Dhanka kale: Ka fog siyaasadda (WQ: Cumar Cali Cabdillaahi “Cumar-Dheere”)

Iyadoo roob shuxayo Land Rover makaga hor degtay aqalkii murtida iyo madadaalada ee Hargaysa. Intaydaan galin, aabbahaa nacnac makuu gaday. Kuraasta dhanka galbeed ma fadhiisatay….Adoo didsan daahu ma furmay.  Ma ku war heshay….” Waa lalahaa….”…Sidaad u eegaysay muuqalada miisagana u macaansanaysay ee aad majaajiladda ugu qoslay ma dhammaatay riwayaddii.

Tii xigtayna 1988 makaa soo gaadhay oo dagaal dhab ah ma u joogtay.
Gugii taa xigaynaya..” markan dada’ jiray 15″ iyo ” Aheey dumarku waa had iyo laayaan” iyo ” waa macaan amma waa qadhaadh”, maka dhagaysatay rikoodh 3 dhagaxle ah oo aan idaacad lahayn.

Labo sano kadib, hadana malagaa bililiqaysta rikoodhkii iyo cajaladahii 60 iyo 90-laha  ahaa. Intaa ka dib maku kaliyaysatay raadye da’ ah oo kaliya idaacadaha keena…Idaacadda quraanka ee Sucuudiga, BBC,  Sanca, Suudaan, iyo Kuwayt.
Kaama hadho. Fursad ma u heshay 1991-2 in aad maqaaxi cunto aroor iyo galab sigaar iyo bac ku hor gaddo. Halkaa markay joogto haddii heesi qaraami leedahay way ku biyo dhigatay…Qalinle, Moogayasha, Hibo iyo Magool, Maxamededa, iyo abkay jalamqalam…..Haddii shahaado loo badalo waa “Diploma in Somali Danan and Durbaanology”.

Daruur kale maku hadheeyeen 1993-1998. Anaashiid, akhbaar iyo musalsallo degalka ma biyo dhigeen. Sidaad u dhex mushaxaysay hadana dhamaadkii 1998 mar kale Cabditahliil ma is aragteen iyo ” Ilduufbaa shax kaa diloo….”.

Hadana 1998 ilaa 2004  saxanka ma u jeedisay dhankaa iyo galbeedka oo VOA oo aad  qaybta carabiga  11 habeenimo sugto maka dhugan jirtay اغاني ريفية امريكيا ama Heesaha Miyiga Maraykan…Heestaaba la qaatee manhaj dhan oo maraykan ayaa nagu maqan..
Haddaanay hugunka fanka ee Cartaad jirin iyo ” dadka, dadka Soomaliyeedoow” la inama soo loodsheen.

Heey. Sidu waa sidee. Hadana ma ku war heshay 2005 adiga oo ka soo baxay maktabad oo ag taagan koox muusiko iyo hees macaan isla helay…illayn meesha mayd ayaa yaal oo waaba duco macatablay(Kiristan)…Macallin bakhtiyay ayay maslaxaad ugu jiraan. Danbiga ka carar ayaa ka dhacday.

Intaad halkaa joogatay wax aan sawaaxili  ahayn waxa laguu  tiriyaa…” “Halalacda iyo muuqii indhuhu waxay u haysteen….” iyo Cumar Dhuulle oo xul ah ood dharka ku dhaqato. Oo Xasan iyo Cumarna “dheereeyee maxaa siday”?.
Waxii intaas ka danbeeyay ,2007 iyo ammintan, wa calyo-ceshi uun( Recycling) iyo xasuus (Nostalgia .).

Eegana?. Radio Hargeysa,88.6, 88.00 iyo 89.00 iyo BBC ayaa nagu hadhay…wax aan u bogayna waxaaba jira…” ….hankaagu hadhaafo reer hebel…”

TV-yadana iskuma fiicnin.
Maxaa wacay?
Dhagood ayaan ahay.
Haddii dawladdu reeraha ka xakamaysana waan eegi.

Lasoco #HUUNNO