Dhallinta eeri dhabadka ah (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Eeri dhabanka geeluba

Goortuu ilmaha tebo

Halkii loogu oodiyo

Isagoon Rugtii iman

Afka baad ma gelin karo

Ololkana ma daayee

………………………………

Iska dhaashan maysee iyadoon calaf ba dheeraynin

Madawgaa lagugu dhaafay baa hablii dhamac u qooshteen

Dhulka kama baxdee kimikadan dhoofka lagu keenay

Raganaa la dheeliyey xilkay dhabarka saareen

Ee dhiidhiibso waayeel guntigu waa ka dhacaye

Dhafooradan la xiiray iyo timahan dhoorka lagu reebay

Sidii nirig dhukaan qaba garbahan dhan isu raacaaya

Ceebtan caamka u dhacday een cidiba dhaadaynin

………………………………………………………………………………

Sheekadan cinwaankeedu yahay dhibanaha eedaysan iyo dhalad aan dhulkiisii joogin waxaan ku xusayaa aafada sida fool xumada ah dhalinyaradeena u aafaysay ee aan mar naba lays waydiin wixii keenay.

Dal kasta oo aduunyada ku yaalaa wuxuu ku xisaabtamaa inta dhalinyaro ah ee sanadkasta u soo kacday, u soo baxday iyo inta wax u baratay wuxuuna diyaariyaa hiraalkii iyo himilada loo dejinaayo taasina waxaa diyaariya oo soo saara qaranka hogaankiisa iyo u adeegayaasha ummadaas, hadaba waxaa jira in wadankeenan Somaliland dhalintiisa wax barata iyo tan u soo kacaysaaba ay ka haajiraan Somaliland iyagoo u baqoolaaya wadan kale oo aanay jirin weliba yool shaqsi oo u sii yaala bartuu u kicitimay, sidoo kale ma jirto cid kaga horaysa iyo ceel uga sii qodan midkoodna, wuxuuna/waxayna si cad u dafiray/dafirtay dalkeedii ama dalkiisii ee hooyo maalintii uu ugu baahida badnaa ee uu xoogiisa iyo garaadkiisa wax ugu qaban lahaa; hadaba

  1. waa maxay sababtu?
  2. Waa kuma eedaysanaha dhalinta haajirinayaa?
  3. Kumaa gabay waajibaadkii saarnaa?
  4. Waa kuma dhibanaha hadana eedaysan?
  5. Waa se kuma dhintaha aan loo garaabayni?

Hadaba si aan uga jawaabo waydiimahan kor ku xusan waxaan ka eegayaa dhinacyo kala duwan waana sidan hoos ku suntan:

  • WAA MAXAY SABABTU?

Sababta keenaysa qulqulka dhalinta ee kaga sadcaalayaan dalkoodii hooyo una baqoolanayaan dhul aan laga rabin oo weliba sharaf iyo xushmad midkoodna u hay nee uu ka noqon doono mid xun oo daciif ah qaadanaayona magacyadan xun xun ee hoos ku xusan

  1. Qaxooti
  2. Naafo
  3. Garaad yare
  4. Gun iyo geyi laawe

 

Waxay ka imanaysaa dhinacyadan kala duwan ee kala ah

  1. Dhalinyarada oo aan wax aqoon ah u lahayn haba yaraatee dhulkooda hooyo, iyagoon ku qaadan waxbarashada oo taasi bedelkeeda barta oo qaata taariikhda iyo juquraafiga wadamada ay u sadcaalayaan sidaasi awgeed dhalintu waa (DHALAD AAN DHULKIISII JOOGIN)
  2. Qiima ridka qolqol jooga iyo qiima dhaafinta qurba jooga ee ah nidaamka dawliga ee wadankeena inta badan ka dhaca, qodobkan markaynu sharaxaad ka bixino; dhalinyarada oo dhami waxay raadinayaan inay ka baxaan qiima ridka oo ay maalmaha danbe qiime u yeeshaan qurba joog ka dib.
  • Manhajkeena oo ah mid ka turjumaaya ama ka war bixinaaya dhibaato waddamo kale ka jirta, balse aan marnaba hoos u dhugan dhibta ku gedaaman dalkeena iyadoo wasaarada waxbarashadu ay tahay halka dalka laga hago ee abuurta hogaanka, hiyiga iyo yoolka ummadeed. Tilmaanta qodobkani waa arinta ugu wayn ee aafadan ama dhibtan ina haysata keentay iyadoo guud ahaanba ay luntay in aynu inagu aqoonsano waxaynu nahay.
  1. Waalidka ubadka dhalay oo si weyn u gabay doorkii ay ku lahaayeen toosinta, tilmaanta iyo tarbiyada ubadka, iyadoo qof kastaa uu ku daydo raacona jidka waalidku u jeexay ama uu ku tababaro. Sidoo kale waalidka oo ilmahooda jeexa badda aan tol iyo xigaalka lahayn la daba taagan lacag aanay ugu ogolayn inta uu iyaga la joogo.
  2. Baraha casriga ah ee maanta dunidu adeegsato si loogu wada xidhiidho oo ay ka mid yihiin FACEBOOK, INSTIGRAM IWM, kuwaasoo qolyaha qaxootiga ku ah qaarada yurub ama Ameerika ay soo dhigaan sawiro aan xaqiiqada ay ku nool yihiin ka sawir bixinayn balse ay ku jirto buunbuunin iyo ka badbadin xad dhaaf ah.
  3. Saamaynta war baahiyayaasha galbeedka laga leeyahay ee aan marnaba inoo muujinayn dhaliisha iyo ceebaha wadamadoodu leeyihiin balse ina tusa keliya inta ay iyagu ku fiican yihiin; geyigeena somaalna ka dhiga meel aan Aadame ku noolaan Karin si makasta iyo wax ma garatadeenu u nacaan dhulkooda una caashaqaan galbeedka.
  • Burburka damiirka dadweynaha laysku yiraahdo Somali oo isaguna la burburay xukuumadii afweyne ee rogmatay, iyadoo aynu beelay ciddii wax ina tusi lahayd.
  • WAA KUMA EEDAYSANAHA DHALINTA HAAJIRIYAA?

Dhalintani iskood uma socdaalaan balse waxa jira cid dabada ka wada! Hadaba hadaynu is waydiino waa kuma damiir laawaha eedaas galay ee weliba aan marnaba loo tirinini, jawaab hufan hadaan ka bixiyo waa:

  1. Hogaamiyaha Qaranka: hogaamiyaha qaranku wuxuu eedan ku yeeshay oo uu denbiile ku yahay luminta masuuliyadii ka saarayd dhalintan iyo guud ahaan ba bulshada isagoo ku doorsaday inuu keliya ilaashado kursiga uu ku fadhiyo siduu u sii adkaysan lahaa oo keensaday u adeegayaashii bulshadan kuwo naafo ah balse qoysaska iyo qabiiladu macna weyn bidaan oo ka yimid tuulo galbeedka ku taal. Sidoo kale wuxuu haba yaraatee meesha ka saaray yoolkii bulshadu lahayd ee isaga laga filaayey, iyadoo aanay jirin in marnaba aynu madaxdeena ka maqalo, aragno iyagoo inoo sheegaya halkaynu ku socono iyo waxa hiigsiga umadeenu yahay! Balse ina tusa dhalanteed aynaan sinaba u fahmayn ileyn waynu jaha habownaye.
  2. Macalimiinta Qaranka: macalimiinta Qarankeena ee aan anigu ka midka ahay oo gabay doorkoodii iyo masuuliyadii saarnayd kana door biday xoogaa qush(lacag) ah oo ay ubadka ka qaadaan balse aan inaba qiimayn ku samayn xagaa ubadkan u wadaan, waa muwaadiniin ayo ah, muqararka aad dhigaysaan qof side u eeg ayuu soo saarayaa, manhajkan aad baraysaan ubadku ma soo saarayaa ilme ah kuna kalsoon dalkiisa Somaliland mise waaba mid ku sii wada Yurub iyo Ameerika.
  • Wasiirada Baasa-boorka qalaad sita: hadii masuulka xilka hayaa uu isaguba haysto dhalasho wadan kale iyadoo ubadkiisii iyo ooridiisiba ay jiraan wadankaas uu isagu ka yimid ma diir naxayaa dalkan uu xilka ka hayo dadkiisa iyo degaankiisaba. Hadii aynu runta wajahno soo maaha mid ka duulaaya maalinta qas iyo qalalaase ka dhacaan dalkan sida haaydaha ajnebiga ah ilaa waad ogtahay oo wuxuu u dhashay dhul kale maadaama uu haysto sharciyadii dhalasho ee halkuu ka yimid lahayd.
  1. Ku faanka foolxumada iyo ka faanka fagaaraheena: waxaad inta badan aragtaan mid aqoon sheeganaya oo u dhashay dalkan abtirsiinyo ahaan balse damiirkiisa iyo qofnimadiisu ay cid kale tahay oo leh anagu hadaan nahay reer yurub ama reer Ameerika waxan sharci darada ah ma naqaano ee waxaanu nahay dad leh nidaam hagaagsan. Meesha uu nidaam xumada ku sheegayaa waa halkuu ku abtirsanaayey halka uu ku faanayaana waa meesha uu naafada ka qoran yahay.