Dhambaalkii Murugada! Cali ileeye

Arar:ย Dhambaalkan waxa aan ka soo dheegtay farriin ay ku baahiyeen baraha warbaahinta Suuriyaan uย  dhaqdhaqaaqaย  arrimaha bulshadu, ka dib markii aan dhuuxay dhambaalkaas oo dareenkayga taabtay, ayaa ay igu soo dhacday in aan Soomaali u rogo,waayo, inaga saamaynta uu tahriibku inagu leeyahay ayaa ka badan tan Suuriya.Dulucda sheekadu waa taa hore, bal seโ€™ waayaha iyo dareenka dhalinta Soomaalida ayaa ku lammaan.

Farriin ka timid wiil Soomaaliyeed oo ku dhintey badweynta!

โ€˜โ€™Waxa aan qorayaa dhambaalkan iyada oo ay biyihu dhankasta ka soo galeen doonnidii yarayd ee aan saarnaa. Nolosha waannu ka quusannay oo waanu ashahaadannayโ€ฆMa garanayo meel aan ku suganahay run ahaantii, oo aan ka ahayn in ay tahay badhtamaha Badda Cad ee u dhaxaysa Yurubtii aan hiigsanayay iyo Afrika (Qaaraddii habaarnayd ee aan ka imid). Hirarka badda ee cartamaya ayaa dhankasta naga dhirbaaxaya, mana jirto cid noo dhaw oo gacan na siin kartaa. Waxa aannu nahay dad ku dhaw 200 qof oo u badan Soomaali. Aniguย  galbaday! ee fadlan ciddii warqaddan hesha ama akhridaay, u gudbiya hooyaday .

Hooyaday macaaneey, waan ka xumahay doonnidii way ila gedoontay! Iska daa adiga oo agoonnimo igu soo koriyay, mustaqbalna iga sugayay in aan wax kuu taroโ€™e, ma soo bixin karo xitaa lacagtii iyo deyntii aad aniga dartay u gashay markii aan suudalay (tahriibay). (Lacag dhan inta u dhexaysa 5000 -10,000 dollar)

Anigoo ogsoon in aanadย  xattaa raqdaydana helayn, ayaan ku leeyahay ha murugoon hooyadayeey! Raqdaydu maxaabay kuu tari lahayd oo aan ahayn; kharashka soo qaadista, aasidda iyo tacsida oo ku culaysiya?

Ha ka ciishoon hooyo tagistaydii, maxaa yeelay rajo xumada dalka taallay may ahayn mid loo adkaysan karo. Sida dhallinta kale ee shaqa laโ€™aanta maqaaxiyaha la fadhiya, ayaan dulsaar iyo culays idinku ahaa. Qayrkay ayaan wax la qabay hooyo, himiladayduna waxa ay ahayd; in aan adiga sado adduunyo kugu deeqsiiyo kartidayda ragannimo. Ayaanka ayaa seโ€™ I ciilaay.
Xaaskaygiyeey gacaliso, waan ka tiiraanyeysnahay in aan kuu bineeyay guri dhalanteed ah. Waxa aan kuu ballan-qaaday, in aynnu ku noolaan doonno carri hodan ah oo aayatiin wanaagsan u leh inaga iyo ubadkeennaba. Dhul aanay ka jirin qaraabo kiil, eex, musuqmaasuq iyo caddaalad darro.

Waan ka xumahay walaalkey, maxaa yeelay, kuuma soo diri doono kontonkii Doollar ee aan ku ballan-qaaday bil kasta in kuu soo diri doono si aad xaqal-jeeb uga dhigato, shaxaadkana uga maaranto.

Waan ka xumahay walaashayeey, kuuma iibin karo moobilkii cusbaa ee la salaaxayay (Touch Screen), ee ay sidatay gabadhii aad saaxiibka ahaydeen eeย  ka dhalatay qoyska ladani.

Raalli ahaada kooxaha gargaarka iyo badbaadadoow, waayo maba garanayo barta aan ku suganahay hadda.Is dejiya laanta qaxoontiga iyo soo-galootigoow, idinku noqon maayo culays iyo dul saare.

Waad mahadsan tahay badyahay na soo dhawaysay eeย  aan baasaaboor iyo dal-ku-gal toona na weyddiini.Xushmad ayaan kuu hayaa kalluunka (mallaayga) hilbahayga jarjarayoow, waayo nama aadย  warsan qolodayada, deegaankayaga, xisbigayaga amma xarakadayada diimeed, oo nooma aad kala eexan sida dhulkii aannu kaย  nimid ka jirtay.

Waad mahadsan tahay warbaahinta Soomaaliyeed ee labada gelin ย min shan daqiiqoย  warka madaxdiisa dhimashadayadaย  ku xusi doontaay.

Dardaarankayga u danbeeya waxa aan u qorayaa dhallinyarada Soomaaliyeed, meelkatsa oo aad joogtaan, Waan ogahay rajo-xumada baaxadda leh ee idin haysatana intiinna gudaha joogta, waxa la i tusay hadda dhallintii Yurub tagtay iyo waayaha qalafsan ee ka hor yimid. Waan ka war qabaa kuwa Koonfur Afrika lagu gubayo iyaga oo nool, waan ka damqanayaa hablaha Soomaaliyeed ee Kiiniya lagu bahdilayo. Hadaba, ha ka sugina caqligii duugoobay ee halkan ina dhigay in uu ina badbaadiyo. Xaasha. Odoyaasha illaa lixdankii u xaydan kuraasidu, dan idin kama laha! Idinka ayaa dhulkiinna wax ka dhigi kara, waa se marka aad kartidiinna iyo aqoontiinaba midaysaan. Waa marka aad burburisaan teedadka qabyaaladeed ee idin kala xidhaya. Waa marka aad goysaan dabarrada fikir ee maankiinna lagu tigtigay. waa marka aad ka xorowdaan qoqobka iyo gobolaysiga dhexdiinna la dhigay.Ima soo noolayn kartaan aniga si aan hooyaday wax u taro, bal seโ€™ hiilka kaliya ee aad aniga iyo kumanaanka kale ee badweynta ku qaraqmay u fidinkartaan,waa idinka oo ka badbaadiya faca danbe in ay ku kacaamaan noloshan liidata ee aynu ka dhaxalnay jiilkii inaga horeeyayโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ.

intiinna ka murugoon doonta marka ay waraqaddan akhriyaaneey, waad mahadsan tihiin!โ€™โ€™

Tixraac:
Dhambaalkii Carabiga ahaa halkan ka daalaco:
http://www.alquds.co.uk/?p=331003

Aminta:ย  26/04/2015

 

Qalinkii :Cali Sh.Maxamed Cabdi (Cali Ileeye)
E-mail: caliileeye@gmail.com
Facebook:Riix halkan

Mareeg:Caliileeye.wordpress.com
Khartuum-Suudaan