Dhaqaalaha iyo Cashuuraha (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Sidda uu dhigayo xeerka midaynta cashuurahu , xoolaha nool waxaa laggu cashuuri karaa degmadda ugu danbaysa ee laggu kala iibsanayo ( sayladda) jaadkana waxaa laggu cashuurayaa meesha ugu horaysa ee uu wadanka kasoo galo.

Tusaale , xoolaha nool ee wadanka kasoo gala degmo X ama Y , waxaa laggu cashuurayaa sayladda xoolaha ee laggu iibsanayo , degmooyinka ay xoolahaasi dhexmarayaana laguma cashuurayo.

Hassa yeeshee jaadka waxaa loo cashuuraa si ka duwan sidda xoolaha , kastamka ugu horeeya ee ku yaala meesha uu kasoo galo ayuun baa cashuuraya.

Sidaa markay tahay , jaadka iyo xoolaha cashuurtoodu waa kala jaad , maxaa yeelay jaadka oo dhan waxaa laggu cashuurayaa hal , laakiin xoolaha midba sayladii loo wado ayuun baa daabaqadinaysa.

halkaasina waa sababta Degmooyinku ku waayeen cashuur , maxaa yeelay , Degmooyinku jaadka u yimaada ma cashuuri karaan , waayo meel kale ayaa soo cashuurtay , xoolaha dhex marayana ma cashuuri karaan , maxaa yeelay uma socdaane meeshii ay usocdeen baa cashuuraysaa ,sidaas ayaanay wixii u socday iyo wixii dhax marayay midna u cashuuri karin.

Dhaqaalaha iyo Cashuuraha 

Markabka kusoo xidha berbera , hadii uu siddo 10’000 ton , oo Hargaysi leedahay 4 kun oo ton . Wajaale 2 kun oo ton . Burco   3 kun oo ton , Boorama Kun ton , markabkaas waxaa bixiyey dhaqaalihiisa magaalooyinka soo rartay.

Hadii cashuuraha la odhan lahaa , magaalo waliba inta u socota ha cashuurato si dhaqaalihii ka baxay dib loogu celiyo waa macne , hadii la dhaho dawladda dhexe si guud kabka magaalooyinka ha ugu qaybisana waa macne ilayn markabka waa la wada rartaye , hadiise magaaladda uu kusoo xidho oo keliya inta laggu cashuuro kabkeeda la siiyo , magaalo X kama ay helin qayb cashuurtii ay bixisay.

Dhinaca kale , Jaadka waxaa laggu soo iibiyaa Lacagta lagga soo uruuriyo tuulooyinka iyo degmooyinka waddanka oo dhan.

Hadii la odhan lahaaa , maadaama jaadku yahay khasaare dhaqaale oo inagu socoto , magaalo waliba inta ay jaad cunto ha cashuurto , sidda xoolaha oo kale , jaadkana halagu cashuuro xerooyinkiisa , magaalo walba waxaa dib ugu noqon lahayd qayb ka mida lacagtii kaga baxday jaadka , hassa yeeshee hadii meel kaliya laggu wada cashuuro , ka dibna kabkeedda dib loogu celiyo  , magaalooyinka kale heli maayaan lacag kaga soo noqota lacagtii jaadka kagga baxday.

Sidaa markay tahay , degmooyinka Somaliland makala dhaqaale badna , degmo Patrol , macdan , Raashin iyo wax soo saar kale leh oo cashuur ka qaadaana ma jirto , hassa yeeshee nidaamka cashuureed ee waddanka ayaa u kala sed buriyey , oo meelaha qaar si gooniya u caawiyay.