Axkaamta Ramadaanta, Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan-Rakuub, Q.16aad

Fadliga cibadaada habeenkii (2)

Hase ahaatee xilligii Cumar Ibnu Khaddaab RC ayaa la tukaday salaadda Taraawiixda oo habeen walba cishaha dabadii la tukan jiray, iyadoo qofkii doona tukan jiray kii kale na aan la eedayn jirin. Sidaasanay ku noqotay salaad ilaa imika la oogo. Inta rakcadood ee la tukadaa waa kow iyo labaatan, saddex iyo toban ama kow iyo toban ba waa tiro sugan. Laakiin mid baa muhiim ah in la ogaado- salaadda marka aad tukanayso waa in aad tukataa salaad xasilloon oo aanad dedejin sida ay u dedejiyaan qolooyinka tukada kow iyo labaatanka rakcadood.

Habeennimada Ramadaan qofka u kaca salaadda Rasuulku CSW wuxu ugu bushaareeyey dambi-dhaaf iyo naxariis:

“Qofka kaca Ramadaan, isagoo u kiciyey iimaan iyo Alle ka cabsi, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo kiisi dambe ba.”

Waxa kale oo la dhiirigeliyey in salaadda aad tukanayso ee aad kula tukanayso jamaca habeennimada Ramadaan aanad dhexda ka jarin ee aad la dhammayso imaamka sida Rasuulka CSW ka sugan:

“Qofka u kaca salaadda ee la tukada imaamka illaa inta uu ka dhammaynayo, wuxu la mid yahay qof habeenkii oo dhan salaad u taagnaa.”

Sidaa waxa leh Ergaygii Alle SWT. Haddii aad imaamka la dhammaysato waxa aad helaysaa darajadaa sare.

Inta badan waxa aynu u hiranaa hawl kasta oo aynu qabanayno in aynu ku helno abaalcelin u qalanta shaqadaa aynu qabanay. Mar kasta oo maamuus laguu muujiyana waxa aad sii labanlaabtaa hawlkarnimadaada, taas oo aad ku doonayso mar walba in aad ahaato mid la xurmeeyo, shaqadiisana lagu bogaadiyo. Haddaba Alle SWT hawl kasta oo aad u qabato isaga dartii waxa aad kaga helaysaa abaalgud aanad filanayn xaddigeeda.

Habka loo tukado salaadda habeenkii waa qofka oo aan isku darin wax laba rakcadood ka badan sida Rasuulka CSW ka sugan,:

“Salaadda habeenkii waa laba laba rakcadood.”

Xadiiskaasi wuxu bidhaaminayaa in laba rakcadood marka aad tukato ba aad ka baxayso salaadda haddana aad laba kale u kacayso.

Sidoo kale waxa lagu soo afmeeraa oogista salaadda habeennimo hal rakcad oo la yidhaa salaadda kalida ah (Witri) waana rakcad qudha. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday:

“Habeenka laba witri kuma wada jiraan.”

Sidaa ajligeed haddii aad hore u soo tukato taraawiix oo aad la soo dhammaysatay imaamka, marka aad tahjudka tukanayso la dhammaysan maysid ee marka uu salaadda ka baxo uun baad rakcad kale u kici ama salaadda witriga ah ee u ku soo afmeeray salaadda ayaanad la tukanayn.

Salaadda la oogo habeenkii waa salaadda ugu qiimaha badan marka laga tago kuwa faralka ah:

“Salaadaha waxa ugu fadli badan, marka laga reebo kuwa faralka ah, salaadda habeenki la tukado.”

La soco qaybaha dambe. Wixii su’aalo aad qabto waxa aad kala xidhiidhi kartaa Sheekh Cabdirisaaq cabdirisaaqafrican@hotmail.com