Koobka kubadda kolayga ee Ramadaanta ayaa ka bilaabmay garoonka Timacadde

Wasiir-Xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Cismaan Garas ayaa shalay garoonka Timacadde ka furay koobka Ramadaanta iyo kubadda kolayga kaas oo loogu magac-daray marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayihii hore ee Ururka Saxaafadda Somaliland “SOLJA.”

Xaflad loo qabtay furitaanka ciyaarta waxa kale oo ka soo qayb-galay Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka), Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan “Indho-Indho”, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Arrimaha Saxaafadda Khadar Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto”, Ciyaartoy iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Guddida Qabanqaabada oo ugu horrayn xafladda ka hadla oo madasha hadal ka jeediyey waxa ay u mahadceliyeen Samsam Cabdi Aadan waxanay uga mahadceliyeen kuna ammaaneen kaalinta dhaqaale ee ay ka qaatay kharashka ku baxa laydhka lagu shidayo garoonka Timacadde inta ay ciyaartu socoto.

Madaxdii iyo xildhibaannadii kale ee iyaguna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ciyaaraha leeyihiin.

bandhige@gmail.com