ku yaal xeebta Berbera, waxa aad ku qadeyseen kaluun la dubey iyo khudrad (roosted fish & vegetables) haddii xasuustaadu ay caadi tahay ama si wanaagsan u shaqeynayso, maanta waxa laga yaabaa in su’aalaha soo socda midkood ama qaarkood aad xasuusato waayo-aragnimadaada; –

  1. Waligey ma cuney kaluun la dubay iyo khudaar?
  2. Wali ma la xiriirtaa ardeydii aad isku fasalka ahaydeen?
  3. Ma dabeyl xagaa baa ka jirta xeebta bada Berbera?
  4. Goorma ayay ahayd markii kuugu danbeysay ee aad aragtey Abaadir ama Mustafe oo aad isku fasal ahaydeen?

Wahsasho (dib u dhigasho hawl aad maanta qaban lahayd)

Wahsashdu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee kaa horjoogsanaya in aad kacdo, gaadho go’aano sax ah, iyo ku noolaanshaha riyooyinkaaga aad ku fikireyso.

Daraasadihii ugu dambeeyay ee la sameeyay ee ku sahab sanaa maareynta wakhtigu, waxay muujiyeen in dadku ka qoomameeyaan waxyaabo badan oo aysan qabanin ama ka wahsadeen marka loo fiiriyo wixii hawl ah ee ay qabteen/suubiyeen. Intaas waxaa sii dheer, waxa mudo dheer ay ku jiraan dadkaasi ama la nool yihiin dareenka qoomamaynta iyo dembiga ee ka dhasha fursadaha ay lumiyeen.

Mararka qaarkood waxa ay u muuqataa in fursadaheenu ay gacanteena ku jiraan sida uu sheegey filosofigii waynee ee reer Masar (in guushaadu ay ku jirto gacantaada), laakiin uma muuqan karno inaan gaarno, sabobta oo ah, marka aad hawl kuu taal aad dib dhigto ama ka wahsato, waxa aad lumisey wakhti aad ku maalgalin kari lahayd wax macno leh. Haddii aad ka adkaato cadowga daran “wahsashada” waxaad awood u yeelan doontaa in aad waxbadan qabsan karto oo aad sida ugu fiican ee waxter leh uga faro qabsato ka faa iideysiga noloshu ay leedahay. Way faro badan yihiin waxyaabaha keena wahsashada ama in aynu dib u dhigano hawl aynu imikaba qaban lahayn, qaar ka mid ah kuwaas waxa ka mid ah; –

  • Iska indho tirka Qiimaha Waqtiga

Waqtiga aan joogno adduunku waa gaaban yahay, cimirgeenuna wuu kooban yahay. Marka la eego xaqiiqoyinka in aynu mar uun ka dheelman doono adduunka, wakhtiga ayaa ah badeecada ugu qiimaha badan ee aad haysato. Lacag maaha aad amaahanayso wakhtigu, ama aad keyd san karto. Ilbiriqsi kasta oo aad lumiso waa mid aan dib kuugu soo noqoneyn. Nasiib daro se, sidaas ay atahay, dad badan oo inaga mid ah ama inta badan dhamaanteen waxa aynu dayacnaa qiimaha wakhtiga

 

  • Isxakameyn la’aan

Waxa aad qiyaasi kartaa is-xakamaynta daqiiqad markii aad naftaada siiso amarro, laakiin waxa aad dhibaato kala kulmeysaa in aad dhaqan galiso, waxa laga yaabaa in laylis kuu yaal guriga oo ay ahayd in aad diyaariso si bari aad sharaxaad uga bixiso marka aad shaqada aado, balse wali aad suuqa joogto oo aad asxaabta la caweynayso.

  • Cabsida guuldarada

Wahsiga kuwa ugu qariban waa cabsida guuldarada. Haddii qofku uu ka cabsi qabo cawaaqibka ka dhalan doona hawl ay ahayd hada in uu qabto, waxa laga yaaba in uu ku dhiiran waayo bilaabisteeda. Sabobta oo ah, tani waa damanad qaad in aaden ku guuldareysan haddii hawshiiba aadan bilaabin, inkastoo doodu ay dhanka kale noqon doonto in haddii aadan iskuba dayin amaba se aadan taloobo qaadin in ay tahay bilowga guul darada, taas oo ah qodob muhiim ay tahay in la tix galiyo. Waxa laga yaabaa in ay tani yididiilo ku galiso oo ad u qaadato iney ka dib dhigeyso guul darada, balse iyada ayaaba bar bilow u ah guul darada. Dadku badi imtixaan ka baabuur wadista way ku fashilmaan tiro door ahba wadama Yurubta, iska dhaadhicin koleyba waad dhici imtixaankii halkii taa badelkeed isku day iyo dadaal lagu kaabi lahaa. Waxa lagaga hortagi karaa, fahamka iyo aqbalaada guul darada. Khaladaadka badankood waa la sixi karaa, ku celcelinta, barashada galdaloolada, iyo isticmaalka xeeladaha kala duwan ee maareynta wakhtiga ayaa ah mid muhiim ah.

  • Iscajabin xad dhaaf ah

Sababta kale ee ugu badan ee keenta in qofku hawl dib u dhigto waxa ka mid ah is cajabinta xad dhaafka ah. Haddii aad tahay qof isagu garaado isa siiya, sifada noocan ah, waa laga yaabaa in qofku xirfad iyo aqoon leeyahay, laakin ay afduubayso isqadarintiisa xad-dhaafka ah, ama kalsoonida xad dhaafka ah (waar waxan yar bariba waad kala tuuri, wax weyn maaha).

Tani waxa ay dhibaato kugu keeni kartaa waliba marka aad wax cusub oo ka duwan waxyaabihii aad hore u taqaaney bilowdo ama isku deydo. Sababta oo ah, waa wax wanaagsan in qofku uu u riyaaqo shaqada uu qabto, isla markaana uu sameeyo sida ugu wanaagsan. Laakiin marka humaaga maskaxdaadu ee waxa aad rabto in aad dhameystirto uu ka yar yahay wixii aad dhab ahaan u qaban karto (marka howsha la bilaabo), halkaas weyi halka ay caqabadu ka iman doontaa.

  • Tamarta jidhka oo hooseysa

Sababaha kale ee wahsiga ee had iyo jeer soo noqnoqda waxa ka mid, qofka oo tamarta jidhkiisa ku jirtaa ay ka yar tahay sida caadiga ah, hadey taasi jirto, markaa waxa ay sabab u noqon kartaa in aadan wax badan sameyn ama aad dib u dhigato hawl kasta. Isku day in aad cunto cunto isku dheli tiran oo ay ku dhan yihiin dhamaan nafaqada jidhka binu-aadamku u baahan yahay, isla markaana seexo hurdo kugu filan.

  • Ahmiyad la’aan, Aan diirada/xooga saareyn

Tanina wa sabab kale oo dadka wahsadaa ay caan ku yihiin. In kasta oo dadka qaarkiis jecelyihiin inay sheegaan murtida la yidhaa in “qofka aan aqoon halka uu tagayo, wuxuu had iyo jeer galaa geedi dheer”. Tani waxa ay la macno tahay, adigoo bas raacey se aan garaneyn dhan aad u socoto, jiho aad u socoto isla markaana dhex wareegaya magaalada oo marba baskii uu kugu soo celinayo halkii aad mar hore ka raacdey. Tan waxa ka dhasha in uu wakhti badan kaaga lumo, tabar badana ay kaaga baxdo, ugu danbeynta aad ka niyad jabto geeidga aad u socotey.

Qaaciidada Piers Steel waxa ay u qorantaa sidan hooseUgu denbayntii, marka ay kugu adkaato inaad xooga saarto oo aad dhameystirto hawl aad gacanta ku hayso, waxaa jira qaaciddo xisaabeed cabireysa arrimo gaar ah isla markaana isbarbardhig ku sameyneysaa midba midka kale. Qoraa iyo borofisar ku takhasusay dhaqaalaha, Piers steel, PhD., ayaa qaaciddadan ugu yeeray “qaaciidada Wahsiga”Buug uu ka qoray mawduucan, isagoo si qoto dheer uga hadley waxyaabaha keena in aad hawlaha qaar si degdega u qabato, kuwano aad dib ugu dhigato.

Dhiiri galin =  Rajo x Qiimaha

Xamaasad x dib u dhigid   

Dusha sare ee isleegta qaacidadan waa Rajo iyo qiime, qaybta hoosena waa xamaasad iyo dib u dhac. Haddii aadan xisaabta ku wanagsaneyn, waxa ay qaaciidadu sheegaysaa waxa weeyi; inta ay sareyso rajada aad filayso iyo qiimaha ay ku fadhiso hawli, xamaasada iyo wakhtiga hawshu ay ku dhamaanaysaana ay gaaban tahay, waa inta ay dhiirigalintaadu sareyn doona iyo taa caksigeed. Dhan kale hadaan ka fiirino, caadi ahaan, waxaan si joogto ah u qaadanaa go’aanno, tusaale ahaan waxa laga yaaba adiga oo guriga joogo oo doonaya in aad diyaariso maado ka mid ah kuwa jaamacada, in aad hadana ku fekirto in aad aado maansoor hotel si asxaabta aad ula soo caweyso. Amaba in aad ka fikireyso in aad kubad soo ciyaarto iyo in aad tv ga daawato.  Waxey u badan tahay in aynu had iyo jeer doorano ficilka markaas xiisihiisu aad u sareeyo. Sidaas si kasoo horjeeda, waxa aan dib u dhignaa howlaha, maxaa yeelay ma ahan kuwo xiisaheedu aad u sarreeya.

Sharaxaada Qaaciidada

# 1: Rajo

Ma fileysaa inaad guuleysato? Kalsooni ma ku qabtaa awoodaada aad ku gaari karto natiijo weyn waxkasta oo aad rabto inaad sameyso? Haddii rajooyinkaagu sarreeyaan, markaa waxaad noqon doontaa qof dhiirrigelin badan isla markaana waxaad wahsigiisu yaryahay. Wa arin dabiici ah, in marka aad ku dhiiren tahay in aad wax ka midho dhaliso taas oo ku siinaysa fursad wanaagsan oo aad ku hesho natiijo wanaagsan. Rajo waxa ay u taagan tahay waxa aad ka filayso in ay kasoo bixi doonaan wax. Waxa loola jeedo ficil ahaan waa fursadda in hawl gaar ah ay ka soo baxdo natiijooyin wanaagsan.

Tusaale hadaan usoo qadano maalgashiga, kaba soo qaad bal in aad haysato shan kun oo dollar ($ 5000) si aad u maalgashato, aynu sheegno in aad ku darsatey saami cayiman suuqa lacagaha, waxa aanad u malayneysaa in aad ku faa’idi doonto, oo waxa aad rajeynaysaa in macaashku uu noqon doono 10% (boqolkiiba toban). Dhanka kale, waxa aad ku maal gashan kartaa oo saami ku yeelan kartaa shirkada telesom qaybta korontada. Telesom wexeedu waa hubaal oo waad ku kalsoon tahay in mudada marka ay gaadho aad helayso faa’ido dhan boqlokiiba shan (5%). In alla inta rajada ku xidhan suuqa lacagahu ay sareyso, waa inta ugu badan ee aad suuqa lacagaha aad maalgalin doonto. Docda kale, marka suuqa lacaguhu uu baaxaa degayo, isla markaana ay suurto gal tahay in suuqa qiime dhac ku yimaad, markaa waxa aad maalgashan Telesom.

Hadda, ka waran bal haddii suuqyada lacaguhu ay isku dhex yaacsan yihiin, Telesom na ayna wax rajo ah lahayn, waxa laga yaabaa in aadan lacagtaas maalgelin sabobta oo ah waxa ay u badan tahay in haddii aad maalgaliso aad ku khasaareyso. Markaa waxa ugu fiican ee aad sameyn kartaa waa in aad lacagta barkimada hoos gashadao si ayna kaaga khasaarin.

Tusaale kale hadeynu isku dayno, bal kaba soo qaad in lagaa rabo laylis jaamacada ama dugsiga sare ah oo fudud in aad qorto ilaa 800 oo eray oo aad kaga hadleyso warbaahinta iyo saameynta ay bulshada ku leedahay. Laylisku kaagama baahna wax daraasad iyo odorosid ah. Natiijada aad ka filayso waa mid aad u sareysa, midka aad ku dhaceysaana waa 0. Waxay u badan tahay inaad jeclaan laheyd inaad bilowdo hawshan, maxaa yeelay, sida kuu muuqata, waa hawl fudud oo natiijo fiican leh.

Sidaa si kasoo horjeeda bal markana aan eegno, waxa lagaa rabaa in aad qorto buugii takhasuska qalinjabinta jaamacada. Markan waa in aad daraasad iyo odorosid qoto dheer aad sameysaa. Waxa laga rabaa 5000 oo eray, runtiina waa in aad gasho shaqo culus si aad u hesho natiijo wanaagsan, manaha ah wax sahlan sida lagu helo, dhib iyo rafaad ayaa loo maraa. Fursadaha aad ku guuleysan kartaa waa mid kooban. Sidaas darteed, waxa ay u badan tahay in aadan ku degdegin, sabobtoo ah, haddii ay fududaan lahayd, qof kastaa wuu samayn lahaa.

 # 2: Qiimaha

Qaybta labaad ee yaraynaysa khatarta wahsiga ama in aad wax dib u dhigato waa qiimaha ay wax ku kacayaan hadduu sareeyo. Marka aad ka hadlaysid qiimaha, waxa ugu horreeya ee aad ka fikiri karto waa inta ay wax ku kacayaan. Aad ma u daneyneysaa hawl gaar ah? Ma qiimeysaa, in alla inta natiijada abaal marintu badan tahay, rajada aad ka qabto shay in aad ku guuleysan doontana ay badan tahay, waa in alla inta xiisahaagu/dhiiranaantaadu aad u sareyn doono.

# 3: Xamaasad

Qodobka kale ee xigaa waa xamaasada (qofka abaalmarinta degdega ahi ay afduubto) qodobkani waa ka dhiirigalinta carqaladeeya. Halkan waxa muhiim ah awooda iyo kartida aynu kaga fekirayno cawaaqibka ficiladeena in aynu hawl dib u dhigan doono iyo in kale. Tusaale ahaan, qof ayaa raba in uu ku siiyo shan kun ($ 5000) oo dollar, laakiin hadana waxa uu ku yidhi, lacagtaas libin laabkeed baan ku siin oo u dhiganta toban kun oo dollar ($ 10,000) sanad gudihii haddii aadan ogalaan shanta kun hada. Hadaba hada aynu laba dhinac ka eegno.

Mida hore, kaliya waxa aad haysataa shan ilbidhiqsi in aad kaga fekirto. Ta danbe, waxa aad haysaa saacad badhkeed. Daraasada ayaa muujineysa in dadku inta badan doortaan balanqaadka abaalmarintiisu degdega tahay, waa ta hore ee, haddii wakhtiga aynu kaga fekiraynaa uu kooban yahay, dhanka kale waxa ay u badan tahay in aynu dib u dhigan doono haddii aynu helno wakhti dheraad ah. Marka la soo koobo, dadka xamaasadeysan inta badan waxa ay gaadhaan go’aan degdega iyaka oo aan tix galin cawaaqibka ka danbeeya, waxa ayna jecel yihiin abaalmarinta deg dega.

# 4: Dib u dhigid

Ugu dambeyntiina, waxaan heysanaa waxa loo yaqaan ‘dib u dhac ama dib u dhigid’. Tani waxay si fudud uga dhigan tahay waqtiga ay tahay inaad dhammaystirto hawl. Waxay muujineysaa muddada ay tahay inaad sugto si aad u hesho abaalmarin, faa’iidooyinka iyo dheefta aad rajeynayso. Marka aad in badan wax sugto, waxa hoos u dhacaya xiisaha iyo dhiiranaanta, waana inta ugu badan ee aad wax dib u dhigato.

Xitaa marka aad hawl dib u dhigato, waxaaba laga yaabaa in hawsha aadan mudo dheer dib u dhigan, laakin ay u badan tahay in aad dib u dhigato mudo gaaban. Tusaale ahaan waxa laga yaaba in toban cisho kaaga dhiman tahay imtixaankii, dabadeedna aad naftaada ku tidhaa, sahan danbe ayaan diyaarin imtixaanka, ta ku xigta ayaan diyaarin, halkii aad maantaba ka bilaabi lahayd imtixaan diyaarita.

Haddii aad rabto in aanad wax badan dib u dhigan, waxa aad u baahan tahay in aad kordhiso rajada aad wax ka qabto, kordhiso qiimaha ay hawli kugu fadhido, isla markaana hoos u dhigto xamaasadaada iyo dib u dhaca.

Ma jiraa daawo lagu xakameyn karo wahsiga/dib-u-dhigga iyo caajisnimada? Sida ugu wanaagsan ee loo daaweyn karo waa in la kobciyo iimaanka saxda ah ee salafi al-salixa sida ay qabaan culimada islaamku amaba diintu ina fareyso. Kahor Islaamka, dadku waxa ay ahaayeen kuwo aan lahayn dareen horumar iyo waxqabad, laakiin markii ay soo gaadhey farriinta awoodda badneyd ee qawlka alle (qur’aanka), waxay noqdeen kuwo firfircoon oo gebi ahaanba isbeddelay; waxa ayna ka mid noqdeen kuwa guuleysta oo waxqabad badan. Mawle waxa uu kitaabkiisa ku yidhi “Qofka geeriyeysnaa ee aanu nooleyney iftiina aanu siiney iyo nuur uu dadka dhexdiisa ku soconayo, mid miyuu la mid yahay tusaalihiisu uu ka dhigan yahay mid gudcur ku dhex jira oo aan ka baxeynin, sidaasaa gaalada loogu qurxiyay camal waxa ay sameynayeen 6:122. Nolasha macnaheedu maaha in xoolo, cunto iyo caafimaad badan la helo, waayo Nabigu (NNKHA) waxa uu yiri ilaahay jidhkiina iyo xoolihiina toona eegi maayo, qalbigiina iyo camalkiina ayuu eegayaa.

 

W/Q: Maxamed Sh. F. Cilmi

Email: mfesultan@gmail.com

Mobile: +31685380227

 

NB: Waa cutub ka mid ah dhigahana JIDKA FARXADA oo aad ka heli karto amazon.com isaga oo E-book ah. Daabacada buugu waxa aan rajeynayaa in ay soo gaadho Somaliland/Soomaaliya iyo dhamaan Soomaaliba dhawaan hadduu alle idmo. Waxa aan jecleystey in aan akhristaaya la wadaago cutub ka mid ah buuga oo ay akhristaan, maadaama oo aynu ku jirno xili adag oo guryaha la joogo caabuqa cronovirus dartii. Sida aad la wada socotaan, waxa istaagey gabi ahaanba isku imaanshihii, isku socodkii iyo dhamaan isdhex galkii bulshada caalamka meel kasta oo ay joogaan. Waxa la xidhey oo xayiraado lagu soo rogey goobihii la iskugu imanayay, goobihii wax barashada iyo jaamacadaha. Waxa maanta maqal iyo muuqaal ku baxaya duruusta jaamacadaha adduunka waliba badidoodu iyaka oo bilaasha ah, waa fursad akhriste aad kaga faa’ideysan karto mudada aad firaaqada haysato , akhriskaagana aad ku kordhin karto waxyaabaha marba ku anfacaya.

Hordhaca buuga ka akhri lingaxa hoose, haddii aad appka lagu akhriyayo buugan aad soo dajisato waxa kale oo aad akhrin kartaa cutub kale oo bilaasha ah. https://www.amazon.com/JIDKA-FARXADA-JOOGTEYNTA-FARXAD-WAARTA-ebook/dp/B08597RXMF/ref=sr_1_1?keywords=Jidka+Farxada&qid=1585391682&sr=8-1