Sidii aynu hore usoo xusnay dhaqaale yahanada badankoodu waxay ku soo ururiyaan waxyaabaha keeni kara dib u dhac dhaqaale siddeed arimood. Kuwaas oo saddex kamid ah aynu hore usoo sheegnay. Inta hadhayna aynu usoo gudbin doono sida hadba ay inoogu suurto gasho, waxaana kamid ah; dawladnimadda oo guul daraysata (governance failures), caqabado dhaqan (culture barriers), sida bii’ada iyo dhaqaaluhu u saameeyaan siyaasada (geopolitics), hal-abbuurida fikir/shay cusub oo lawaayo (lack of innovation), isbedelka bulsho oo carqalad noqda (demographic trap).
- Dawladnimadda oo guul daraysata (Governance failures)
Horumarka dhaqaale wuxuu u baahanyahay dawlad ay ka go’antahay horumar. Dawladu waxay leedahay kaalmo badan oo ay ka ciyaari karto horumarka dhanwalba. Sidaa darted waa inay u qorshaysaa una maal gelisaa sida ay u kala mudan yihiin, sida mashaariicda ku saabsan kaabayaasha dhaqaale, waana inay ku dedaashaa kuwa taabanaya dhamaan baahiyaha bulshada.
Dawladdu waa inay abuurtaa oo fududaysaa jewi lagu maal gelinayo ganacsiga gaarka loo leeyahay. Dawladdu waa in ayna u ogolaan dhinaceeda iyo dhinacyada kaleba inay laaluush qaataan (bribes or side payment). Sidoo kale dawladdu waa inay sugtaa nabad gelyada iyo amniga qofka iyo hantidiisaba kana ilaalisaa cabsi gelin, waa inay sugtaa garsoorka iyo caddaalada qofka iyo hantidiisaba iyo xaqqa uu qofku u leeyahay inuu hanti yeesho (property rights).
Hadaba marka dawladdu ay ku guuldaraysato hawlahan hirgelintooda ee ay gaab bannaan uga tagto kaabayaashii dhaqaale (infrastructure) ama musuqmaasuqu (corruption) uu kor u kaco ilaa uu gaadho heer uu xanibo dhaqdhaqaaqii dhaqaale (economic activities), ama ay ku guul daraysato ilaalinta amnigii gudaha, waxa hubaal ah in dhaqaaluhu guul darraysanayo waliba si xun.
- Caqabado dhaqan (culture barriers)
Xataa marka ay dawladduhu isku dayaan inay horumariyaan dalkooda, dhaqanka ay dadkoodu leeyihiin ayaa ku noqda caqabad horumarka ay waddo. Carqaladaynta dhaqanku carqaladeeyo horumarka waxa kamid ah in dadka qaar laga hor istaago inay helaan adeega guud sida iskuulada, caafimaadka iyo xataa shaqooyinka qaar. Dadkan oo loo yaqaano dadka laga tirada badan yahay waxa lagu yassaa xirfadooda iyo shaqadooda taas oo mararka qaar ay dhacdo in dalalka qaar loo gaysto hantidooda boob lana jidh dilo ama qudhaba laga jaro. Sida waddamada afrikanka qaar kamid ah, tan oo sabab u noqota in inbadan oo dadkaa kamid ahi ay ka cararaan dhulkoodii una cararaan dhulkale.
- Sida Bii’adda iyo Dhaqaaluhu u Saameeyaan Siyaasada (Geopolitics)
Caqabadaha ganacsi ee ay samaysteen wadamada kala duwan ee aduunku waxay keentaa in dalalka faqiirka ahi kala kulmaan hoos u dhac ku yimada horumarkii dhaqaale (economic development). Carqaladahan ama caqabadahani inta badan waa kuwo ku dhisan siyaasad, sida marka dalalka awooda badani ay kusoo rogaan cuna-qabataynta dhaqaale (economic sanction) dalalka aanay jeclayn. Cuna-qabatayntaa ujeedadeedu waa in lagu rido ama lagu daciifiyo xukuumadaas, balse inta badan waxay ku keentaa faqri iyo baahi dadka (impoverish the population) kunool dalka la bartilmaameedsaday, xukuumaduna ma dhacdo. Waxa jira arimo badan oo kale oo ganacsigu uu kamid yahay oo saameeya dal horumarkiisa oo laga maamulo dalka dibadiisa taas oo ay sabab u tahay sida ay hadba isula jaanqaadaan bii’adda dhaqaalaha iyo siyaasadu gudo iyo debbadba. Haddii ay si wacan isula jaanqaadaan saddexdan arimood waxay keenaan horumar dhankasta ah, gaar ahaan horumar dhaqaale, haddii kalese waxay keenaan dib u dhac iyo dhaqaale burbur (economic collapse).
Lasoco qaybaha kale………..
Halkan hoose ka akhriso qormooyinkii hore:
Maxay dalalka qaar ugu guul daraysteen horumarka dhaqaale Q1aad
Maxay dalalka qaar ugu guul daraysteen horumarka dhaqaale Q2aad
Maxay dalalka qaar ugu guul daraysteen horumarka dhaqaale Q3aad
WQ: Khadar Daa’uud Cabdi
Tel: 063-4060400
E-mail: khadar.daud@gmail.com