Itoobiya waxaan ka bartay! Q.1aad (WQ: Ibraahim Khadar)

Waxa aan ku barbaaray degaan cimiladiisu kulushahay, inta badan dadku cadho badan yahay. Hadal dhaadheer iyo in meel masaafo ah la isagala hadlo amma la isaga yeedho wax ceeb ma laha.

Sharciga ku dhaqankiisu aad buu ugu adag yahay bulshadayda. Tusaale yar haddii aan soo qaato, waqtiga cagtu kala go’do gaadiid iyo dad ba waxa darawaladu maraan wadada khaladka ah. Waxa dhacda amma aad maqashay “sharcigu waa seexday” macnaw waa askari ku arki maayo.

Sidoo kale meelaha safafka loogu jiro ee dadku isku soo gadhaan waxa aad arkaysa qof markaas uun soo galay oo isagoo dagaf dagafda hayaa inta uu dadka dhaafo qofka adeegga bixinaya toos ugu tega, isna ma celiyo haddii uu weji garanayo oo wuu u adeegga, dadkuna ma cadhoodaan ee wuu garanaya bay ku dayaan.
Xeer-jajabka aad u shaqeeya, wastaynta iyo is weji garashada sharciga ka weyn. Waad garan kartaa da’ yar nolosha sidaas ah ku barbaartay heerka garaadkooda. Xataa haddii aad aqoon leedahay ood garanayso waxa kaa awood badan dhaqanka bay’da aad ku kortay.

Anagoo dabeecadaas iyo dhaqan kaas wadana ayaannu Jaamacadda toos ugu xaroonay, intayada horre u aragtay meelo kale oo sharcigu sarreeyo haddana dhuuxay nagaga jirtay oo ta degaanka aannu ka nimid ka jirtaa nagu qufulnayd.

Inta badan maalmaha fasaxa waxa ardaydu u jarmaada meel ay ka dhaw dahay cunto Soomaali oo qiyaas 16 km noo jirtay-Waa xaafadda Boli Makeel, Addis Ababa- si ay uga soo cunaan hilibka xoolaha iyo caanahiisa oo Soomaali ahaan aynu aad caan ugu nahay.
Waxa aanu ku baxnay dhawr wiil. Maalintii u horraysay ahayd een dhismaha Jaamacadda ka baxno, nasiib wanaag waa helnay bas-caasi na geeya istaanka aan buska kale ka sii raaci lahayn. Sidii si la mid ah isna baskii Makeel na geyn lahaa si dhib yar baan ku raacnay.

Markaan ujeeddadayadii soo gudanay, saruuradii hilibka noo haysayna iska soo baabiinay, ayaannu casar abaaro 4:30 galabnimo ka soo baxnay. Shaw waa waqtiga xafiisyada amma goobaha shaqo iyo waxbarasha ba laga rawaxo. Bulsho ahaana Addis Ababa waxa degen 6.5 milyan sida lagu sheegay World population Review. Sannadkiina waxa ku kordha 3.8%, waad garan karta magaalo intaas oo dad ah ku nool yahay.

Laakiin, maannu warka ba qabin. Soomaalidu waxay ku maahmaahda “Lax dhukani col iyo abaar midna ma oga.” Gaadhigii u horreeyey intaan saarnay waxa aan jidka ku arkaynay basas safaf dhaadheer. Waxa aanu u haysanayn in dadku wax kale sugayaan. “Malaa waa caydh oo raashin baa loo qaybinaya” ayaan maskaxda iska idhi. Markii aan gaadhnay Magananyo oo ah meel inta badan gaadiidka magaalada u baxaya isugu yimaad, ayaannu la kulanay safaf kuwii ka dhaadheer, balse waa iska dhaafnay oo waxaannu dhinaca ka marnay dadkii si aan u korno buskii Jaamacadda na geyn lahaa, anagoo duryamayna.
Daf bananu nidhi bus, intay nagu qosleen dadkii oo dhan baa waxa aan maqlayey “Somali” waxaan u qaatay waa Soomaliya ee iska daaya. Magaca Soomali waxa uu ku suntanaaday fawdo iyo sharci la’aan.

Intii maalintaa ka dambaysay waxa aan Itoobiya ka bartay samirka, sharciga iyo kala dambaynta. Qofka oo madax ah haddana haddii uu meel xanjo ka iibsanayo safka xagga uu kaga jiro dhaafi maayo.

La soco…

Waxa qoray: Ibraahim Khada