Goor aanu ka soo baxnay taraawiixdii ayaa waxa isla kaaya jiidhay dhallinyar is baacsanaysa oo siidhiga, tooshka iyo dhagaxa duulaaya aad yaabto. Laba dhallinyaro ah oo aanu wada soconay ayaanu ku falanqaynay mushkiladda haysata dhallinyarada. Anigu waxaan idhi waar way ciyaarayaan, mid kale ayaa yidhi mushkiladdu waxa weeye meel ay dhallintu ku ciyaarto ayaanay haysan oo dantii guud oo dhan ayaa la cunay. Waxaan ku idhi waad heshay sababtii (you hit the nail on the head).
Habeen baan soo maray dhallinyaro waddada xidhatay oo buuqaysa. Markaas ayaan waydiiyey mid ka mid ahaa “maxaa dhacay?” Wuxuu iigu jawaabay “waanuย mudaharaadaynaa.” Markii aan waydiiyey sababta ay u mudahaaradayaana wuxu yidhi “garoonkii aanu ku ciyaaraynay ayaa na loo diiday.” Garoonka ay ku ciyaarayeen waa jago reer oo bannaan.
Mar baan ka qaybgalay tabobar lagaga hadlayey tarbiyadda dhallinyarada. Tabobariihii oo ka hadlayay ahmiyadda ciyaarta wuxu yidhi:
“dhallinyartu waxay ugu baahan yihiin ciyaaraha si la mid ah sida ay raashinka ugu baahan yihiin.”
Nin baa carruurtiisu aad u jeclaayeen kubadda tennis-ka. Kharashkii ayuu ka yara cawday kadibna nin qaraabadiisa ah ayuu ku yidhi waan ka joojinayaa. Ninkii wuxu ugu jawaabay “marka aad tennis-ta ka joojiso u diyaargarow in ay awooddooda ku soo jeediyaan guriga iyo arrimo kale. Aabihii wuu garwaaqsaday arrinkii, taladii uu qaatayna waxa ay noqotay in uu kharashka u dul qaato intii ay dhibaatooyin kale u soo jiidi lahaayeen.
Haddaba mushkiladdan dhallinteena haysata waxaa sabab u ah cisaabaadkaa qaybsaday dantii guud. Yaan waxba la eedayn waalidka masaakiinta ah ee bariiskoodii u soo xarbiyaya. Dhallintu waxay u gaajoonaysaa inay ciyaarto!
Nuur Xaaji Xiiray
nur.hersi21@gmail.com